Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Salaadiin Iyo Cuqaal Baaq Ka Diray Dhul Lagu Haysto Qoysas Danyar Ah Oo Degan Buurta Xunshalay Ee Koonfur Galbeed Hargeysa

Hargeysa, April 6, 2014 (Haatuf) - Salaadiinta iyo Cuqaasha deeganka Koonfur galbeed ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa cabasho weyn ka muujiyey dhul ay sheegeen inay ku haysato Edna Aadan dad danyar ah oo degen Buurta Xunshalay ee xaafada Ishaboorama ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo tilmaamay Edni ay dadkaasi ku hayso dhibaatooyin ay ka mid yidhiin xadhig.

Sida ay cuqaashaasi, salaadiinta iyo qoysaskaasi cabanayey ay ku sheegeen mar ay warbaahinta ugu waramayeen dhulkaasi oo ku yaala Buurta Xunshalay ee koonfur galbeed ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo si wadajir ah Baaq ugu diray Xukumada Somaliland oo ay ka codsanayaan in ay Arrinta meesha taalla soo farogaliyaan intaanay nabadgelyo daro ka dhicin.

Waxa kale oo ay Taliyaha Booliska Somaliland ku eedeyn in uu dhibaatada meesha taalla uu sii hurinayo dhinacna uu la saftay madama oo ay sheegen in uu illaa haatan u xidhan yahay nin muwaadin ah oo la yidhado Buraale Aw Aadan, waxayna ugu baqeen in muwaadinkaasi xoriyadiisa usoo celiyaan.

Suldaan Ismaaciil Cabdi Muxumed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhulkan ay iska leeyihiin qoyska degen, Adna Aadana meesha ay sheeganayso ay tahay meel ka durugsan iyaga oo xusay in dhul badanina uu u dhexeyo waxaanu yidhi. “Aniga oo ah Suldaanka Ayuub waxan halkan ka cadeynayaa in Marwo Adna Aadan halkan reerku degen yahay in aanay Shaqo ku lahayn, Wakhtigii ay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ay ahayd uunbay sheegtay, laakiin dhulkii Adna iyo raggii kale isku haysteen wuxu ahaa dhulkaasi taaga ee shishe, labbadan meeloodna wax u dhexeeya dhul badan, waxase nasiib darro ah in ay Adna ay  sheegto dhul aanay lahayn oo ay leeyihiin dad masaakiin ah, wax taasi ka siidaran inay hadana u awood sheegto oo ay dulmi kula dhaqaaqdo iyada oo adeegsanaysa lacag, kadibana Booliskii wadanka dadkii ku soo dirtay oo ay xidhan yihiin qaar ka mid ah reerkii halkaa laga soo dayey islaan iyo odey gaboobay oo ay xidhatay, Taliyaha Booliska waxan leeyahay taliye waxaad haysaa  Xil qaran  laakiin marka aanu aragnay Niman Kabtano ah oo sandaqadahaygii nagu hasta oo aad adigu soo dirtay, waxaanu u qaadanaynaa si kale ee taliye wax ka qabo arrintaasi, waxa nasiib darro ah in aanay Edna Aadan aanay Sharci wax ku dooneyn ee ay Xoog waxa ku doonayso, hadaba waxaan Baaq u dirayaa Xukumada Somaliland iyo cid kasta oo nabad jecel in ay arrintaasi soo faro galiso.” Ayuu yidhi.

Caaqil Cabdilaahi Raabi Cadami oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Adna Aadan ay Qoyska halkan degen ay u awood sheegtay  reerkii dhulka lahaa ay ka dhigto qaar ay xidho iyo qaar ay barokiciso taasina ma ah mid loo dulqaadan karo,  wax taasi ka daran in ay Adeegsanayso ayuu yidhi Booliskii Somaliland, waxaanu baaq u diray Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dawlada hoose in ay Arrintaasi soo dhex galaan si aanay dhibaato weyni uga dhicin, wax kale oo uu sheegay in dhulkan ay waligoodba ay qoyskani lahayeen cidin aanay wali ku qabsan, basle nasiib daro ay tahay in maanta Edna ay ku qabsato reer ka Dan yarta ah dhulkoodiii oo waliba ay u awood sheegto.”Ayuu yidhi.

Caaqil Aw Khadar Xassan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhulkan lahaanshiisi uu ogaa oo ay lahaayeen Qoyskaasi degen, waxaanu sheegay in Dulmi laga galayo reerkan waxaanu Edna aadan ugu baaqay in ay dhulkaasi faraha kala baxdo oo cidi leh u dayso iyadun soonaha hore dadka isku haysan jireen ku ekaato.

Xaliimo Gaboobe  Nuur  ayaa sheegtay in Booliska Somalialnd ay xidheen mudona ay ku xidhnayd Xabsiga iyadoo  xustay in anay garan sabab lagu soox xidihay, basle waxay sheegtay in dhulkan iyagu leeyihiin cid kale oo lahin ay jirin Edna Aadan ay dulmi ku hayso oo dhulkoodii ay ku soo doonatay,

waxayna tidhi “Aniga way I xidheen waxayna igu yidhahdeen maadiga leh Guryahan Jiingadaha ee ka dhisan meesha, waxaanu ku  idhi aniga leh, markii ay isoodaayeen waxan  ku idhi Wiilkaygiina ii soo dayaa Miyibu ka yimid oo meeshanba kala garan mayee wali inankaygii uu u xidhan yahay, taasi waa Dulmi ay nagu hayaan Booliska iyo Gabadh Edna la yidhado.” Ayey tidhi Xaliimo.

Waris Cumar Axmed oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dhulkan lagu hasto uu yahay mid iyagu ay leeyihiin, waxayna Xukumada ugu baaqday in ay cadaalada ilaaliso oo dadka dulmiga wada dadka ka qabto.