Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3462

December 2 2013                                                        Muxaram 28,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Waxyaabahan Ha Sameyn Habeenka Ugu Horeysa Ee Aad Jacalkaaga Barashada Cusub Kulmaysaan

Ha ahaado wiil aad shabakada internet-ka ku baratay ama mid aa suuqa ku baratay, ha sameyn inta hoos ku xusan  ee adiga  tilmaamta kuu ah.

Ha iska waalin=  Ma u socotid qof aad wax badan la sheekeysaneysay, waxba ha xidhan dharkaaga ugu khatarsan oo adoo dhan gaduud/casaan ha iska dhigin. Waxad rabtaa adigu inuu kula dhaco ee maahan dharka iyo kabaha 10 centimeter dheerar le'eg oo aad xidhantahey. Gasho dhar iska caadi ah oo laga dareemayo inaad casho u socotid.

2- Xiriirkagi Hore= Su'aalo badan ayuu ku weeydiin oo ay kamid yihiin hadaad xidhiidh hore laheyd iyo sababta aad usoo dhameysay. Waxba haku dheeraan ee usoo gaabi, hadaa tahey gabadh xidhiidh badnayd oo 10 wiil soo martayna 3 oo kaliya u sheeg,.

3- No Calaacal= Maka yaabtaa dad marka aad la kulantid meelaha caamka ah oo kaga sheekeya noloshooda khaaska ah ayagoo ka cabanaya islamarkaas. Hadaba Iska ilaali inaad u calaacashid oo waa qariib qofka la hadleysid wali si fican umaad baran wuuna kula yaabi. Hadaad cuntada meesha aad ku kulanteen aadan ka helin, haka cabanin ee dheh 'Waa dhargay'. Musqusha hadii laga buuxana kadidaada isku celi.

4- Kaftan= Way fiicantahey inaa kaftantid laakiinse ha ka badbadin oo kaftan miidhan haka dhigin sheekada. Miisaan hadalkaaga oo yuusan wiilka ku maleyn qof arag gaaban, u niyad furnaw oo mid caajis badan haka dhigin kulankiina ugu horeeya.

 5- Rasiidka Cuntada= runtii sida wacan qofka soo agaasima ee ra'yiga leh ayaa badana bixiya, sida caadada ahna wiilka ayaa bixiya. Waxba haku dagdagin balse iska dhig qof raba inuu bixiyo haduu ka ogalaado ogow wiilkas waa mid gacan adag. ee ka fikir inaa xidhiidhka ka midha dhalisid.

 6-Waqti badan ha qaadan= Dabada ha is xanuujin hal habeen qof ma ku ogaan kartid, kulanka kowaad waa is barasho iyo is arag oo kaliya hadalkaagu intaas waxba yuusan ka dheeran. Hadeey kula tagto sheekadu yaanay kaala badnaan 2 saacadood. Waxkastoo aad sameysaa ha u raacin meel kale ee meesha kulankiina markaad kasoo tagtid hore usoo maca salameey.

7- Mobile= Mobile-kaga ku rid boorsada aad wadatid intaad Aamusiisid, HA ISTICMAALIN. Xushmee qofka ku hor fadhiya.

 8-Amusnaan= Hadaad tahey qof aamus badan, habeenkaas hadal. Haduu isagu aamusana ka hadalsii, way fududahay sida qof looga hadashiiyo. Su'aal weydi ama ka qosli, markaad furfurtid isaga iska hadli doona.

 9-Vedio= Haduu wiilku kaa codsado in kulankiina kowaad ku qaadataan shaneemo/fidyow iyo filin daawasho haka yeelin. Maxaa yeeley habeenkaas oo dhan waad amusnaaneysan wuxuna doonaya in uu baalka ku gashado.

10- Raqiis ha iska dhigin= Haduu ku dhaho goobta aad kasoo cuntayno dooro haka yeelin, haduu Hotel raqiis ah doortana haka yeelin. Taas soo sahal maahan?

Hadaa tahey gabadh ogal inuu shumiso wiilka eey shukaansaneyso habeenka kulanka koowaad  taas ha samayn ka fagow xataa ha u ogalaan inuu gacantada qabsado. La soco, habeenkaas jowharad boorso ku jirta ayaad tahay.