Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29257

April 20, 2012                                                       Jamadi Al-Awal 28,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xukuumada S/Land Oo Faahfaahin Ka Bixisay Asbaabaha Ay U Qaadacday Wadahadal Ay Somalia La Yeelato, Sheekh Shariif-na Ku Eedaysay Inuu Carqaladaynayo Miiska Wadahadalka

 “Halka Sartu Ka Qudhuntay Ee Arintu Ka Murugtay Waa Go’aanka Uu Sh. Shariif Ku Raftay Ee Uu Ku Magacaabay Xubno Ka Soo Jeeda Somaliland” Dr. Maxamed C/Laahi Cumar Waraysi Khaasa

Hargeysa, April 20, 2012 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa sababeeyey Qaadacaada Xukuumadu ay ku deedefaysay wada-hadaladii ay lagu balansanaa inay Soomaaliya la yeelato, kaas oo tilmaamay inuu wada-hadalkaas carqaladeeyey Madaxwaynaha TFG Sh. Shariif Sh. Axmed, ka dib markii uu guddidii uu u magacaabay wada-hadalka uu ku soo daray laba xubnood oo ka soo jeeda Somaliland, una dhashay gobolada Sool iyo Sanaag bari.

Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay Wargeyska Haatuf ku siiyey khadka tilifoonka, isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo ku dooday in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay oofiso qodobkii Somaliland ka khuseeyey qodobadii laga soo saaray shirkii London ee ahaa inay labada dal wada hadlaan.

Wasiirka Khaarajiga Maxamed C/laahi waxa uu dhaliilwayn dusha u saaray Sh. Shariif, kaas oo uga digay inuu carqaladeeyo go’aamadii shirkii London, kaas oo ugu baaqay inuu ka noqdo labadaas xubnood ee Somaliland ka soo jeeda ee uu magacaabay. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya go’aanka ay ku qaadaceen wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ay yeelan lahaayeen, waxa uu yidhi  “Falanqayn badan ka dib waxa uu Madaxwaynaha Somaliland qaatay go’aan ah inuu guddi u magacaabo qabanqaabada wadal lala yeesho Dawladda TFG ee Soomaaliya, hase yeeshee waxa taas ka danbaysay oo uu Sh. Shariif ka soo daba tuuray guddidii uu magacaabay laba xubnood oo kale oo deegaan ahaan iyo dhaqan ahaan iyo dhul ahaanba ka soo jeeda Somaliland, labadaas xubnood ee danbe waxaanu u aragnaa arin lagu carqaladaynayo wada-hadalkii la rabay inuu dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya, arintaasina waa arin aanaan sina u qaadan Karin oo aanu ka badheedhnay, meelna kagamay jirin heshiiskii lagu gaadhay shirkii London ee bishii labaad ee sanadkan in xubno aan labada dhinac isla ogolayn in lagu soo daro wada-hadalada. Markaa xukuumad ahaan waxaanu u aragnaa arintaasi inay tahay mid wiiqaysa wada-hadal dhexmara Somaliland iyo maamulka TFG-da, maamulkaasina hadii uu danaynayo inaanu la yeelano wada-hadal lagu najaxo waa inay carqalada ka daayaan wada-hadalka”.

Wasiirka Khaarajigu mar uu ka hadlayey cida dunidu rabto inay danahooda ka wada hadlaan, waxa uu yidhi “Cida la rabay inay danahooda ka wada hadlaan waa dawladda Somaliland iyo Maamulka TFG, markaa maadaama oo uu maamulka Muqdisho uu wakiil ka yahay Maamul goboleedada ay Puntland ka midka tahay maaha inuu is yidhaahdo raali gali, markaa halka uu khaladkani ka yimid ee aanu arintaas u aanaynaynaa  inuu wada-hadalkaas kharibay waa Sh. Shariif”.

Dr. Maxamed C/laahi mar uu ka jawaabayey inay xukuumad ahaan iyagu carqaladaynayaan wada-hadaladii lagu balansanaa, waxa uu ku jawaabay “Arinkaasi waa mid aan xaqiiq ahayn, sida ay Somaliland  u danaynayso arimaha Mandaqada waxa cadeynaya ka qaybgalkii aanu ka qaybgalnay shirkii Soomaalida ee London, shirkaas oo inta badan lagaga hadlayey arimo u  badan siyaasada Soomaaliya, waxa kale oo xaqiiq ah in dunidu doonayso oo danaynayso in arimaha geeska xal waara laga gaadho taasi waxay keentay in la yidhaahdo Somaliland iyo Soomaaliya danahooda ha ka wada hadlaan. Halka Sartu ka qudhuntay ee arintu Murugsan tahay waa arinta go’aan qaadashada ee uu ku raftay Madaxwaynaha dawladiisu sii dhacayso ee Sh. Shariif, aduunyaduna way arkaysaa inuu wada-hadaladii lagu heshiiyey uu hogaamiyaha TFG u maray wado khaldan”.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayey go’aamadii ka soo baxay shirkii London bisheedii labaad loogu qabtay kooxaha Soomaalida, waxa uu yidhi “Shirkii London go’aamadii ka soo baxay waxa uu ahaa in Masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa TFG is arkaan oo ay danahooda ka wada hadlaan, laakiin Shariifku arintii wuu baal maray oo waxa uu qaatay go’aan carqalad ku noqonaya Wada-hadalkasta oo labada dhinac dhexmari lahaa, markii danbena si uu arinka u carqaladeedyo waxa uu guddidii uu soo magacaabay waxa uu ku soo daray laba xubnood oo Somaliland ka soo jeeda oo cidkale  u daacad ah, markaa waxaanu ku celinaynaa inuu Sh.Shariif carqaladeeyey wadahadalkii labada Maamul”.

Isaga oo hadaladiisa sii wata, waxa uu yidhi “Go’aankan aanu ku qaadacaynaa wada-hadalku wax saamayn ah oo uu yeelayaa xidhiidhkii Somaliland la lahayd dunidu ma jiro, sababta oo ah anagu waanu cadaynaynaa inay heshiiska carqaladaynayso dawladda TFG-gu”.

Dr. Maxamed C/laahi mar uu baaq u dirayey Maamulka TFG ee Sh. Shariif hogaaminayo, waxa uu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa maamulka TFG-gu inay carqalada ka daayeen wada-hadalada dunidu ku baaqday inay yeeshaan Somaliland iyo Somalia, waxaananu kula talinaynaa inuu Sh. Shariif ka noqdo labadan xubnood ee ka soo jeeda Somaliland, waxaananu mar kale ku celinaynaa in Somaliland diyaar u tahay oo aanu si wayn u danaynayno inay hirgalaan wada-hadaladaasi. Waxaananu Sh. Shariif ugu baaqaynaa inuu arinta ka daayo carqalada oo uu daacad ka ahaado wada-hadalada una hogaansamo rabitaanka shacbigayaga, hana ka daayo dhabar wareenka anagu diyaar ayaanu nahaye”.