Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

GOBANIMO

Dhacdooyin Mataano Ah, Somaliland 1981-1991-kii Iyo Liibiya 1912 –1931-kii

Qore: Cismaan Saalax Faarax (Q5aad)

Buuga Gobonimo waxa uu ka mid yahay Afar buug oo uu qoray qoraaga Cismaan Saalax Faarax, waxaanu buugan Gobonimo kaga hadlayaa dhacdooyin Mataano Ah oo is shabaha kana dhacay Somaliland 1981-kii ilaa 1991-kii iyo Liibiya 1912-kii ilaa 1931-kii.

Buugan ayuu wargeyska Haatuf waxa uu idiinku soo Baahin doonaa si taxane ah. 

 

Qabsashadii Libiya Ee Talyaaniga Qarnigii 20aad

Haddaba muuqaalkani waa Cumar oo dhex fadhiya malcaamaddii uu quraanka ka dhigi jiray. Sharxaya suuradda “Arraxmaan” isagoo su’aalo weydiinaya ardayda marba mid oo uu leeyahay waxaa Illaahay u sameeyey wax walba miisaan.

Haddaba isagoo ardaydii la hadlaya ayaa waxa si kedisa tuuladii u soo maray aroos, arooskaa ayaa ardaydii ku yaacday waxa ka hadhay oo qudha kabiirkii malcaamadda iyo Cumar.

Markaas baa Cumar la hadlay oo ku yidhi waar maxaad adiguna u tegi weyday. Dabeedna inankii ardayda ugu weynaa isna wuu tegay, halkaas ayaa arooskii laga qayb galay oo ciyaartu is jiidhay.

Cumar isaguna mar dambe ayuu yimi meel u dhow goobta xafladda aroosku ka socotay.

Waxaa dabeed dhacday arooskii oo socda ayaa waxa si kedisa usoo gaadhay goobtii xafladda aroosku ka socotay nin Faras wata oo ahaa ragii ciidamada jabhadda ka mid ahaa kaas oo intuu Faraskii ka degay weydiiyey dadkii goobta arooska ku sugnaa Cumar. Waxay ugu jawaabeen waaka Cumar halkaa jooga. Dabeedna wuxuu u yimi Cumar oo aan goobta waxba ka fogayn dabeedna faq bay wada galeen ninkii u yimi Cumar oo ahaa magaciisu Boomataani.

Dabeedna Cumar ayaa salaamay si heer sare ah wuxuuna Cumar ku yidhi, war bal warran Boomataani, maxaad war haysaa, dabeedna iyagoo saddex qof oo keliya ayaa Boomataani uu bilaabay hadalkii wuxuu ku yidhi “Cumar waxa ina soo gaadhay war ah inuu imanayo nin lagu magaacabay General Gaziani oo sida igu maqaalo ah la yidhi waa ma naxe gurintir ah”. Cumar baa u jawaab celiyey oo yidhi ‘Waan gartay macna ma leh, waxay inoo soo diraan sidii caadada u ahayd gumaystaha mid ay ku sheegaan libaaxyo hadhowna noqda riyo dhaawacmay. Markaa ha u biqin aabahay waxaan ka hayaa darbadaha kaaga dhaca dhabarka ee aan dhabarka ku jebin waxaa laga sii qaadaa awood badni.

Markaa waxaan Boomataani ku weydiiyey maxaa lagu yidhi oo kale’. “Waxa laygu yidhi Cumarow ninkani waa mid jecel dhiiga”. ‘Waan gartay haddaba Boomataaniyow hadduu Graziani dhiig jecel yahay sheekooyinkaa ma dhegaysto’.

Dabeedna sida muuqaalkani ku tusayo Cumar wuxuu galay gurigiisii wuxuuna kala soo baxay qorriga loo yaqaan Jidh-Jidh-geedh amase Reyfal ee waagaa la isticimaali jiray. Wuxuuna yidhi ‘Waan rumaysanayaa sheekada Graziani ee ah inuu dhiig jecel yahay. Laakiin ha arko awoodda aanu leenahay oo waxaan Boomataani ku weydiiyey goormuu imanayaa ninkaa la sheegay?’. Dabeed Boomataani baa Cumar ku yidhi “Dhawaan baa  laga yaabaa in lagu soo dhaweeyo magaalada Benghazi”.

Hase yeeshee wuxuu Cumar hadalkiisii ku soo gabagebeeyey ha arko Graziani awoodda aanu leenahay.

Intaa ka dibna waa la kala dhaqaaqay. Haddaba bal aan milicsanno, sidii Graziani loo soo dhaweeyey markii uu Liibiya soo gaadhay. General Graziani waxa lagu soo dhaweeyey goob ilyartu is qabatay oo xaflada.Waxaana loo sheegay dadkii xafladda ka soo qayb galay in loo soo magacaabay Graziani waddanka Liibiya uuna ka talin doono.

Waxa lays baray masuuliyiintii ciidamada ee halkaa ku sugnayd Graziani isna waa ku farxay sidii loo soo dhaweeyey. Ragii madaxda ahaa ee halkaa laysku baray sida muuqaalkani ku tusayo, waxaa ka mid ahaa Colonel, Tomeli, Colonel Sarsaani, Colonel Diyoo Dishti. Waxaa hadalo is weydaarsaday Colonel Diyoo Dishti iyo Graziani.

Wuxuu Graziani ku yidhi Diyoo Dishti, waar waan ogahay inaad isku dayday inaad la heshiiso Cumar Mukhtar. Anigu waxaa kama helo waxaan doonayaa in la cidhib tiro ma garatay.

Waayo waxaynu ka nabad gelaynaa dhibaatadooda sidaa ayuu ku soo gabagebeeyey General Graziani.

La Soco……………….