Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Beelaha Ayuub Oo Qaadacay Ka Qaybgalka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, April 6, 2014 (Haatuf) - Beesha Ayuub ayaa ka Biyodiiday saamiga laga siiyey Ergooyinka ka qaybgalaya shirweynaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, iyada oo beeshaasi saami ahaan looga qoodeeyay 22 Ergey, waxaanay sheegeen in aan la siinin saamigii ay ka mudnaayeen, sidaasi daraadeedna aanay Qaadanaynin Cad Quudheedkaasi.

Waxaanay intaasi ku dartay Beesha Ayuub inay isla garteen in aanay ka qaybgalin shirweynaha xisbiga Kulmiye haddii aan wax laga badalin ergada looga qoondeeyay beeshooda Ayuub.

Sidaasi waxa lagu sheegay warmurtiyeed ay ka soo sareen Shir ay ku yeeshen Magaalada Hargeysa, kaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Kadib Markii Beesha Ayuub shir ay ku yeelatay Magaalada Hargeysa oo aaanu kaga Arrinsanaynay Ergooyinka 22 ah ee la siiyey beeshayada, waxay beeshu isla afgartay in aanay Beesha Ayuub qaadan tiradaasi 22 Ergey ee la siiyey oo aanu u aragno Cad Quudheed oo aan u qalmin beesha, hoos u dhacna ay ku keenayso Sharaf,  Karamada iyo Milgaha aanu leenahay, waxa kale oo aanu cambaraynaynaa Masuuliyiinta Kulmiye ee  inta ay qaybiyeen Eergooyin ka baddan 1000 ay beesha Ayuub u soo fiiqeen 22- kali ah, taasina waxay na Tusaysaa milgaha uu u hayo hogaanka Kulmiye Beesha Ayuub.

Hadaba haaddii aynu Milicsano Sooyaalka Taariikheed ee intii hanaanka Xisbiyada baddan ay Somaliland u guurtay haaddii aynu jaleecno beesha Ayuub waxay tahay beesha kali ah ee Boqolkiiba Boqol Codkooda Siin jiray Xisbiga Kulmiye, Haddii ay noqoto Doorashooyinkii Golayasha Deeganka, tii Madaxtooyada, iyo tii Golaha Wakiilada, sidaasi daradeed Kulmiyoow waxaanu ku leenahay sidday Beesha Ayuub kugu listay Ugumaad hambeyn.

Beesha Ayuub markii ay arrimahaasi oo dhan ay eegtay waxa ay go’aansatay in ay dib ugu celiso Xisbiga Kulmiye Ergooyinkii uu u qoondeeyay, waxanuna Leenahay Beesha Ayuub uma Qalanto ee Kulmiyoow dib isku noqda.

Guntii iyo gabagabadii haddii uu Xisbiga Kulmiye  hoos u eegi-waayo cabashada Beesha waxay Beeshu go’aansaday inaan shirweynaha xisbiga Kulmiye cid ku abtirsata Beesha Ayuub ka qayb gali doonin, mustaqbal siyaasadeed ee Beeshana si guud beeshu uga tashan doonto cida ay taageeradeeda u-wareejin doonaan doorashoyinka soo socda.

Chief Caqil Aw Khadar Aw Hasaan Aw Ibrahim

Caqil Wali Aw Ciise

Caqil Ahmed Ali Adan

Caqil Kamaal Sh. Mahamed Xaamud

Caqil Hussein Dahir

Caqil A/lahi Raabi Cadan

Caqil dheeg Adan Ahmed

Caqil Abdi Farah

Caqil Mahamed Geele

Caqil Abdilahi Hassan

Caqil Burale Mahamed Dheere