Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
April 7 2014 Jamadi Al Thani 7,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Guddida Qandaraasyada Oo Laga Shakisan Yahay Inay Sii Calaamadaysatay Cida La Siinayo Mashruuca Diiwaangalinta Madaniga Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) - Qaar ka mid ah shirkadihii damacsanaa inay ka qayb qaataan tartanka qandaraaska lagu bixinayo hirgalinta mashruuca diiwaangalinta madaniga ah (civil registretion) ayaa dareen shaki leh ka muujiyey qaabka ay gudida qandaraasyada qaranku ugu talo gashay inay ku soo xusho shirkada ku guulaysata tartanka qandaraaskaasi. Guddida ayaa todobaadkan qoraaladii qandaraaska (tender documents) internet-ka ugu dirtay shirkadihii soo doontay qandaraaskaa iyadoo qaar ka mid ah shirkadahaasi ay markiiba ka boodeen siday gudidu usoo diyaarisay shuruudaha qandaraaska. Mashruucan diiwaangalinta madaniga ah oo ujeedadiisa aan ilaa hada la fahamsanayn ayaa waxa la sheegay inay ku baxayso lacag lagu qiyaaso $3.5 milyan (Saddex Milyan iyo Shan boqol oo kun oo dollar) oo ay xukuumada Somaliland bixinayso. Shirkadaha wax saluuqsan ayaa qaabka loo diyaariyey qandaraaska ku tilmaamay mid loogu talo galay in qiimihiisa iyo kharashku isku go’aan taas oo ay sheegeen in aanay waafaqsanayn curfiga iyo nidaamka loo raaco dajinta qandaraasyada. “Waxaad moodaa in qaabkan qandaraaska loo diyaariyey lagu bajinayo shirkadaha oo ay gudidu sii calaamadsatay cida la siinayo mashruucan diiwaangalinta” ayuu yidhi maareeyaha mid ka mid ah shirkadaha qandaraaska soo doontay. |