Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3425

October 20 2013                                                         Dul-Xijja 15,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Maskaxdda Saxaafaddu Yey Noqon Mihnad Xaraggadda Iyo Ixtiraamkaba Ka Madhan

Cabdilahi Cali Xassan, UK

Siyaasadda maantu irbad intay ugu yartahay kama qaadayso tayadda iyo haybadda Ibraahin dhegaweyne manna noqon doonno xaalku mid waxa uu gallo iyo waxuu guddo na illowsiisa ee waa xilli Siyaasadeed waayahiisa iyo wakhtigiisa iska leh oo iska dhamaanaaya, midda kale inan rag ninka la yiraahddaa meel kasta iyo wakhti kasta oo uu jooggo waa is ogyahay, waanna isu tirsanyahay, aniggu nacas tiradda kuma darin oo kaasi waxba ma ogga. Inkasta oo saxaafaddu tahay tiir asaasiya oo ka midda qarannimadda iyo jiritaanka ummadeed, looganna baahanyahay masuuliyad weyn iyo dhowrsanaan qaangaadha, oo aan cidna sifo khaldan ugu liici Karin, ee u adeegaysa oo keliyaata Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadinkeedda oo ay aad mahiim iyo lagama maarmaantahay in waxa hooska ku jira lagga soo saaro oo si cad loo iftiimiyo ama loo bayaamiyo arimaha bulshadda ee kala duwan sidda caafimaadka, waxbarashadda, ganacsigga iyo nabadgelyadda oo saxaafaddu raaci weyn iyo heegan culus ay tahay inay ka noqoto oo waxii wax u dhimaaya nabadgelyadda iyo xasiloonidda cod dheer oo digniinna farta ugu fiiqdo si loogu dareen keliyo Xukumadda iyo Haayadaha dhinaca nabadgelyadda ee adeegooddu yahay sugidda hawlahaasi oo runtii masuuliyadaasi amaanteedda iyo fulinteedda leh had iyo jeer, waayo qofku masuuliyadiisa haddii uu ogyahay oo isha ku hayo shaqaddu waxay noqotaa mid dhamays tiran. Macnaha saxaafad maha qabiilinimo iyo qol madow oo inta computer  lala gallo lagga shaqeeyo isku dirka, naca, xumaanta iyo xaqdaradda ee waa xidhiidhka iyo isku xidhka dhamaan bulshadda reer Somaliland oo dhan iyo gudbinta warar aan dhinac ka rarayn oo xumaan iyo danno gaara lagga lahayn, isla markaasina si dhaqanka iyo asluubta ka baxsan hadh iyo habeen loogu weerarayn si milgaha iyo gobanimadda ka  aradan Shaqsiyaad gaara oo aan waxba galabsan, Beello iyo Deegaanno aflagaaddo  iyo adyad loola taggo, taasi oo ma kastu caadeysatey dhaqankan gebi ahaanba ka xawaareeyeen intii layku majiiran jirey ee dhaqanka iyo xadhigga inoo ahayd ee Qarannimo, Xididnimo, Wadda dhalasho oo derbi weyn iyo deyr aan marnaba la jiidhi Karin ah. Hadaba, waxaan arkaayey Saxaafadda qaarkeed oo qoreysey Ibraahin Cabdilahi Dhegaweyne oo dil qorshaysan ka badbaadey, ninka waxaasi qorayaa ama mareegaha waxaasi qorayaa maxay horta ka shaqaynayaan waa igga su,aale? Markay leeyahiin beeshii Ibraahin iyo nin wasiir ku xigeenna beeshiisi ayaa geesaha iskula jira maxay ka shaqaynayaa kuwa waxan oo gubtahanyo iyo kala dhimasho abuuraya ee ummadda ku khalkhal gelinaaya wax aan waxba ka jirin iyo munaafaqaddan. Haddii shil dhaco oo laba gaadhi isku dhacaan Haayadda wadooyinka ayaa u xilsaaran inay si deg degga goobta u tagaan oo baadhitaanno iyo macluumaadka shilka la xidhiidha soo saaraan, isla markaasina ciddii khaladka lahayd sharcigga ku abaal marinaaya, iyaddoo aan loo eegeyn kani waa mucaarid iyo kani waa muxaafid ee sharcigga aynu hoos hadhsanaynaa sifo qaynuunka ku qotonta uu inooggu wadda adeegaayo oo Qarannimo weyn iyo waddajir ku dhisan oo lagu wadda calool sanyahay oo haddii lagu qanci waayo xeerarka sharciyadeed ee kala duwan maraaya sidda haddii ay dhacdo (Error of Law) waayo aadame ayeynu nahay. Marka lagga yimaaddo Muxaafid iyo Mucaarid ee shicib aynu wadda nahay Ibraahim Dhegaweyne waa nin qiimo badan oo aan beel iyo bara gaara lahayn, waanna nin aan Xuub caaro noo dhaxayn marka lagga taggo (xili Siyaasadeedka) maanta lagu jiro oo berito iska dhamaanaaya, waanna nin dalkiisa iyo dadkiisa mustaqbal weyn ka raba oo siddoo kale tacab weyn u soo huray dalkiisa iyo dadkiisa, waanna nin dhiigiisa iyo dheecaankiisa ku beeray geedkan Xoriyadda ee maanta aan wadda hadhsanayno, waanna nin Shacabka reer Somaliland taageero weyn ka hasta marka lagu daro Madaxweynaha dalka hogaamiya Mudane/Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaan shaqsiyan ka mid ahay ragga taageeradda weyn u haya Mudane Ibraahin Dhegaweyne oo aan jeclayn in xagtini gaadho Ibraahin, laakiin danaha Siyaasadda ee maanta qoyan ayaa lagu kala aragti duwanyahay oo webigga ninba dhinac ka taaganyahay taasi oo ah Amuur Siyaasiya oo iska dhamaanaysa beri ka maalin. Markaa waxaan uga digayaa kuwa aan kala aqoon war iyo fikir shaqsiyadeedka ee aragtidoodda ku cabira warka diyaarintiisa in ayna meeli ugu banaanayn dhex orodka niman isagga kaa dhow oo xidhiidho iyo xadhko dhaadheer oo hoosta taxani ay jiraan, kuwaasi oo marnaba ayna dhaawaci Karin (Xili Siyaasadeedka) hadba lagu jiro ee lagu kala aragti duwanyahay oo dhitaddii dhaqan aan dhaawacayn mar qudha. Suxufigga iyo saxaafadda buubaalkaa waxaan leeyahay ummaddu siyaabo kale ayey isugu xidhantahay oo taar iyo xadhka xigga ayaa u xidhiidhsan ee Siyaasadda inaad wax ka barataan ayaa quman si aad u fahmi kartaan wax weyn oo meesha yaallaa inuu jiro oo geedi socodka Siyaasaddu tahay hogol roobaad iyo hayaan Siyaasiya oo istaraajiyad iyo maarayn weyn u baahan, isla markaasina aan lahayn cadaawad joogtaa oo meel ku neg. Wararka lagu baahiyey Mareegaha qaarkood ee ku saabsan Ibraahim Dhegaweyne waa war aan sal iyo raadtoonna lahayn oo ummadda lagu kicinaayo oo aan ahayn qaabka iyo meelaha loola kacay midna.  Waayo shilka gawaadhiddu wuu dhacaa maalin walba oo waa amuur iska caadiya, waxaanna loola macaamilaa qaabka iyo nidaamka xeerka  wadooyinku dhigaayo oo xeer ciqaabeed iska dejisan ah, marka baadhitaanadda shaaqalaha wadooyinku si hufan oo cadaalad iyo sinnaani ku dheehantahay u dhamays tirtaan. Hadaba, maskaxdda saxaafaddu yey noqon mihnad xaragadda iyo ixtiraamka ka madhan oo ummadda lays kagga horkeenno had iyo jeer, Suxufigga masuuliyad weyn ayaa saran oo loo baahanyahay inuu ogaaddo miisaanka hawshu leedahay wax ka reeban iyo waxuu xaqa u leeyahay inay had iyo jeer noqoto furaha shaqadiisa Weriyanimo. Askarigga qori ayaa loo dhiibaa maalinta dhiboogga uu ka baxo, waxaanna lagu dardaaraa in Qorigani saaxiibkii yahay oo naftiisa, saaxiibaddii iyo Qarankaba uu cadowga kagga difaacaayo, halka dhinaca kalena loogu sheegaayo inuu cadowgiisa koowaad yahay oo feejignaan iyo xilkasnimo weyn loogga baahanyahay iyo ilaalinta Amaanka iyo Xabadda dhuunta taalla oo isha  ku hay laggu yiraa si ayna ugu qarxin askarigga. Markaa Suxufigga iyo Saxaafadda waxaan leeyahay Amaanka Saxaafadda ma laydiin sheegay halkuu ku yaallo iyo sidda loo xidho, inta Rikoodhka, Kamaradda iyo Cod baahiyaha aydaan la hoos cararin Madaxda kala duwan ee Qaranka iyo qaybaha bulshadda intaba. Qeexitaanka Saxaafad iyo albaabka lagga soo gallo far waaweyn ayaa ku xardhan oo hawl maalmeedkaagga aanad gudan Karin la,aanteed, markaa korodhso aqoontaadda dhaawacna ha geysan dhaashigga iyo dhaymadda arimaha Bulshadda hala badiyo had iyo jeer, si loogga dheeraaddo iska horkeen iyo  dhibaato weyn oo saxaafadda Casrigga lagu qabo oo ku dhisan shaqsi weerar, isku dir iyo nacayb xadhkaha goystay oo bilaa Xuduudda. Waxaanan ku boorinayaa kuwa aan shaqalka iyo shibannaha kala aqoon in horta qaab qormeedka Somaliggu barasho kagga baahanyahay inta darajadda Suxufi aanad hiigsan, waayo (Little Knowledge is very danger). Waxaan u mahad celinayaa Suxufiyiin iyo Saxaafad ummaddu aad ula dhacsantahay heerkoodda warbaahineed oo qaybaha Bulshadda si hufan ugu adeegga oo aqoon iyo ogaal weyn ku dhisan, isla markaasina aan gudbin hadaf iyo fikir qabyaaladeed kala dhimasho qudha ku dhisan, Ummaddu midnimadda ayey sharaf iyo karaamo ku leenahay kuwa saamaha dhex jiidayanna waxaan leeyahay duf ku baxa dayrtan maantaa.

 

Cabdilahi Cali Xassan, UK