Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3511

  January 28 2014                                             Rabic Al Awwal  27,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Gudida UN-ka U Qaabilsan Dabagalka Arimaha Soomaalida Oo Baadhaysa Musuqmaasuqa Hadheeyey Heshiisyada Shidaal Baadhista Ee Somaliland

Nairobi, January 28, 2014 (Haatuf) - Guddida Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arimaha Somalia iyo Eritrea (UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea) ayaa ku hawlan sidii ay baadhitaan ugu samayn lahayd heshiisyada shidaalka iyo macdan baadhista ee ay xukuumada Somaliland la gashay ugu yaraan sideed shirkadood oo ajnabi ah.

Heshiisyadan oo afar ka mid ah oo kaliya ay wasaarada tamarta iyo macdanta Somaliland warkooda si kooban u shaacisay, waxay xukuumadu la gashay shirkadaha Genel Energy Ltd, Ophir, DNO Ltd iyo Ansan Wikfs (Hadramout Ltd).

Siday ilo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan Nairobi ay sheegeen, baadhitaankan ayaa waxa la filayaa in culayskiisa ugu badani ku jihaysnaan doono wasiirka tamarta iyo macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Waji-xun) iyo qof kale oo isagu aan xil rasmi ah ka haynin xukuumada iyadoo la tuhunsan yahay in labadoodu ay faro waaweyn ku leeyihiin arimo musuqmaasuq iyo laaluush qaadasho ah oo la xidhiidha macaamil dhex maray maamulka Somaliland iyo shirkadaha shidaalka labadii sanadood ee u dambeeyey.

Gudidan UN Monitoring Group oo samaynteedu ku timid go’aan ka soo baxay Golaha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa sanadkii 1992 ayaa markii hore waxay u xil saarnayd oo qudha la socodka xayiraadii hubka ee lagu soo rogay Somalia isla sanadkaas iyo inay isla markaa arintaa golaha uga diyaariso warbixin sanadeedyo.

Hase yeeshee kadib markii uu Golaha Amaanku sanadahan danbe dhawr jeer uu balaadhin ku sameeyey hawlihii ay u igmanayd, ayaa sanadkii ina dhaafay ee 2013 waxa ay gudidani soo saartay warbixin ay markii ugu horaysay kaga hadlayso musuqmaasuq ku baahsan maamulka Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Maxamuud Culusow.

Warbixintan oo markii ay soo baxday galaafatay gudoomiyihii baanka dhexe ee Muqdisho Cabdisalaan Hadliye ayaa maamulka Xasan Maxamuud Culusow wuxuu ku waayey kalsoonidii deeqbixiyeyaal badan oo markii hore u heelanaa inay taageero dhaqaale oo badan u fidiyaan.

Cidaha is hortaagta hawlaha gudidan gaar ahaan markay baadhitaano samaynayso ayaa waxay mutaysanayaan ciqaab ah in hantidooda iyo safaradoodaba la xayiro.

Xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaaradeeda tamarta iyo macdanta ayaa caadaysatay inay si qarsoodi ah u maamusho heshiisyada shidaalka iyo macdan baadhista ee ay la gasho shirkadaha iyo shakhsiyaadka ajnabiga ah oo inta badan ah dilaaliin ruqsadaha la siiyo dib uga iibiya suuqyada caalamka taas oo ay ka helaan macaashyo gaadhaya malaayiin dollar.

Waxa se soo ifbaxaya lacago iyo hanti qiimahooda lagu qiyaasay in ka badan 20 milyan oo dollar oo laaluush ahaan iyo dilaalba lagu bixiyey saxeexidii qaar ka mid ah heshiisyadaa.

Wasiir Xuseen Ducaale oo inta badan qarsoodi dalka uga amba-baxa ayaa cidaha uu la galo heshiisyada shidaalka iyo macdan baadhista kula kulma Koonfur Afrika ama dalka Imaaraadka Carabta oo uu ka iibsaday guri qasri ah oo uu ku magacaaban yahay nin ay walaalo yihin oo sida la sheegay aan waligii shaqo u kalihin.

Mr Ducaale oo qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha shidaal baadhista oo gudida la kulmay ku tilmaameen nin ku dhiiran musuqa iyo laaluushka ayaa u muuqda inaanu walwal ka hayn shaqadiisa oo uu waayo oo uu kalsooni buuxda ka haysto qasriga madaxtooyada.