Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3505

 January 21 2014                                              Rabic Al Awwal  20,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Waxaan La Yaabay Wasiirkeena Intaanu Waxan Saxeexin Lahaa Xasuuq (Genocide) Ayaa La Inagu Sameeyey, Hadana Saxeexay (Atrocities) Macnaheedu Yahay Dad Si Cadaawad Ah Loo Dilo Oo Soomaali Oo Dhan Ku Dhacay”

Faysal Cali Waraabe Oo Si Cadho Leh Uga Hadlay Heshiiska Turkiga Ku Dhex Maray S/land Iyo Somalia

Hargeysa, January 21, 2014 (Haatuf) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbigoodu qaadacay qodobada Somaliland iyo Somalia ay ku gaadheen dalka Turkiga, waxaanu sheegay in Somaliland lagu khiyaameeyay sida loo dhigay xasuuqii shacbiga Somaliland loo gaystay oo uu tilmaamay in xasuuqaasi laga been sheegay.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa sidoo kale eedayn kulul u jeediyay xubnaha Somaliland u sexeexay heshiiskaasi oo uu sheegay in xubnaha Somalia ay kaga adkaadeen mawqifkii ay ka taagnaayeen xasuuqaasi.

Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbigooda ayaa sidoo kale dawlada Turkiga ku eedeeyay inaanay dhexdhexaad u ahayn Somaliland iyo Somalia, balse ay la socoto mawqifka midnimada Somalia, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Markii horeba Ucid ahaan waanu saluugsanayn sida uu u socdo shirkan, wixii halkaa ka soo baxana waanagii nidhi shaqo kuma lihin, waa wax u gaar ah dawladda Siilaanyo weeyi, wixii maanta ka soo baxayna wax la liqi karo maaha, waxa judhiiba ka muuqatay oo uu ahaa kulan aan habaysnayn, dawlada Somalia may jirin, dawladeenuna waftibay iska dirtay, Siminaar bay yidhaahdeen way ku galayaan Addis Ababa, Siminaarka hay’add baa qabanaysay 15-kana shirkaa bilaabmaya bay yidhaahdeen.

Wax alla wax ay dadkaasi siteen may jirin gudoomiyaha team-kuna (M. Biixi) wuu cusbaa oo dad kale ayaa jira, waxaan u malaynayaa in wixii hore ee lagu heshiiyey wax document ahba sidanin, ninkii hore ee gudiyadii hore ee shirka ee wasiirkii hore (M. C/laahi Cumar) lama socon.

Waxa hadda ka soo baxay halkan wax cuntami kara maaha, Xasuuqbaa Inaga la inagu sameeyey, horta wax muhiim ah oo ka soo baxay shirkaasi waa eedayntaasi, eedayntuna waxa weeyi waxyaalaha aynu inagu xaqa u leenahay ee inoo fududaynaya inaynu gooni isku taagno ee la inoogu garaabayo waxa kow ka ah Xasuuqaa waa (Genocide).

Halkan waxa ku jira dhibaatadii iyo xanuunkii dawladii ciidamadii Milatariga ahayd geysteen oo Somaliland aanay ku jirin, waxa la simayaa Madaxweyne Siyaad Bare dawladiisii markii ay dhacday ee ay qabaa’il isku dileen 1991-kii iyo kuwii loo aanaynayey inay reer ahaan u dileen dagaalkii ka dhex dhacay iyo inageenii dawladii ay dishay ee diyaaradihii ay dileen ee qoxootigii Ethiopia la inagu xareeyey ee South Africanka la keenay ee maanta leh Xabaalo Wadareedyo laga bilaabo Ceerigaabo ilaa Gabiley ayaa jira oo aduunku ogyahay oo gacanta lagu hayaa, oo qof waloo godkaa laga soo raaro la doonayo in la helo DNA-diisa oo la doonayo in la ogaado yuu ahaa, sidii Kosovo iyo Bosnia oo kale, wixii inagu dhacay waxay ahaayeen oo kale wixi ku dhacay Kosovo iyo Bosnia oo kale.

Halkan waxay ku soo qoreen markaa Atrocities, Atrocities iyo Genocide waa kala dhinac, waxaan la yaabanahay wasiirkeena arrimaha dibadu intaanu waxan saxeexin waxa uu lahaa Genocide (Xasuuq) ayaa la inagu sameeyey, hadana waxa uu saxeexay Atrocities, Atrocities macnaheedu waxa weeyi in dad si cadaawad-nimo ah oo axmaqnimo ah dad aan hubaysnayn loo dilay, Genocide-na waxa weyi in si ula-kac ah oo qorshaysan dad loo dilo iyadoo loo aanaynayo haybtooda, diintooda iyo jidhkooda (midabkiisa weeyaan) waa Genocide sidii Yuhuuda oo kale ku dhacday, sidii Muslimiinta Kosovo oo kale ku dhacday, markaa in Atrocities (Cadaawad) la inoo saxeexo oo laga dhigo wax Somali oo dhan ku dhacay, horta waxa weeyaan qodobkaasi qodob aanu aqbalayno maaha”