Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Sheegay In Aqoonsiga Golaha Deegaanka Sheffield Uu Dhiiri Gelin U Noqon Karo Ictiraaf Dowlada Britain Ay U Fidiso S/land

Hargeysa, April 6, 2014 (Haatuf) - Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland ay ugu dhawaaqeen golaha deegaanka ee Shefeild ee dalka UK uu dhiirigelin iyo gogol-xaadh u noqon karo aqoonsi rasmiya oo dowlada Britain ay u fidiso qaranimada Somaliland, kaas oo shacbiga reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Sheffield ku amaanay dedaalka iyo ololihii ay u galeen tallaabada ay golaha deegaanka Sheffield ku aqoonsadeen qaddiyadda iyo madax banaanida Somaliland.

Gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay warbaahinta ugu xog warramay xarunta golahooda Guurtida isla markaana sheegay inay soo dhaweynayaan gole Guurti ahaan go’aanka golaha deegaanka ee shiffeild ay todobaadkii hore dabayaaqadiisa codka aqlabiyadda ah ku go’aamiyeen inay si buuxda u aqoonsan yihiin qaranimada Somaliland iyo madaxbanaanideeda, ayuu gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlaya aragatidiida ku wejahan ayaa waxa uu yidhi “Dadka reer Somaliland ee Shefield degan hawl fiican ayay qabteen aduunkana dhawaaqaasi wuu gaadhayaa, waanay dedaaleen mid keena ka dheer aad ayaanay u mahadsan yihiin dadkuna way u mahad naqayaa, dadka reer Somaliland ee Shefield degan xilkoodii ayey guteen, shacbi weynuhuna wuu ogyahay waxyaalaha ay taraan jaaliyaduhu.” ayuu yidhi gudoomiye Saleebaan.

Sidoo kale waxa uu u mahad naqay golaha deegaanka Shefield waxaanu tilmaamay inay dawladoodana ka rajaynayaan inay arinkaas wuxuun ka tidhaahdo waxaanu yidhi “Arintaas golaha deegaanka ee Shefeild kolay waxay tiigsanaysaa akhirka in dawladooduna ay wuxuun tidhaahdo dee wuxuun baynu ka heli doonaaye iyaguna aad ayey inoogu dedaaleen oo way mahadsan yihiin.”