Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Oo Jaxaastay 20,000 Dollar Oo Loogu Dhiibay Weftigii Xukuumada Iyo Agaasinkii Xafladii Aqoonsiga Sheffield

Sheffield, April 7, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Macdanta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (wajixun) ayaa qarsaday 20,000 dollar oo xukuumadu kaash ahaan ugu dhiibtay looguna talo-galay tabaabushayntii xafladii lagu xusayey aqoonsiga golaha deegaanka Sheffield u fidiyey jamhuuriyada Somaliland iyo weftigii xukuumada ee ka qaybgalayey kaas oo uu hogaaminayey wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo isagu ka qaybgalka munaasibadaasi uga soo kicitimay dalka Australia oo uu booqasho ku joogay.

Hadaba wargeyska Haatuf waxa uu xaqiijinayaa in wasiir Xuseen Cabdi Ducaale kaligii faraqa ku guntaday lacagtii loogu dhiibay weftiga iyo xafladaba oo aanu cidna wax ka siisin haba yaraatee.

Dhinaca kale Mr Ducaale ayaa markii loo magacaabay wasiirka macdanta mudo sanad ka yar ku wada bixiyey dhamaan daynkii (mortgage) uu baanku kaga lahaa qiimaha guri ku yaala Maraykanka (California) oo uu amaah ahaan ku iibsaday kaas oo ay markii hore qorshaysnayd inuu mudo dheer oo bil walba wax laga jarayo iskaga bixiyo.

Siday warbaahintu hore u sheegtay Mr Ducaale mudadii uu xilka qabtay waxa kaloo uu guri ka iibsaday dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu wakhtiga intiisa badan ku qaato isagoo kula kulma dadka ka ganacsada dilaalista iibka ruqsadaha shidaal baadhista.