Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3467

December 8 2013                                                         Safar 5,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiir Ku Xigeenka Daakhiliga Somaliland Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Degaamo Ka Tirsan Buhoodle

Buhoodle, December 8, 2013 (Haatuf) - Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha guddaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe ayaa hawlo shaqo ku tegay degaano ka tirsan gobolka Buhoodle gaar ahaan deegaanada Qorilugud iyo maygaagle halkaas oo uu ku kala wareejiyay geelal in muddo ah lagu kal haystay degaamada Buhoodle iyo Qorilugud, kuwaas oo uu siweyn xalinteeda uga qayb qaatay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha guddaha Somaliland oo gacan buuxda ka helaya duqayda waxgaradka iyo maamulada degmooyinkan geelashu ku kala maqnaayeen.

Munaasibad kooban oo lagula wareegaayay geelan oo ka qabsoontay duleedka maygaagle ayaa waxaa goob joog ka ahaa garaado isimo cuqaal iyo waxgarad ka soo kala kicintimay degmooyinka Buhoodle iyo Qorilugud.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha guddaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa si guud ugu amaanay cid kasta oo ka shaqaysay isu soo celinta geelal ku kala maqnaa dhinacyadan waxaana uu kula dardaarmay in si guud looga wada shaqeeyo nabada waxaana hadaladisii ka mid ahaa”goobtan aan maanta joognaa waa Buhoodle iyo Qorilugud dhexdooda waa maygaagle waxaanu halkan ku kala wareejinay geel ku kala maqnaa laba belood in muddaa geelani waxaa uu maqnaa muddo labo bilood ah geela aanu ku wareejinay ardaaga Buhoodle waa 24 halaad iyo afar nirgood oo tirada guud ka dhigaysa 28 neef halka aanu ardaaga qorulugud ku wareejinayno afar halaad iyo nirig yar oo tirada guud ka dhigaysa 5 neef dhamaanba cidii gacan ka gaysatay sida xildhibaan Xariir iyo gudoomiyaha Qorilugud iyo rag kaloo farabadan waxaanan labada qolaba ku boorinayaa in laga wada qayb qaato nabada taas ayaa wax lagu noqonayaaye”.

Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee Somaliland gacan weyna ka gaystay sidii si nabad ah laysugu celin lahaa geelashan iyo gudoomiyaha degmada Qorilugud  waxaana ay si isku mid ah u tilmaameen muhiimada nabadu leedahay iyagoona soo dhaweeyay arintan.

Duqay iyo waxgarad ka kala socday labad dhinac ayaa soo dhaweeyay talaabadan kuna tilmaamay hiilin toosan oo loogu dhaqaaqaayo tubta nabad waarta oo ka hanaqaaday guud ahaan degaana gobolka Buhoodle kalana shaqayn donaan xukuumada Somaliland.