Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Siyaasiyiinta Awdal Oo Isku Diiday Qaabka Qaybsiga Ergooyinka Kulmiye

Xubnaha Qabanqaabada Kaga Jira Awdal Oo Lagaga Dacwooday Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Lagu Eedaynayo Cadaalad Darro

Boorama, April 7, 2014 (Haatuf) - Siyaasiyiinta Gobolka Awdal kaga jira golayaasha dawlada Somaliland ayaa isku mari-la' mudo labo maalmood ah qaabkii loo qaybsan lahaa tirada ergooyinka xisbiga Kulmiye ka siiyey Gobolada Awdal iyo Salal shirweynaha Kulmiye.

Siyaasiyiintan oo maalintii Sabtida ahayd ku shiray guriga Wasiirka xidhiidhka golayaasha ayaa la sheegay inay ku soo kala kaceen qaabkii loo qaybin lahaa Ergooyin tiradoodu gaadhayso 196 Ergay, Shirkaasi ka dhacay Guriga Wasiirka Xidhiidhka golayaasha ee Hargaysa ayaa la sheegayaa in siyaasiyiinta qaarkood soo jeediyeen in habkii gobolku u qaybsan jiray loo qaybsado oo beel walba ergooyinkeeda loo dhiibo xildhibaanada golayaasha kaga jira, taasi oo ay ka biyo diideen siyaasiyiinta qaarkood kadibna ay soo jeediyeen siyaasiyiintaasi in xubnaha Gudida qabanqaabada kaga jira xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal ay iyagu qaybiyaan soona magacaabaan, taasi oo ay xubnahaasi soo bandhigeen in ergooyinka 90 ka mid ah la siiyo Qurbajooga, 24 xubnoodna gobolka laga soo magacaabo, halka 30 xubnoodna la siiyay beesha Ciise, sida ay Wargeyska Haatuf u sheegayeen ilo xogogaal ah oo shirkaasi goobjoog ka ahaa.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Madaxweye ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici uu isagu daaha dabadiisa u fadhiyo qaybinta ergooyinkan, taasi la sheegay inuu ku doodayo in isagu uu yahay hogaamiyaha xisbiga Kulmiye loogu yimid, cidna aanu ka ogolaanayn in uu ergooyinka xisbiga kala tashado qaabka loo qaybinayo, waxaana dhacday in shirkaasi ka dhacay guriga wasiirka uu ku dhamaaday natiijo la'aan, ka bacdina siyaasiyiintii ka biyo diiday shirkaasi ay dacwad ugu tegeen Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, taasi oo ay u bandhigeen dacwad ka dhan ah xubnaha qabanqaabada shirka xisbiga Kulmiye kaga jira Gobolka Awdal in farogelin ay ku hayaan qaybsiga ergooyinka iyo in Madaxweyne ku xigeenku xaq u leeyahay qaybinta ergooyinka iyo in loo baahan yahay in sharciga loo eego, taas oo la sheegay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye u sheegay siyaasiyiinta reer Awdal in xalku yahay in ay wada jir uga taliyaan, isla markaana u qaybsadaan qaabka ugu cadaalad dhaw ee xisbigu kaga faa’iidayo Gobolka Awdal.

Intaa ka dib ayaa xubno ka tirsan siyaasiyiinta Awdal oo marka horeba waday in meel dhexe la iskugu yimaad waxay shir ku qabteen Shalay Axadii guriga Madaxweyne xigeenka taas oo ay ka maqnaayeen dhawr siyaasi oo muhiim ah, balse intii badnayd ay ka qaybgaleen shirkaasi, wararka aan ka helayno shirkaasi xubnaha Awdal ku yeesheen guriga Madaxweyne ku xigeenka ayaa tibaaxaya in la isku diiday, isla markaana la isku Afgaran waayay, qaar ka mid ah xubnaha ka qaybgalay shirkaasi oo diiday in la magacaabo ayaa u sheegay Haatuf in la isku mari waayay qaybsiga Ergooyinka, ka dib markii Madaxweyne ku xigeenka iyo siyaasiyiin ku dhawdhawi ay ka diideen siyaasiyiintii kale in meel dhexe la iskugu yimaad.

Si kastaba ha ahaatee Arintan saamiqaybsiga ergooyinka reer Awdal iyo Salal ayaa loo malaynayaa inay salka ku hayso tartan hoose oo ka dhexeeya siyaasiyiin ka mid ah xukuumada oo hunguri kaga jiro mansabka Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxweyne ku xigeenka hada oo iska sii moosaya in tartan lagula galo kursigiisa, doonayana inuu magacaabo cid isaga ogol, balse waxa laga dhursugi doonaa natiijadu halka ay ku dambayso.