Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3479 |
December 22 2013 Safar 19,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore Oo Ka Hadlay Xaaladaha Taagan Iyo Qodobo Distuurka Ku Jira Oo Uu Sheegay Inay Khilaafyo Culus Sababi Karaan Hargeysa, December 22, 2013 (Haatuf) - Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa si qoto-dheer uga hadlay xaaladaha kala duwan ee wakhtigan wehelka u ah guud ahaan Somaliland, kaas oo sidoo kale xukuumadda talada haysa ee madaxwayne Siilaanyo iyo axsaabta mucaaridkaba ugu baaqay inay joojiyaan yoo-yootanka dhexdooda ah. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay Wargeyska Haatuf ku siiyey hutelka Saba ee magaaladda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid tahay khatar uu tilmaamay inay mustaqbalka dhaw Somaliland kaga soo fool-leedahay maamulka Muqdisho oo uu ku eedeeyey inay maleegayaan dagaalo ay ku soo qaadaan Somaliland. Madaxwayne ku xigeenkii hore ee xukuumadda UDUB md Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu eedo horleh u diray Qaramadda Midoobay gaar ahaan xafiiskoodii siyaasada ee Hargeysa inay ka furtaan loo diiday ee UNSOM oo la xidhiidhiyey inuu maleegayo weeraro ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaan qorshaynayaan in ciidanka UN-ka ee jooga Xamar ee loo yaqaano AMISOM in iyaga oo is-garabsanaya ciidanka Somalia inay dagaal ku soo qaadi doonaan mustaqbalka dhaw Somaliland, taas oo uu maso kala dhigay taageeradii milatari ee ay ciidanka UN-ku siiyeen ciidamadii Kongo ee una suurta galisay inay ka takhalusaan M23 ee wadankaasi mudada dheer ka dagaalamaysay. Sidoo kale waxa uu Axmed Yuusuf ka xog-waramay qodob distuurka ku jira oo uu ku dooday inuu u baahan yahay in dib loogu noqdo, kaas oo tilmaamay inay khilaafyo horleh sababi karaan marka ay dhacdo in madaxwaynaha maamuus ka xayuubin baarlamaanku ku samaynayo, qodobkaas oo uu tibaaxay inuu yahay qodobka 96-aad ee distuur oo uu sheegay inuu guddoomiyaha maxkamadda sare siinaya awooda qayrul-caadiya oo u baahan in laga fiirsado. Guddoomiye ku xigeenkii xisbigii burburay ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin oo hada ah xubin sharaf ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa waxa uu iclaamiyey in dalku u baahan yahay in la curiyo maxkamadii distuuriga ahayd, taas oo uu sheegay inay si degdeg ah u xalin doonto muranada siyaasadeed iyo guud ahaan arimaha distuuriga ah oo uu tibaaxay inay yihiin kuwa hagar-daamooyinka ugu badan u geysta qarankan. Ugu horayna waraysigaas oo arimo kale oo faro-badan kaga hadlay ayaa isaga oo ka hadlaya xaalada guud ee dalka iyo khataro uu xusay inay ku soo fool-leeyihiin Somaliland, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Haatuf hadaad tihiin waan idiin mahad-naqayaa, mida kale inkasta oo aan baryahan ka yar nastey Siyaasadda oo aanan xaaladaha dalka waxba ka odhanin hadana waad ku mahadsan tihiin hadaad iga codsateen inaan wax ka idhaahdo sida ay iila muuqato xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay wakhtigan, aniga oo islahaa baryahana ka yar muquuro oo sidaas ku wanaagsan tahay marmar, isla markaana aanay quruxbadnayn inaad markasta hadashid. Waxaan jecelahay inaan ugu horaysiiyo xaaladaha taagan wakhtigan oo aan faallo ka bixiyo xafiiska UN-ka ee loo diiday in Hargeysa laga furo ee UNSOM iyo warbixintii xaqiiqada ka fogayd ee uu ka bixiyey Somaliland, markaa inkasta oo aan khatarta xafiiskan horena uga hadlay hadana waxaan anigu qabaa aragti ka fog ta ay dadku ka aaminsan yihiin xafiiskaas aynu u diidnay in dalkeena laga furo. Waxaanan qabaa khatartiisu inay imanayso dhawaan ama mustaqbalka dhaw ama ka fogba, run ahaantiina inaga iyo Somalia heshiin-mayno oo waxaanaynu ku heshiinaynin inagu waxaynu leenahay waanu la noqonay waxayagii oo waxaynu rabnaa inaynu noqono dawlad madaxbanaan oo caalamku aqoonsan yahay iyagu ma ogola inaynu sidaas u hano qaadno, taasina marka la is jiid-jiito waa aragti lagu kala tagayo, waxaana taas ku xiga maxaa xiga isku-dayga socda ee aynu ognahay halka ay bulshadeenu ka taagan tahay inaanay marnaba ka noqonaynin gooni-isku taagooda, mida kale ciidamada Muqdisho la dhoobay ee imika 22,000 ama 23,000 ee askari maraya oo aan qabana in laga sii kordhinayo waxaan qabaa inay Somaliland khatar ku yihiin, waliba sidaas ayaan waliba isleeyahay waxa ka maqan dawladda carbeed ee Masar oo imika hawlaheeda gaarka ah ku mashquulsan iyo waliba dawladda Talyaaniga oo aan filayo marka ay ku soo biiraan khatarta Xamar inagaga soo socota inaynu xaalad culus gali karno. Si looga hortago arrimahaas aan sheegayo waxaan Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ugu baaqayaa in Ciidamadda dalka la libin-laabo oo si wayn loo dhiso si aynu u noqono cudud wax la iskaga tiriyo oo aan lagu soo degdegi Karin, waxaanan leeyahay bulshadda iyo xukuumaddaba waar yaan la is dhiganin sababto oo ah waxa la yidhi laba arimoodba mid u teelo dhigo mar nabad u taalo-dhigo marna colaad hadii ay ka fursan waydo, markaa anigu waxaan qabaa inaynu u teelo dhigano colaada inagaga soo fool-leh Xamar, Somalia-na kolayba heshiin mayno oo waynu kala tagaynaa maxaa ka danbayn doona, waxaanan qabaa waxa taas ka danbayn doona inuu dagaal dhici doono ama dhawaan ama fogaan laakiin waxaan ku celinayaa Somaliland ha diyaargarawdo oo mashquulinta axsaabta iyo xukuumadu isku maqan yihiin iyo yoo-yootanka ha laga baxo. Waxa taas aan sheegay daliil u ah waxa ciidamadda UN-ka lagu yaqaanay inay nabad ilaalinta ka shaqeeyaan oo ciidankooda la kala dhexdhigo laba dhinac oo dagaalamaya laakiin hore looma arag M23 markii ay ciidamadda Kongo isdilayeen dagaalka way la galeen ciidamada Kongo oo askarta UN-ka ayaa jabisayba markaa taas mid la mid ahi inay imankarto xisaabta ha lagu darsado, waxaanan arintaas ku soo gunaanadayaa Somaliland ha diyaargarawdo oo ciidamada ha la dhiso oo xukuumaduna yoo-yootanka ay mucaaridka kula jirto ha joojiso”. S: Arinta dooda qaran ee ay xukuumadda iyo mucaaridku isku khilaafsanayeen ee todobaadkan laga heshiiyey sideed u aragtaa? J: Shakhsiyan anigu arintaas waxaan odhan lahaa dood cilmiyeed ha laga dhigo sababta oo ah marka la leeyahay dood qaran micno ayey samaynaysaa laakiin marka dood cilmiyeed la yidhaahdo ee la yidhaahdo qodobadaas iyo khaladaadkaas ayey xukuumadu samaysay oo lagu dhaliilayaa waa arin wanaagsan. S: Maadaama oo doodii qaran ee lagu muransanaa loo dhiibay Akamadiyada nabadda ma is leedahay hay’ad madaxbanaan oo dhexdhexaad ah ayaa loo dhiibay? J: Waan soo dhawaynayaa in qadiyadii lagu muransanaa loo dhiibay Akadamiyada nabada oo waxaanan isleeyahay anigu waabay soo dhawaatay laakiin waxaan leeyahay arinta dood cilmiyeed ha laga dhigo oo axsaabta mucaaridku halka ay dhaliilayaan ha ku dhuftaan waranka, xukuumaduna ha iska difaacdo wixii dhaliil ah ee ay diidan tahay markaa arinta sidaas ha lagu soo afjaro. S: Waxa jira sida la sheegay in warbixino xukuumadda Somaliland ka dhan ah inay asxaabta mucaaridku u gudbiyeen UN-ka arintaas ma garbaad u aragtaa mise gardarro? J: Waxaan u arkaa warbixintaasi inay tahay mid aad u khaldan oo aan dalkana u wanaagsanayn, xafiiska UNSOM-na looma diidin inuu Somaliland ka shaqeeyo waxaynu ku nidhi anaga iyo Somalia waanu kala duwanahaye laba dawladood ahaan noola macaamila oo lixdii qodob ee caalamku Somalia kula macaamilayey naga daaya. Mida kale had iyo jeer UN-ku waxay warbixino ka diyaariyaan meel dhiig ku daadanayo iyo meel dhibaato bina-aadamnimo ka jirto laakiin meel nabadgalyo iyo horumar ka jiro waxba kama saarno oo shaqo uguma jirto, mida kale aduunku waxa uu ka wada shaqeeyaa maslaxaada laakiin tolow maxay ciidanka UN-ku xooga ugu isticmaaleen khilaafyadii Kongo ka jiray, markaa waxaan leeyahay waxay Qaramada Midoobay Kongo ka sameeyeen ayey doonayaan inay Somaliland ka sameeyaan, waxaanan ka cabsi qabaa in inaga oo murmayna ay taasi inagu dhaco. S: Khilaafka golaha wakiiladda ka dhextaagnaa mudooyinkii u danbeeyey ee lagu muransanaa isku shaandhayntii guddidayada golahaasi oo maanta (shalay) cod aqlabiyad ah lagu meelmariyey sideed u aragtaa? J: Guddiyada golaha wakiiladu waa guddiyo ilaa sideed ah, hadaan soo qaato tusaale ahaan guddida joogtada ahi waxay hawsheeda ugu wayni tahay wakhtiga fasaxa lagu jiro oo golihii oo la soo gaabiyey oo wixii ay go’aamo gaadhaan wakhtigaas fasaxa ah waxay marka la isku soo noqdo ay hordhigaan golaha wakiiladda oo ma jiro arin ay gooni ula carari karaan. Mida kale dhamaan gudiyada kale ee golaha ka jiraana waa la mid oo go’aamada ay soo gaadhaan waa khasab inay golaha horkeenaan marka la isku yimaado, laakiin guddida joogtada ah waxay dheertahay kuwa kale waa anshaxa golaha wakiilada iyo xeer hoosaadka ayey hayaan laakiin marwalba wixii ay go’aamiyaan waxa la horkeenayaan golaha. S: In wakhtigan uu guddoomiyaha wakiiladu isku shaandhaynta sameeyo miyaa loo baahnaa ayaad isleedahay? J: Wax la isku qabsado anigu uma arko arintaasi maadaama oo aynu sheegnay inaanay go’aan aan golaha la marinin ay qaadankarin oo aanu meelmar noqonkarin, markaa anigu waxaaban aamisanahay inay raageen oo aan mudo 8 sano ah la isku shaandhaynin gudiyadaasi oo aan anigu qabo in mashruuc laga dayeyo. Baarlamaanka waan ka mid ahaan jiray oo waxaan ahaa xooghayaha joogtada oo markii uu wakhtigu naga sii dhamaanayey mar aanu ku kacnay Alle ha u naxariistee guddoomiyihii wakhtigaas ee wakiiladda marxuum Qaybe ee uu ogaaday inaanu xeerkii badelayno ayuu isku kaayo shaandheeyey markaa waa arin xildhibaanada golahaasi dhexdooda uun ah. S: Ma kuu muuqdaa mooshin ka dhan ah oo ay xukuumadu ku waddo Guddoomiyaha wakiiladda Mr Cirro oo sida uu Faysal Cali Waraabe sheegay ay ka fududahay in Madaxwaynaha maamuus ka xayuubin lagu sameeyo? J: Intaanan taas galin hadii uu nin xildhibaan ahi galo dambi ay ciqaabtiisu ka badan tahay saddex sano, Maxkamadu waxay golaha wakiilada ka dalbanaysaa in xasaanada laga qaado, iyada oo xildhibaanka maamuuska laga xayuubinkaro saddex daloolow laba dalool hada waa xildhibaanka maxkamadda la geynayo waayo isaga oo xasaanada wata dambi laguma oogi karo, markaa sidaas ayaa xildhibaanka dacwadiisii maxkamadda lagu geynayaa oo hadii dambigii lagu helo sidaasuu ku waayey hadii lagu waayo-na xildhibaankiisii ayuu ahaanayaa. Hadii aan taas ku xigsiiyo ta Guddoomiyaha wakiiladda oo ay xilka ka qaadi karaan saddex daloolow laba dalool oo noqonaysa 55 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee golahaas oo waliba hadii ay dhacdo aanu waayeynin xubin-nimadiisii oo xildhibaan ka mid ah golaha ayuu ahaanayaa. Hadaan u soo noqdo ta Madaxwaynaha oo dadkeenu khalad wayn ka aaminsan yihin, qodobka 96-aad waxa uu dhigayaa waxyaabaha uu madaxwaynaha maamuuska lagaga xayuubinayo oo waxa lagu soo eedaynkaraa uun laba qodob oo kala ah Khiyaamo Qaran iyo ku xad-gudub distuur oo kaliya, markaa dambigaas oo ah mid wayn ayuun baa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisaba lagu soo eedaynkaraa. Markaa danbigaas waxa ku soo eedaynaya golaha wakiilada oo saddex daloolow laba dalool ayaa u soo qoraya shirgudoonkooda, kuwaas oo laga rabo in goluhu ku ansixiyo Absolute Majority oo ah kala badh golaha iyo hal xildhibaan oo noqonaya 42 xildhibaan. Hadii sidaas lagu ansixiyo 10 xildhibaan iyo niman garyaqaano ah oo ay wataan ayaa qaadaya dacwadii oo waxay geynayaan golaha guurtida oo guddoomiye Saleebaan meesha wuu ka degayaa oo xubin ayuu noqonayaa waxaana fadhiisanaya halkiisa guddoomiyaha maxkamadda sare, markaas ayey xildhibaanadaasi iyo garyaqaanadoodu waxay halkaas ka oogayaa eedaynta madaxwaynaha iyadoo ay markaasna madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisuna ay garyaqaano keensanayaan oo ay halkaas iska difaacayaan. Eedayntaasna waxay golaha guurtidu ku ansixinayaan saddex daloolow laba dalool oo noqonaysa 55 xildhibaan, marka sidaas xasaasnada looga qaado ee ansixintaas lagaga qaado madaxwaynaha ka dib ayaa la geynayaa Maxkamadda sare si dambigii loogu oogo, markaa hadii dambigii lagu helona sidaasaa lagaga qaadayaa hadii lagu waayo-na waa Madaxwaynihii Jamhuuriyadda Somaliland”. S: Qodobka maamuus ka xayuubinta madaxwaynaha ee aad sheegtay in khalad laga fahansan yahay miyaanu u muuqan mid mad-madow badani ku jiro? J: Waxa jirta meel Distuurkeena carqaladi kaga jirto oo aan doonayaa in laga sii hortago, Maxkamadii distuuriga ahayd waxay ku dhexjirtaa maxkamadda sare markaa waxa weeyi guddoomiyaha maxkamadda sare marka uu soo fadhiisto Guurtida ee uu halkaas madaxwaynaha kaga qaado xasaanada hadana ma isagaa xukumaya?garsoore maxkamadeed qof laba jeer ma ku ridi karaa dacwad?waana arin imankara meesha oo khatar badan oo aan waliba leeyahay garyaqaaanka guud ee qaranku arinkaas ha shaqeeyaan isaga iyo maxkamadda sare. Anigu waxaan qabaa in la curiyo maxkamadii distuuriga ahayd, taas oo shaqadeedu tahay inay ka shaqayso doorashooyinka iyo khilaafyada siyaasadeed iyo wixii distuuri ah oo dhan, maxkamadda sare-na dacwadaheeda ay wadato sababta oo ah hadhaw marka uu guddoomiyaha maxkamadda sare madaxwaynaha xasaanada ka qaado iyada oo ahayd inuu kan maxkamadda sare sii fadhiyo oo uu xasaanada ka qaado guddoomiyaha maxkamadda distuuriga ahi oo isagu hadhaw maxkamada sare u gudbiyo si dacwada loogu oogo laakiin arinkaasi waa mid carqaladiisa leh oo wali maqan oo distuurka ayaa xanibaya oo waxa oo dhan isag saaray oo guddoomiyaha maxkamadda sare waa guddoomiyihii maxkamadda distuuriga ah oo waa guddoomiyihii guddida cadaalada oo waxaan odhankarnaa waa ninka ugu awooda badan dalkan wakhtigaygii Madaxwayne Cigaal (AHN) wuu kala qaaday oo waa shan cod ayaa lagu waayey qodobkaa maxkamada distuuriga ah oo waxa u codeeyey 50 xildhibaan halkii la rabay inay 55 xubnood u codeeyaan, markaa waa carqalad haysata dalka oo maxkamadda sare waxay qabsan lahayd shaqadeedii. |