Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Musuqmaasaqa Hadheeyey Hawlaha Shidaal Baadhista Oo U Gudbay Dacwad Caalami Ah Kuna Dhaw Qaanabaad Iyo Magac Xumo S/land Kaga Timaada

Hargeysa, April 6, 2014 (Haatuf) - Heshiisyada ay Somaliland la gasho xukuumadaha, hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ayaa xiliyadii hore dhinacyada kale oo ay ka socon waayaan mooyaane laakiin xaga Somaliland-ta xariir ka ahaa.

Hadaba tan iyo intii ay xukuumada Kulmiye talada dalka la wareegtay ayaa wasiirkeeda macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ku dhex dhacay heshiisyadii hore ee shidaal baadhista ee xukuumada Somaliland la gashay shirkadaha ajnabiga ah iyo kuwo cusub oo isagu galayba.

Taas ayaa waxay keentay wax is-daba-marin iyo laba gacmoodin xaga heshiisyada shidaal baadhista ah, waxaana dhawaan soo ifbaxay dacwad heer caalami ah oo dhex maraysa labada shirkadood ee kala ah East African Resources Group (EARG) iyo Ansan Wikfs kuwaas oo uu goradda isu galiyey wasiirka macdanta oo uu hal Block laba heshiis kula galay labada shirkadood kuwaas oo labadoodaba laga qaaday lacag xaqul-qalin ah.

Shirkada EARG oo laga leeyahay dalka Norway oo uu saami weyn ku leeyahay ciyaaryahanka kubadda cagta ee caanka ah Chris Eidem ayaa waxay garyaqaano caalami ah u qabsatay dacwad ay iskaga dhicinayso muran kaga yimid dhul hore loogu qoondeeyey oo la yidhaahdo Block 19 kuna yaala bariga Somaliland kaas oo ay ku haysato sharikada Ansan Wikfs oo uu leeyahay maalqabeen Yemeni ah oo la yidhaahdo Shaaher Abdul-Xaq.

Dacwadan ayaa waxa eedaysane ka ah wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (waji-xun) iyo xukuumada Somaliland iyadoo shirkada EARG ay ku eedaynayso in Block 19-kii ay ruqsada u haysteen ay wasiirkan iyo xukuumadiisu mar kale ruqsad u siiyeen sharikad kale (Ansan Wikfs).

Dacwadani kalsooni darada iyo magac xumada ay Somaliland ku keenayso ka sokow hadii aan degdeg wax looga qaban waxa suurtagal ah inay dalka u soo jiido dhibaatooyin kale oo dhinacyada dhaqaalaha, diblomaasiyada iyo safarada dibada ah iyadoo la sheegayo in guddida Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan la socodka arimaha Soomaalida ee la yidhaahdo Monitoring Group ee awooda ka haysata Golaha Amaanka ay durtaba isu diyaarinayso inay bilawdo baadhitaano ay ku samaynayso arimo musuqmaasuq oo la xidhiidha heshiisyada ay xukuumada Somaliland la gasho shirkadaha shidaal baadhista taas oo laga yaabo inay Somaliland kaga timaado dabagallo xayiraado keena oo lagu soo rogo guud ahaan dalka iyo waliba shakhsiyaadka ku lug leh arimahan musuqmaasuq ee la baadhayo.

Ilaa hada ma jirto wax talaabooyin ah oo xukuumada Somaliland xal ugu raadinayso murankan dhex yaala iyada iyo shirkada EARG taas oo waliba xalinteeda uu buste kale sii saaran yahay oo ay dambabasayaan wax ka ogaanshahooda wasiirka macdanta iyo dad aan xil rasmi ah ka haynin dawlada balse awood badan ku leh qasriga madaxtooyada taas oo nusqaan ku ah dalka iyo Madaxweynahaba in arintan oo kale lagu haleeyo wasiir iyo shakhsiyaad aan waxba dhaafayn oo danahooda gaarka ah mooyaane aan maslaxada guud ee dalka eexaynayn iyadoo waliba ay warbaahinta dalku gaar ahaan wargeyskani si weyn wax uga iftiiminayeen arintan saddexdii bilood ee ina dhaafay balse siyaabo kale loo turjuntay lagana hoos qaadi waayey tusaale ahaan waxay ahayd 28-kii January 2014  markii uu Wargeyska Haatuf ka digayey in guddida UN-ka ee Monitoring Group doonayso inay soo faragaliso musuqmaasuqa hadheeyey heshiiysada shidaal baadhista ee Somaliland la gashay shirkadaha ajnabiga ah.

Wasiirka Macdanta ayaa isaga oo ka warwarsan inay arimahani kashifmaan ayaa halkii uu wax ka xalili lahaa door biday inuu Monitoring Group-ka ugu tago Nairobi si uu u hubiyo baadhitaanka ay damacsan yihiin inay ku sameeyaan Somaliland.

Wasiirka ayaa markii uu waydiiyey inay arintaasi jirto iyo in kale ayaa masuuliyiinta gudida Monitoring Group waxay u sheegeen inaanu jirin wax baadhitaan ah oo u qorshaysani.

Hase yeeshee Wasiirka oo ku farxay jawaabtoodaasi ayaa si uu u beeniyo Haatuf ka codsaday inay qoraal ahaan ku siiyaan jawaabtoodaa taas oo ay ka diideen.