Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 29254 |
April 17, 2012 Jamadi Al-Awal 25,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Real Madrid Iyo Bayern Munich Oo Fooda Isku Dari Doona Garoonka Allianz Arena Oo kooxdii Final Gaadha Mar Kale Ku Ciyaari Doonto Iyo Guuxa U Dhexeeya Barcelona iyo Chelsea Iyada oo caawa garoonka lagu qaban doono Finalka Champion-ka ee Allianz Arena ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa waxa dhawaanahan soo baxayay aragtiyo kala duwan oo ay ka yidhaah deen khubarada ku xeesha dheer ciyaarta kubada cagta iyada oo dadka labada koxood kala ayiday aya kamid ahaayeen Diego Maradona iyo Arsene Wenger oo ah laba tabare oo ka kala hawl gala wadamada Ingiriiska iyo Imaraadka. Labadan kooxood ayaa ah kooxaha taariikhda ku leh koobka kooxaha yurub, Real Madrid waxa ay koobkan hore u qaaday 9-jeer oo hore halka Bayern Munich ay ku guulaysatay 4-jeer oo hore. Labadan koxood midii u gudubta Finalka ayaa nasiib u heli doonta in ay mar kale kusoo laabato garoonka Allianz Arena oo ku yaala guriga Bayern iyada oo kula ciyaari doonta mid ahaan kooxaha Chelsea iyo Barcelona. Dhanka kale waxa habeen danbe qabsoomi doona Kulanka xiisaha iyo taarikhda xambaarsan ee ka qabsoomi doona garoonka Stamford Bridge ee magaalada London. Kulanka ayaa waxa fooda isku dari doona kooxaha sida wayn isku yaqaana ee Chelsea iyo Barcelona. Kooxda Chelsea oo ah koox hab difaac ah kula ciyaarta Barcelona aya waajihi doonta xaalad adag hadii uu David Luiz uu ku maqnaado dhaawacii kasoo gaadhay kulankii Tottenham, iyada oo ilaa hada aanay kooxda Chelsea waxa war kasoo saariin dhaawaca difaac yahanka reer Brazil. Dhanka kale tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa carabka ku adkeeyay in ayna ogolaan doonin in guuldaro ay ka soo gaadho Chelsea marka ay arbacada ku booqdaan garoonka Stamford Bridge. Guardiola oo kooxdiisa ay difaacaneyso Champions League ayaa lugta hore u safri doonta London, waxana uu sheegay inuu ka warqabo kubada xooga ku dhisan ee ay ciyaarto kooxda Blues. “ kama walwalsani kubada xooga ku dhisan ee Chelsea, waan u bartay” ayuu Guardiola u sheegay jariirada kasoo baxda gudaha Ingiriiska ee Sunday Mirror. “Waxan leenahay awooda maskaxeed ee aan ku horjoogsan karno xalaada. Waa muhiim in aan heysano awoodaasi” “Ciyaartoydeyda Barcelona way ka warqabaan xaaladaas. Sidoo kale waxa ay ogyihiin hadii la naga badiyo semi-finalka, ka dibna Real Madrid ay naga badiso sabtida, in xilli ciyaareedkan aanu koob weyn la’aan ku dhameysaneyno” Booqashada London ay ku tagayaan ayaa ah bilowga dagaalka ay Catalans u geli doonto Champions League iyo horyaalka. Kooxda Barcelona ayaa shalay safar ku timi magaalada London iyada oo isku diyaarinaysa lugta hore ee weereega afar dhamaadka Champion-ka. “Waxan heysanaa labo maalmood ilaa kulanka Chelsea, ka dibna waa in aan u diyaargarownaa Real Madrid”“Lakiin waxan halkan joogaa afar sanno, waxanan garanayaa sida loola macaamilo xaaladahan oo kale” “Waan la qabsanay xalaadahan oo kale. Waana waxa aan baraneynay in aan sameyno afartii sanno aan halkan joogay”“Lakiin haatan tijaabada ugu weyn ayaan galeynaa. Waxan ciyaari doonaa seddex maalmood ama afar maalmood oo kasta. Ka dib kulankii Levante waxan la ciyaareynaa Chelsea, ka dib Real Madrid, hadana Chelsea mar kale” “Chelsea waa koox xoogan awood oo leh jidh ahaaneed, islamarkaana lehkhibrad badan” ugu danbayn rajada kulanka labada koxood ee Chelsea iyo Barcelona waxa uu soo gunaanadmi doonaa marka lugta labaad ay kooxuhu ku kulmaan garoonka Camp Nou ee magaalada Barcelona . |