Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3462 |
December 2 2013 Muxaram 28,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Qiimaha Dhuxusha Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Qaar Ka Mid Ah Qoysaska Xaafadaha Hargeysa Oo Ay Ku Kaliftay Isticmaalka Shooladda Gaasta Hargeysa, December 2, 2013 (Haatuf) – Dhawrkii bilood ee u dambeeyey waxa kor u kac ku yimid qiimaha dhuxusha lagu iibiyo magaalada Hargeysa, taas oo saamayn ku yeelatay qoyasaska danyarta ah ee la daalaadhacaya sicir bararka maceeshada ee haysatay sanadihii u dambeeyey. Qiimaha lagu iibiyo Kiishka dhuxusha ah ayaa waxa uu gaadhay 100,000SL/shilling ah hadii la helo oo u dhigma $15, halka uu markii hore ka ahaa 50,000 ilaa 60,000SL/shilling ah taas oo culays balaadhan ku yeelatay qoysaska danyarta ah ee uu hooseeyo dakhliga soo gala (household income) maalintii oo markooda horeba aanu ku filayn daboolida nolol maalmeedkooda. Isbadalkan balaadhan ee ku yimd qiimaha Dhuxushu waxa uu ku keenay qoysaska magaalada Hargeysa qaarkood inay uga digo rogtaan isticmaalka qalabka kale ee wax lagu karsado khaastan Shoolada leh Dubaalada ee Gaasta lagu isticmaalo, taas oo mudooyinkii u dambeeyey dalabkooda iyo isticmaalkoodu xoog ku socday iyadoo qoysaska danyarta ahi ay tilmaameen inay uga jaban tahay kharash ahaan Kiishka Dhuxusha ah ee suuqyada ka jooga $15-ka dollar ee qoyska 6 qof ka koobani ay isticmaali karaan mudo 15 maalmood ah. Qiimaha Shoolada wax lagu karsado ayay dukaamada xaafadu ku iibinayaan qiime dhan $12 dollar taas oo gaasta qoysku ku isticmaali karo bishii ay noqonayso $10 dollar oo kharashka gaasta ah kuwaas oo u arka inay uga jaban tahay qiimaha dhuxusha ee samada ku laalmay. Hase yeeshee waxa kor u kacan baaxada leh ee qiimaha dhuxusha loo aanaynayaa Wasaarada Deegaanka oo culays saartay dadkii ka ganacsanayey soo shidida dhuxusha iyo meelihii laga soo shidi jiray oo fogaaday kadib markii xaaluf ba’ani dhulka ku yimid, iyadoo aanay jirin wax lagu bedelo geedka la shido ee dhuxusha loo bedelo. Sidoo kale qiimaha gaasta ayaa caadi ahaan mudooyinkii u dambeeyey halka liter uu suuqyada ka marayey 4500 ilaa 5000SL/shilling ah balse hadda uu ku yimid sare u kac la socday dalabka dadweynaha ee Gaasta oo kor u kacay waxaana wakhti xaadirkan halka Liter ee Gaasta ah lagu iibinayaa 6500SL/shilling ah iyadoo marka horeba isticmaalka gaasta oo caajis ahaa aanay ganacsatadu ku dhiiran jirin inay Gaas badan keenaan maadaama oo aanay ka socon jirin. Waxa walwalka badan ku haya qoysaska reer Somaliland ee duruufaha dhaqaale ku gadaaman yihiin in sida qiimaha dhuxushuba uu kor ugu kacay ama ay u yaraatay keenisteedu ay sidoo kale sare ugu kacdo Gaastu ama dalkaba la waayaba. Wasaarada Deegaanka oo maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanayd Siminaaro iyo tababaro kor loogu qaadayo deegaanka iyo ilaalinta dhirta ayaan iyadu wax qorshe ah ka lahayn wixii lagu bedeli lahaa goynta dhirta ee dadku ay kaga maarmi lahaayeen adeegsiga dhuxusha. |