Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Nin U Furay Xaaskiisa Khuurada Habeenkii Darteed

Nin u dhashay dalkaasi Yemen ayaa furey xaaskiisa sababtoo ah way khuurisaa habeenkii,isagoo sheegay inay diidey inay cuntada iska yarayso markii uu miisaankeedii  kordhey, sida ay sheegen wargaysyada kasoo baxa dalkaasi.

Ninkan oo  40 jir ah , lana yidhaa Yassin, ayaa u sheegya maxkamadda inuu waydiiyey xaaskii ay yarayso wax cunida markii uu miisaankeedii ku kordhey 30 kg, miisaankeeduna waa  80 kg iminka, isagoo ku eedeeyey miisaankeeda culus ayaa sababay khuuradan aan joogsiga llahayn habeenkii.

“ma joojiso khuurada habeenkii xitaa daqiiqo yar habeenkii oo dhan way kuhuurisaa markaan usheegayna aroornimadana,waxay i tiraahdaa waad iska tegi kartaa hadii aadan u adkaysan Karin inkastoo aan leenahay saddex carruur ah,” ayuu yidhi ninkeedii.”

“waxaan ku baryey inay cunida yarayso iyo inay jimicsi samayso si uu miisaankeedu hoos ugu dhaci laakiin way iga diidey taladaydii iminkana wax aan sameeyo ma garanayo in aan furo  mooyaane