Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3412

October 4 2013                                                         Dul-Qacdah 29,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mesut Ozil Iyo Mitroglou Oo Hogaanka U Haya Kooxaha Todobaadkan Ugu Wanaagsanaa Champions League.

Laacibka ugu qaalisan kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa hogaankaa u haya kooxdii todobaadkan ugu wanaagsanayd Champions League isagoo Gunners ka caawiyey inay 2:0 ku dardaraan kooxda maalmahan kacsanayd ee Napoli. Ozil oo durba shacab badan ku dhex yeeshay taageerayaasha Arsenal ayaa goolkiisi ugu horeeyey ugu deeqay kooxdiisa lacagaha malaayiinta ah kaga so kaxaysatay Real Madrid, waxaan sidoo kale uu caawiye ka ahaa goolka kale oo isna uu ku faro yaraystay weeraryahanka Reer France ee Olivier Giroud. Weeraryahanka kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa sidoo kale ka muuqda liiska isagoo kooxdiisa ka caawiyey in 3:0 uga Farxashaan kooxda Benfica wuxuuna dhaliyey labo ka mid ah goolasha. Xiddiga reer Argentina ee Real Madrid Angel Di Maria iyo Lama Taabtaanka kooxda Real Madrid ee taageerayaasha Real u yaqaaniin ” Dheemanka Guduudan “ ee C.ronaldo ayaa ku jira liiskaa iyagoona kala qaybsaday 4tii gool oo ay habeen Hore Real kaga badisay Copanhegan, waxayna kala dhaliyeen min labo gool. Goolhayaha kooxda Celtic ayaa noqday goolhayihii Asbuucan ugu fiicnaa Champions League ka dib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii ay la qaateen kooxda Barcelona. Franco Ribery iyo Philipp Lahm ayaa kaga jira kooxda Bayeren Munich halka No.9aad loo doortay weeraryahanka Olypiakos Konstantinos Mitroglou kaas oo sadexleey dhaliyey kulankii ay 3:0 uga badiyeen kooxda Anderlecht.