Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3470

December 11 2013                                                         Safar 8,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Aguero v Suarez: Yaa Ah Weeraryahanka Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan

Luis Suarez iyo Sergio Aguero ayaa isbuuc kasta ku tartamaya gooldhalinta horyaalka Premier League oo ay labadooda haatan ugu cadcad yihiin.

Labada ciyaaryahan ayaa ku jira qaab ciyaareedyo aad u sareeya, umana muuqdaan kuwa hakanaya waqti dhow. Suarez ayaa dhaliyay shan gool isbuucii hore kaliya halka Aguero uu dhaliyay labo gool, taasoo keentay in xiddiga reer Uruguay uu ka hormaro dhigiisa reer Argentina.

Liverpool ayaa sidoo kale ka horeysa Manchester City kala sareynta horyaalka sidaasi darteed Suarez ayaa haatan ku horeeya dagaalka labada dhinac, laakiin yaa fiican labada ciyaaryahan?

Suarez oo ganaax ku seegay shantii kulan ee ugu horeysay horyaalka xilli ciyaareedkan ayaa dhaliyay 14 gool 10 kulan uu ciyaaray. Kaliyana labo ciyaaryahan oo kubada cagta adduunka ah ayaa sameyn kara saami goolal oo sidaas isagu dhow.

Aguero isaga laftiisa dab yar ma shidayo waxaana uu fantastik u ahaa Manchester City xilli ciyaareedkan, isagoo seegay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkan horyaalka waxaana uu dhaliyay 12 gool 14 kulan uu saftay.

Dhanka fursadaha xitaa Suarez ayaa kaga horeeysa dhigiisa South America, iyadoo xiddiga reer Urugauy uu gool u sarifay 27.5% fursadihii uu abuuray, halka Aguero uu gool u sarifay 24% fursadihii uu abuuray, farqi sidaas u weyna uma dhaxeeyo.

Isbuucii hore tababare Manuel Pellegrini ayaa tilmaamay in Aguero uu ciyaaryahan ahaan ka fiican yahay Aguero islamarkaana uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican Premier League isagoo sheegay inuu ka dhameystiran yahay Suarez. Hadaba aragti ka dhiibo doodaan? Aguero iyo Suarez yaa ah ciyaaryahanka ugu fiican waqti xaadirkaan Premier League?