Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3464

December 4 2013                                                        Muxaram 30,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

100 Eray Oo Dumarku Ku Beer Laxawsadaan Ragga

Kadib markii mudo aan fogayn daraasad ku sameeyay kalmadaha Raggu marka ay doonayaan gabadha inay kaga hadliyaan ama xilliga is barashada ee ay doonayaan inay inanta halkaa uga dhawaadaan. (100 Kalmadood oo Raggu ku Beer-laxawsadaan Dumarka).

Markii dad badan akhriyeen, ayaa fariimaha igu soo noqonayay, waxa ka mid ahaa inay daraasadani ahayd mid hore loogu baahnaa, xaqiiqo dhab ahna ka hadashay. Sidaa awgeed la iga codsaday inaan dumarkana yara jaleeco dhankooda.

-Kalmadahani(100-kan Dumarka iyo 100-kii Ragguba) maaha kuwa kaliya ee Ragga ama Dumarku midba dhinacooda isticmaalo laakiin waa kuwii ugu badnaa, ama Ragga badankooda iyo Dumarkuba isticmaalaan.

-Beer-laxawsiga iyo kalmadahanba qofba si buu u isticmaalaa, qofbaa si daacad ah uga xog waramaya qalbigiisa oo kalmadahan adeegsan kara. Qofbaa si ilaaqi ku jirto ama dhallinyarnimo u isticmaalaya, iyo qaar kale oo badan. Markaa yaan loo malayn in dadka isticmaala oo dhami aanay ka run sheegayn.

1. walal magac macaan baad leedahay

2. aniga magacaygu waa Fihiima

Hinda Layla Siraad

3. wiil isku dhacaaya ayaad tahay

4. magacaaga waad u qalantaa

5. walaal ma xaas baad tahay?

6. kolay ta ku calfataa waa mid nasiib leh.

7. ninkii wanaagsanaa, gabadh baa haysata.

8. kolay hooyadaa baa kuu ducaysay

9. aftahanimada ma aabahaa baa kugu dhallay?

10. hanad hooyo dhashay baad tahay.

11. geesi baad iila muuqataa

12. aqoon yahan baad iila eg tahay

13. nin faraha lagaga gubtay baad u muuqataa

14. ragga adigoo kale ah lamaba helo

15. hawl kar baad tahay

16. meel lagugu diidaba ma lihid

17. habeen dhalad baad tahay

18. Deeqsi baad tahay

19. walal wiil kuu eeg walaalo ma tihiin?

20. wax wax loo dhalaad tahay

21. janaalaad tahay

22. gob baad tahay

23. jiniyadahaagaa I qanciyay

24. waad Jamaal badan tahay

25. walal waan kaa helay

26. indhahayga ayaan kaa jeclahay

27. imikaaban ku hadal hayey gacaliye

28. xageed ka dhacday?

29. lama arag baad noqotay

30. oo yaa ku arkaba

31. oo inaabti maxaad iila soo hadli weydey?

32. haday inani ku jamato sedan loolama dhaqmo dee

33. waan kuu xiisay

34. ma qof la ilaawaad tahay

35. been hay sheegin

36. daacada sidaan kuugu ahay, iigu ahow.

37. kaama maarmi karo

38. imika intaadan ila soo hadal ka hor uun baan ku hadal hayey.

39. indhahayga ayaan kaa jeclahay

40. dee waabay iga kaa haysataaye

41. tollow miyaad I fashay!

42. alla anigaaba iska ba’ay, (waar ma geed baad I saartay)

43. illeen waxani jacayl ka wayne

44. sawnigan saacad kastaba tabaya!

45. car anigoo kale isoo hel

46. cawo iyo nasiibkaa hadaad I hesho

47. ma miskiinadaydan ku jecel baad aragtay?

48. horta maxaad isla macaanaysaa?

49. horta marna ma iga fikirtaa?

50. isku halayn baad waxaa iigu samaynaysaa

51. baryahanba anigoo kuu cadhaysan baan hadan ku raadinayay

52. wax laygu kaa daayiyay garan maayee

53. dareenkaygu kaama taggana

54. hayaankaagu wacanaa

55. hoodaadu ma xumee, hadalka I deeqsii

56. horta hooyadaa miyay nooshay?

57. hablo miyay kula dhasheen?

58. inamadiina ma adigaa u way?

59. baryahan miyaanad waxba cunin waad xumaatee?

60. horta ma ogtahay inaan magacaaga ku hadaaqo?

61. gacalka muraayad xidho yaan indhaha lagaa cawryine

62. iska daa, anigaa mid qurux badan kusoo hadyadayne

63. waan kugu taamaa sidaan kuu ilaaliyo iima ilaalisid

64. aboowe macaanoow waa kuu xiisay

65. miyaanan ku qancin?

66. nabsi hayga galin

67. raalibaan kaa ahay

68. raali ahow macaan mise waan is dilaaba?

69. hayga hinaasin

70. nin aan kaa jeclahay aduunka maba joogo

71. Illaahay igama kaa qaado

72. alla maxaan ku dhaqaalayn lahaa

73. tollow yaa ii kaa xidhxidha

74. waynu isku macaanahay saw maaha?

75. caruur qurux badan baan kuu dhali lahaa

76. libaax baad tahay

77. ninku dhali karaa, ku dhiqi kara.

78. macaanoow anigu raaliyo ayaan ahay

79. adiga waan ku ogolahay

80. macaan waan kuu fiicanahay

81. waa laysku kaa halayn karaa

82. hada waan ku aaminay

83. hay lugoyn

84. imika maxaa ka run ah

85. horta ma ogtahay khayrkaa codsiyadoodii aan ka nasan waayay

86. adna markaasaad isu kay xariifinaysaa

87. war la’aan baaba ku haysa

88. hoy intaan kuu soo jeedo wax ila qabo

89. hadaan qof sanifo layma soo mariyo

90. qalbi qaboojoow

91. naftaa aragtidaada ku dagta

92. alla ani maa ku nool jacaylkaaga

93. miyaad fakartay saw kuwan timihii kugu baxeen?

94. labiskaagaa nin kugu gaadhayaa maba jiro

95. qosolkaagaan la dhacaa

96. yaan layga kaa cawryin

97. walal reer dhan baa igu indho kuusha

98. adna waad I dhayal sanaysaa

99. sayloon baad igu xidhay xalay

100.waan kusoo hiloobay

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa saaxiibada qaaliga ah ee I xasuusiyay ama ii sheegay, kalmadahan badan kooda, 100-kan iyo 100-kii horeba.