Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3425 |
October 20 2013 Dul-Xijja 15,1434H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
La Taliyaha Madaxweynaha Ee Gobolada Bari Oo Ka Digay Colaad Ka Dhalata Xiisad Ka Taagan Xubno Loo Dhaariyay Golaha Deegaanka Xudun Oo Uu Ku Eedeeyay Inay Wadaan W/Daakhiliga Iyo Gudd. Komishanka Hargeysa, October 20, 2013 (Haatuf) – La taliyaha Madaxweynaha ee gobollada bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cade, isla markaana ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda gobolka Soolka ayaa ka digay colaad ka abuuranta xiisad ka taagan xubno loo dhaariyay golaha deegaanka degmada Xudun ee gobolka Sool, oo uu ku eedeeyay in gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Qaranka, Ciise Xamari oo laalay codbixinta doorashada deegaanka degmada Xudun uu hadana amar ku soo bixiyay shan xubnood oo ka soo jeeda Bohol in loo dhaariyo golaha deegaanka Xudun. Fu’aad Aadan Cade ayaa waxa uu sheegay inaanay bulshada Xudun aqbalaynin xildhibaano lagu qasbo, shuruudna ka dhigay in marka hore nabad laga dhex abuuro beelaha deegaankaasi ku dhaqan. La taliyaha Madaxweynaha gobollada bariga Fu’aad Aadan Cade oo shalay Wargeyska Haatuf uga waramay xiisada ka taagan deegaankaasi, ayaa sidoo kalena wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade ku eedeeyay inuu Kharashaadkii ka joojiyay maamulkii degmada Xudun, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Mushkiladaasi waa mushkilad ka taagan degmada Xudun dadka deegaankaasi wada yaalana iskuma wanaagsana oo dilal badan baa dhexyaala, heshiis baana la wadaa in magihii la kala qaato oo laysku soo dhawaado. Xudun baan joogay sanaaduuqdii doorashada deegaanka ayaa la keenay dabeeto dagaal bay soo qaadeen Khaatumo ciidankii qarankuna way ka jawaabeen, dabeeto gudoomiyaha komishanka Ciise Xamari ayaa amar ku soo bixiyay in la kansal gareeyo codbixintii degmada Xudun, waanu qaylinay waa nala maqli waayay dabeeto annagoo haysana Maayar reer Xudun ah iyo xoghaye tuulada Bohol ayaa la yidhi shan xildhibaan baa Bohol laga doortay, tuulada Bohol-na degmada Xudun bay hoos timaad ee codbixintii Xuduna waa la kansal gareeyay, muran badan baa ka yimid, iyadoo aan lala tashan Komishankii gobolka Sool iyo kii degmada Xudun ayaa gudoomiyaha Komishanku Ciise Xamari waxa uu Maxkamada gobolka Sool ku soo amray inay dhaariso shantaa nin ee Bohol, dabeeto waa la dhaariyay, meeshana waxa wada degan Dhulbahante, Habar Yoonis iyo Habar Jeclo, annagu garan mayno meesha kalidood doorashada loogu xidhay, isxambaarkiina lama hayo oo annaga hal qof dhinacayaga kama iman, shan nin oo tuulada Bohol laga doortay ayaa xildhibaano ahna maanaan garan. Waxaa la doonayaa in qasab nalagaga dhigo, arrintaasina dadkii is dilay dhibaatay u keenaysaa, shantii nin baa la doonayaa inay shaqeeyaan buugaagtii cashuurta ay ku qaadayeen iyo gaadhi Landcruser ah baa la siiyay, ilaa maalintii Kulmiye xilka la wareegay ilaa maanta dawlada waxaanu ka baryaynay in ciidan Bileys ah la siiyo Xudun hal askari oo Bileys ah nalama siinin, Boholna Bilays baa la siiyay. Waxaanu u aragnaa in dadkii laysku dilayo oo qabyaalad cad dadkii lagu kala xigsanayo. Wasiir Waran Cade waxa uu nagu yidhi lama odhan karo xubnahaasi Bohol xildhibaano ma aha, waxa uu nagu yidhi annagu ma odhan karo oo waa dambi ina Garaad Soofe-na ma odhan karo, annagu isxambaar ma ogolin caruurtaa la xambaaraa iyo oday iyo islaan gaboobay, shantaa nin ma ogolin Xuduna doorasho kamay dhicin, Ciidankii qarankaanu ogolaanaye xildhibaano qasab xildhibaan noogu noqdana annagu yeeli mayno. Dhaqaalaha uu Cali Waran-cade ka joojiyay maamulkii degmada Xudun niman Sacad Yoonisa markii aanu isku raacnay wuu sii daayay markii uu xilka la wareegayeyna wuu joojiyay lacagtaasi, balse markii ay Sacad Yoonis la hadleena wuu sii daayay, marka kale ayuu hadana amar ku bixiyay in la joojiyo bajadkii maamulka degmada Xudun. Waxaanu ka codsanaynaa Somaliland inay nala xaliso shantan nine e Bohol ee la leeyahay Xudun bay gole deegaan u yihiin haday Waran cade xildhibaano uga yihiin Bohol ha ku noqdeen, laakiin degmada Xudun shaqo kuma laha” Fu’aad Aadan Cade isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Anigaygani Bohol ma tagi karo Sacad Yoonis oo dhan baa ka markhaatiya iyaguna Xudun ma iman karaan, siday u xukumayaan Xudun doorasha-ba ka dhicin, ilaa nabadi dhacdo-na gole deegaan ma wada dhisan karno. Annagu waxaanu leenahay qasabka, xoogga iyo qabyaalada ha layska daayo lugtu haday jeeniga dhaafto way jabtaa, ina Ciise Xamarina waa nin dhaga la’ oo doonaya inuu tolkii kuraasi u sameeyo, waana nin ka Maxkamada gobolka Sool ee ku qasbay Komishankii gobolka iyo kii degmada oo diidan in nimankaa la dhaariyo. Waran Cadena anigu garan maayo saaxiibaanu ahayn, wasiiraanu wada ahayn wuu noo badheedhay Waran cade ee isaga xildhibaano ha u noqdeen, Xuduna ma iman karaan mana garanayno meesha ay cashuur ka qaadayaan, waana shan nin oo Sacad Yoonis ah, Xudun waxay xukuntaa 34 tuulo, 33 ka mid ah Dhulbahante oo Ugaadhyahan ah ayaa leh haddii la eegana Bohol hal xubin ayay heli lahayd”. |