Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3415

October 8 2013                                                         Dul-Xijja 3,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xildhibaan M. Sh. C/Raxmaan Oo Iska Fogeeyey Dil 3-dii Bishan Askari Bileys Ahi Ku Toogtay Nin Deegaanka Balayga-Cas, Tacsi-Na U Diray Qoyskii Marxuumkaas

Hargeysa, October 8, 2013 (Haatuf) – Xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa iska fogeeyey dil lala xidhiidhiyey oo 3-dii bishan October 2013 Askari Ciidanka Bilayska ka tirsani ku dilay Alle ha u naxariistee Marxuum magaciisa la odhan jiray Siciid Faacuul, kaas oo uu sheegay inaanu wax shuqul ah ku lahayn. Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan waxa uu sheegay in Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Balay-ga Cas inuu ahaa mid qadarka Alleh ku dhacay, isla markaana aanu ahayn mid qorshaysnaa, kaas oo tibaaxay in dad uu ku tilmaamay Fidmo wada-yaal ay suuqa u galiyeen inuu isaga ka danbeeyey Dilkaas, si adagna u deedefeeyey wararkaas ka dhanka ah. Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan waxa uu sidaas ku sheegay Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray, kaas oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Wargeyska Haatuf, isaga oo dhamaystirana u dhignaa sidan:-

”Aniga oo ah Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan waxaan marka hore Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay All ha u naxariistee Marxuum Siciid Faacuul oo aan isagana Ilaahay uga baryeyo inuu Naxariistiisii jano Waraabiyo inagana Samir iyo Iimaan inaga siiyo. Intaa ka dib Ilaahay waxaan intaas u dhaafayaa Aayada Quraanka Kariimka ah ku taal ee uu Ilaahay ku yidhi “Yaa Ayuhuladiina Aamanuu Injaa’a kum Faasiqun inaba’in fatabayanuu antu-Shiibu qawman Bi-jahaalati fa-tus-bixuu Calaa Maa Facaltum Mu’adamiin”. Intaas waxa aan u dhaafayaa waxa maalmahan Warxumo tashiil Bulshadda kusoo dhextuuray in Dhimashada Alle ha u naxariistee Marxuumkaas aan kor ku soo sheegnay uu dilka loo gaystay ahaa mid loo qorsheeyey, looguna talo-galay. Hadaba waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay Sal iyo Raad-toona lahayn hadaladaas Warxumo tashiilku Bulshadeena ku soo dhextuureen ee la dadkeenu beenta loogu sheegayo ee la leeyahay Xildhibaankanaa ka danbeeyey Qorshaha lagu dilay Marxuum Siciid. Waxaan leeyahay inta Warxumo tashiilka ka dhexwada Bulshadda  Ilaahay ha idin Tuso Xaqa iyo Wanaaga , waxaanan  u sheegayaa Cidkasta oo Arrintaas si qaloocan loo galiyey in Shilkaas uu Marxuumkaas walaalkeen ahi uu ku geeriyooday inuu ahaa mid Qadarka Ilaahay ku dhacay, wax ujeedo ah oo ka danbeysayna aanay haba-yaraatee aanay jirin. Ugu danbayn waxaan leeyahay dadkeena Ehlu Cilmi wal Caqliga ah oo aan u soo qaadanayaa Qisadii Nabi Ibraahim iyo Aabihii dhexmartay, waxaanan u soo xulay Doodii dhexmartey Nabi Ibraahim Aabihii oo Caabudayey Sanamo, aabo ahaana wuxuu ka mudnaa  waano, wanaag, daryeel iyo darajayn iyo inuu la jeclaado Khayr oo dhan. Sidaa darteed ayuu Aabihii ugu yeedhay inuu raaco Xaqa iyo Islaamnimada, waxaanan soo qaadanayaa Suuratul Maryam Aayadaheeda 40-aad ilaa 45-aad ee “Wadkur Filkitaaba Ibraahiima Inahuu Kaana  Sidiiqan Nabiyaa, Id-qaala Lii abiihi yaa abatii Limaa tacbuduu  maala yasmacu, walaa yubsiru walaa yuqni Canka Shay ah.

Yaa abatii inii qad Jaa’anii minal  Cilmi maalam ya’tiika fatabacnii ahdiika Siraadan Sawiya- yaa abatii laa tacbudu Shaydaana ina Shaydaana Kaana lil Raxmaana Casiya. Yaa abatii inii akhaafu an Yamsaka cadaabu minal  Raxmaani fatakuuna lil shaydaani Waliya”. Aayadahaa kor ku xusan wuxuu Allaah ku soo qaatay doodii dhexmartay Nabi Ibraahim iyo Aabihii, wuxuuna ku xusay sida Ibraahim uu ugu yeedhay aabihii xaqa oo ah si xigmad iyo naxariis leh, waxaanu u sharaxay sida uu ugu gafsan yahay Xaqa”.