Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Oo Cambaareeyay Xayiraada Ay Xukuumadu Ku Soo Rogtay Haatuf

Hargaysa, April 7, 2014 (Haatuf)- Guddoomiye ku xigeenka  Kowaad Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay xayiraada ay xukuumadu kusoo rogtay wargayska haatuf Hargeysa Ka soo bixi jiray.

Gudoomiyaha oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu canbareeyey xayiraadii ay xukuumadu kusoo rogtay wargayskii haatuf iyo cabudhinta joogtada ah ee ay ku hayso xoriyatul qowlkii saxaafada somaliland.

Waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay in ciidanka booliska ee ku sugan xarunta wargayska in ay gudaha u galeen iyaga oo aan haysan waraaq cadayn ah,bobeena hantidii dhexe taalay wargayska sida uu hadalka u dhigay guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha aanu ugu horen wax ka waydiinay sida ay ka xisbi wadani ahaan u arkaan xayiraaday ay xukuumadu ku soo rogtay iyo hadidaad joogtada ah ee ay ku hayaan saxaafada somaliland ayaa waxaana uu yidhi.

“Hortu anaga ka xisbi wadani ahaan aad iyo aad ayaanu uga xunay aad iyo aadna waanu u canbaraynaynaa cago juglayntaas iyo cabudhintaas ay saxaafada madaxbanaan ay xukuumada somaliland ku hayso,tanina tii ugu horeysa maaha waxaad ogtay jariiradii hubaal iyana ilaa maanta ay xidhan tahay  runtii aad iyo aad ayaanu uga xunay waxaanan xukuumada usoo jeedin lahaa in ay saxaafada madaxbanaan cudhinta xad dhaafka ah ka dayso.

Guddoomiyaha ku xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee wadani oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”hortu runtii sidaad ogtihiin dalkeena somaliland waxa uu qaatay nidaamkan xisbiyada badan ee asaaska u ah dimuq-raadiyada oo runtii ay saxaafaduna ka tahay rukumada ugu waawayn marka loo eego habkan aynu qaadanay ee layidhaa dimu-raadiyada oo ay saxaafaduna ku cabiri karto rayiga dadwaynaha kolba waxa kasoo baxaya.

Waxa uu Guddoomiyuhu Madaxda Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye dib u xasuusiyey kaalintii ay Saxaafada Somaliland kasoo qaadatay sidii uu madaxwayne siilaanyo kursiga u hanan lahaa waxaana uu yidhi”Hortu runtii xisbiga kulmiye waxa uu ahaa xisbigii ugu horeeyey ee talada wadanka ku gaadhay saxaafada somaliland ayaa uu ahaa xisbiga kulmiye waxaan u malaynayaa inuu  ilaaway guushii ay saxaafadu gaadhsiisay xiligii uu mucaaradka ahaa iyo halgankii ay lasoo gashay markii uu maanta talada dalka hantiyeyna halkii laga sugayey inuu abaalkooda gudo cagta hoosteeda dhigay maalinba midku doono xidhay loona cago juglaynayo saxaafadii arinkaas waxaanu ku tilmaamaynaa hadaanu nahay xisbiga wadani nasiib daro usoo hoyatay wadankii somaliland magac darana inagu ah inagoo qaadanay nidaamka dimuq-raadiyada in saxaafada somaliland la cabudhiyo.

Guddoomiyaha ku xigeenka kowaad Ee Xisbiga Wadani Waxa Uu Sheegay Hadii Qofka Nidaamka Iyo Sharciga Uyaal Qaranka Somaliland Ku Gafo In Talaabo Laga Qaadi Karo Waxaana Uu Yidhi”hortu waxa aynu leenahay sharci waxaana aynu nahay dawlada qaran ah oo jirta hadii qofku ku gafo sharciga iyo qawaaninta u yaala dalka anagu ma ogin saxaafadee lakiin haday dawladu ogtahay am qofka soo dac-weeyay ogayahay in saxaafadu qaranimada somaliland gaf ku samaynayso am waxyaabo iska horkeeni kara qaranka somaliland iyo shacabkiisa Runtii arinkaasna waxa inooga yaal nidaam sharci oo dalku leeyahay oo loo maro lakiin in ciidan ladul dhigo maaha oo xafiisyadooda la iska galo ee waxa haboon in ay xukuumadu soo raacdo sifaha sharciga ah ee u yaala qaranka.

Waxa uu xukuumada ku canaantay sifaha sharci darada ah ee wargayska haatuf xukuumadu albaabadu ugu laabtay ciidanka u dul dhigtay waxaana uu yidhi”lakiin hada waxa halkaas nooga muuqata in ay xukuumadu dumisay dimuq-raadiyadii oo aanay marayn wadadii sharciga ahayd ciidana dul dhigtay waragayskii haatuf,waxaan halkaas nooga muuqatay in Han-tidiisiina laboobayo gacantana loola tagayo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka goobtaasi joogay ay bobeen hantidii iyo alaabtii taalay xafiiska qaarna jajabiyeen sida uu hadalka u dhigay guddoomiyuhu waxaana uu yidhi”sidaanu hada warka ku hayno booliska ayaa tagay goobta xarunta haatuf gudahana u galay xafiiskii Alaabtii iyo waxii yaalayna goobtaas gacanta ula tagay nidaam kaasina waa nidaam aad iyo aad u khaldan waxaana ku canbaraynayna xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne somaliland, sharciga somaliland waxa uu dhigayaa iyada oo aan waaran loo haysan inaan gudaha loo gali Karin guriga ama xafiiska ay leeyihiin waxaan anigu odhan lahaa waa nasiib daro lasoo daristay xukuumada kulmiye.