Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3474

December 16 2013                                                         Safar 13,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Hudheel Kharashka Cuntada ku Kordhiya Macmiishiisa U Hadli Waaya Si Naxariisle

Maqaaxida oo hal-ku-dhig ka dhigatay “Dabeecad wanaaggu wax qiimo ah kugu kordhin mayso” ayaa macaamiisha dabeecadda adag ka yaaceen, isla markaana shaqaalaheedu yihiin qaar aad u firfircoon Hudheel ama maqaaxi wax laga cuno, shaahana laga cabbo oo ku taal koonfurta dalka Faransiiska, ayaa dhigatay siyaasad ka yaabisay macaamiisha, kadib markii ay soo bandhigtay in qofka cuntad dalbanaya haddii uu hadalkiisa ka horraysiin waayo fadlan lagu dalaco kharashka, marka uu baxaayana hadduu sii nabadgelyeyn waayo shaqaalaha meheradda lacagta kor loogu dallaco.

Maqaaxida oo hal-ku-dhig ka dhigatay ?Dabeecad wanaaggu wax qiimo ah kugu kordhin mayso,? ayaa macaamiisha dabeecadda adag ka yaaceen, isla markaana shaqaalaheedu yihiin qaar aad u firfircoon.

Maqaaxidan oo la yidhaa Petite Syrah oo ku taal magaalada French Riviera ayaa qofka aan si naxariis iyo xishmad leh u hadal koobka kafeega ah ka siisa (7 lacagta Yurub ah), halka qofka yidhaa; fadlan shaah i siina laga siiyo (4.25 lacagta Yuruba), balse waxa aad uga sii jaban qiimo ahaan qofka yidhaa; maalin wanaagsan, fadlan koob kafee ah amma cunto i sii, waxana laga siiya qofkaas qiimo dhan (1.40 Euro.)

Dadka Faransiisku waxay caan ku yihiin kelmadaha raalligelinta ah markay wax dalbanayaan amma waa dad si akhlaaq badan u hadla, hase ahaatee waxa aad uga yaabisay dad badan sababta maqaaxidan siyaasadda akhlaaq-wanaagga ku dhisan u qaadatay.

Febrica Pepino oo ah maareeyaha maqaaxida Petite Syrah, ayaa u sheegay mareegaha Faransiiska in falsafadda ka dambaysa arrintan tahay nidaam cusub oo ay lacag ku helayaan, shaqaalahoodana ugu naxariisanayaan.

Markii hore waxay u bilaabantay si kaftan ah oo waqtiyada qadada ah, dadkuna aad bay uga cadhoodeen, mararka qaarna akhlaaq xumo ayaabay nooga yimaaddaan markay kafeega dalbanayaan. Waan ogahay in dadku odhanayaan adeegga Faransiisku ma fiicna, laakiin wax dhab ah in macaamiisha laftoodu ay akhlaaq xumo la iman karaan markay mashquulka yihiin,? ayuu yidhi Febrica.