Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3482

December 25 2013                                                         Safar 22,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Waxqabadka W/Waxbarashada Oo Keenay Dhiirigalinta Hablo Farabadani Inay Tagaan Dugsiyada”

Mawliid Sheekh Axmed

Aniga oo ka magacayga la yidhaahdo Mawliid Sheekh Axmed, isla markaana muddo dheer ka hawlgalayay ilaa wakhtigan xaadirka ah aan ka mid ahay Macalimiinta wasaarada waxbarashada Somaliland, ayaa waxaan halkan kaga hadlayaa doorka wasaarada waxbarashada Somaliland ee xilligan ay ka qaadato tayaynta waxbarashada, dhiirigalinta waxbarashada kala duwan ee dugsiyada hoose/dhexe, sare ilaa Jaamacadaha iyo horumarinta waxbarashada guud ahaanba dalka ayaa tan iyo muddadii ay xukuumada ka soo jeeda Kulmiye talada dalka hogaaminayay heer wanaagsan maraysa, isla markaana wasiirka waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan oo muujisay dadaal iyo firfircooni ay kaga midho dhalisay waxqabad balaadhan oo dhinacyo badan leh oo ku wajahan ardayda dugsiyadaasi kala duwan wax ku barta ee waxbarashada dawlada, dhiiri galinta waxbarashada ee hablaha oo wakhtiyadii hore aan dhirigalin heli jirin, isla markaana habo badani xilliyadii hore ay guryaha uun dhex fadhiyeen, balse maanta ka qaybqaata inay tagaan dugsiyada, waxaanay wasiir Samsam dardar galisay wakhtigan xaadirka in dumar badani ka xaadiraan dugsiyada.

Ta kale wasiirka waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan muddadii ay xilka wasaarada waxbarashada hogaanka u haysay waxa la shaqaalaysiiyay Macalimiintii hore wasaarada uga tirsanayd tiro ku dhaw oo macalimiin ah maadaama ardayda dugsiyada waxbarashada ee dawladu ay badan yihiin, in la helo macalimiintii wax baraysay, ayaa sidoo kale waxay wasiirka Samsam taageero weyn la garab taagan tahay cid kastoo bahda wasaarada waxbarashada ka tirsan sida macalimiinta hawlo ama dhibaatooyin ay la soo darsaan ka caawiso arrimaha la soo gudboonaada sida kuwa xanuunsada, xaasaskooda iyo caruurtooda xanuuno ku dhacaan, ardayda agoomaha aan iska bixin Karin lacagta waxbarashada iyadoo kafaalo qaaday inay bixiso kharashkaasi. Dadka laxaadka la’ ee waxbarashada jecel ama waxbarta oo ay dhiiri galiso, isla markaana ka caawisa dhinacyada baahiyaha lagama maarmaanka ah.

Waxa aad u kordhay ardayda waxbarashooyinka wasaaradu uga soo heshay dalalka Sudaan, Masar, Turkiga iyo wadamo kale, isla markaana ku baxay Baasaaboorka Somaliland.

Waxa jirtay macalimiin hawlgab noqday oo muddo farabadan ka hawlgalayay xarunta wasaarada iyo dugsiyada oo markii ugu horaysay abaalmarin ay gudoonsiiyay lacag ah toban kun oo dollar ilaa lix kun oo dollar oo ay xataa ku jiraan shaqaale hawlgab noqday oo wasaarada muddo dheer ka soo tirsanaa, arrintaasi oo ay noqotay wasaaradii ugu horaysay dalka ee xuquuq gudoonsiisa shaqaale hawlgab noqday, taas oo marwo Samsam Cabdi  Aadan aad loogu amaanay. Waxa kale oo wasiirku hiil iyo hooba la garab taagantahay dhiirigalinta waxbarashada dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaanay sidoo kale ku talaabsatay wasaaradu muddadii ay xilka haysay waxqabad iyo horumar balaadhan ilaa hadana dadaal ugu jirta tayaynta iyo kor u qaadida waxbarashada Somaliland.

Sidaa darteed waxaan si weyn ugu taageerayaa wasiirka waxbarashada marwo Samsam dadaalka iyo waxqabadka ay ugu jirto horumarka waxbarashada dalka, waxaanan leeyahay halkaa ka sii wad hawlaha aad qaranka u hayso Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ku garab galo dadaalka iyo halganka ay ugu jirto horumarinta waxbarashada dalka.

 

Qalinkii: Mawliid Sheekh Axmed

Hargeysa