Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo Oo Mujaahidiintii SNM Ku Hambalyeeyey Xuska 33 Guuradii Aasaaskii Ururkaasi

Hargeysa, April 7, 2014  (Haatuf) - Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaaya Afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dhamaanba Mujaahidiintii SNM, meel kasta oo ay joogaan isagoo ugu hambalyeynaya Madaxweynuhu Sannad Guurada 33 aad, oo u astaysan maalinta mujaahidka SNM.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu tilmaamay in mujaahidiintii SNM, halgankii ay soo galeen uu yahay midheheedu kay-nu maanta xor ku nahay, qaran jira ku hogaaminayno, Mustaqbal iyo Rajo wacana aynu hiigsanayno.

Waxay taasi ku timid in muwaadiniin fara-badan oo reer Somaliland ahi naftoodii, xoogoodii, iyo hanta-doodiiba, ay ku bixiyeen inay ku badbaadiyaan, inta badan shacabkooda reer Somaliland oo ay ku noolaadaan nolol xor iyo xalaal ah.

Waa xus iyo xasuus taariikhda ku dhignaan-doona inta qarankani jiro halgankaasi ummaddani ay soo gashay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu intaasi ku daray in xukuumad ahaan, sidaan horeba u sheegay, diyaar aanu u nahay waxla-qabashadooda, iyo Taageerada Mujaahidka, iyo Agoomihii ay ka tegeen Mujaahidiintii Dalkan u shihiiday.

Ugu danbayna waxa aan ALLE uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo intii dhimatay, Inta naafada iyo Inta kale ee noolna waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa inay ku noolaadaan cisi, sharaf iyo Maamuus.