Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Cambaareeyay Talaabada Xukuumaddu Ku Xidhay Xaruntii Wargeyska  Haatuf

Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyay Talaabada ay xukuumaddu albaabada Ugu Xidhay Xaruntii Wargeyska Madaxa Banaan ee Haatuf.

Xasan Maxamed Yuusuf oo soo saaray War-saxaafadeed wax ka yar ka dib markii ay ciidamo la wareegeen xarunta Wargeyskaasi ayaa yidhi

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guudahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan ee HAATUF iyo SOMALILAND TIMES.

 Waxa muuqanaysa in xukuumaddani caadaysatay wax aan dalka hore uga jiri jirin oo waliba soo noqnoqonaya, taas oo ah in ka

badan laba urur oo ciidana dulgayso xarumaha warbaahinta iyadoo sharciga waddanka u  yaalla ku tumanaysa, tusaale cadna  waxa u noqonaysa falkii HCTV iyo kii HUBAAL iyo kan hadda kula kacday HAATUF MEDIA GROUP kuwaasoo ay dhammaanba kulawareegtay xarummohoodii.

 Waxaa halkaa ka muuqanaysa in fallalkani yihiin qorshayaal ku talagal ah oo ay xukumaddu go’aansatay inay kula dhaqanto saxaafadda iyo xorriyatul qawlka, 

Sidaa darted waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aannu si adag uga soo hor jeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoog sheegashada ah ee ay saxaafadda kula kacayso,  oo ay ka fikirto saamaynta ay arrimaha noocan ahi ku yeelan karaan dalka iyo dadkaba, 

Muslin kuma cabiidsamo Walloon madaxa kaa goyne

Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin

 Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa dariiqan ay qaadday inuu yahay mid cawaaqib oo aan cidna u fiicnayn, sidaa awgeed waxaannu kula talinaynaa inay ka noqoto arrinta oo ay dalka sharciga ku hagto.

 ALLAA MAHADLEH