Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29256

April 19, 2012                                                       Jamadi Al-Awal 27,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Rayaale Iyo Ku Xigeenkiisa Oo La Sheegay Inay Isku Qanciyeen In Mar Kale Ay U Ordaan Madaxtinimada Dalka, Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh UDUB Oo La Filayo Inay Ka Dhaqaaqaan Dhawaan

Hargeysa, April 19, 2012 (Haatuf) – Madaxwaynihii hore ee Somaliland iyo ku xigeenkiisii, isla markaana ah Guddoomiyaha iyo ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen in mar 3-aad ay u ordaan Musharaxnimada Madaxwayne-nimo  hadii xisbigoodu ka soo gudbo doorashadda golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto.

Sida uu Wargeyska Haatuf uga xogwarantay Masuul ka tirsan xubnaha sarsare ee xisbiga UDUB, kaas oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo, ayaa tilmaamay khilaaf mudo dhexmiranayey Rayaale ku xigeenkiisa ay ka heshiiyeen, isla markaana ay isku afgarteen inay muquuriyaan siyaasiyiinta Udub ee damacu kaga jiray inay xisbigaas iska soo dhex sharaxaan.

Sidoo kale Masuulkaas ayaa waxa uu intaas ku daray in tan iyo maalintii uu Daahir Rayaale laalay Musharaxnimadii golaha dhexe ee UDUB u doorteen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, isla markaana dad badani sheegeen inuu garabka saaray Wasiirkii hore ee duulista Cali Maxamed Warancade ee lagaga adkaaday tartankii Musharaxnimada ee xisbigaas dhexdiisa in mawqifkaasi isdalay ka dib markii lagula taliyey inay labadoodu mar 3-aad isa-soo sharaxaan Musharaxiinta Udub u tartami doonta Doorashada Madaxtooyada.

Dhinaca kale Masuulkan ayaa sheegay in Rajada kaliya ee Xisbiga UDUB uu u lahaa in bulshada reer Somaliland mar kale dib u soo doorataa ay ku jirtay oo kaliya  Jamaal Cali Xuseen oo loo ogolaado inuu hogaamiyo xisbigaas, hadii kalese aanu ka soo bixi doonin doorashada golayaasha deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomi doonta. Ugu horayna Masuulkaasi isaga oo ka hadlaya heshiiska Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu yidhi “Waxay ku heshiiyeen Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin inay mar sadexaad u tartamaan Musharaxnimada xisbiga UDUB, waxaanay damacsan yihiin in doorashada deegaanka wixii ka danbeeya ay ku dhawaaqaan, sababta oo ah hadii ay imika ku dhawaaqaan damacoodaas Musharaxnimo cid ka aqbalaysaa ma jirto iyaguna kalidood waxba ma qabsanayaan”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Jamaal imika wuu ka niyad jabay xisbiga UDUB, sababta oo ah isagu waxa uu doonayey inuu difaaco karaamada xisbigaasi ummadda reer Somaliland ku dhex leeyihiin, oo uu muujiyo inuu yahay xisbiga ugu wayn ee Somaliland ka jira. lacagtiisii waxyar oo la isticmaalay mooyaane intii badnayd wuu la baxay oo wax aan ka badnayn ilaa $70,000 ayaa laga isticmaalay oo uu inta ugu badana isaga ku baxday, intii kale wuu qaatay oo xisbiyada kale kii uu u arko inuu ummadda dani ugu jirto ayuu ka dhex ifi-doonaa”.

Masuulkan UDUB ka tirsani mar uu ka hadlayey rajada laga qabo in xisbigaasi uu mar danbe ka mid noqdo saddex xisbi qaran, waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB rajada kaliya ee u banaan ee ummadu mar danbe ku aqbali karaysay waxa ay ahayd iyaga oo ogolaada Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, sababta oo ah xisbigayagii kor ayuu u soo kacay markii uu Jamaal ku dhawaaqay inuu u tartamo jagada ugu saraysa xisbiga, taasise waxay u cuntami wayday Wasiiradii Rayaale ay iskugu dhawaayeen oo dhan, hadii ay xataa Wasiiradii Rayaale hogaanka UDUB loo dhiibo xisbigaasi ka mid noqon maayo saddex Xisbi ee tartanka doorashada deegaanka ku guulaysta”.