Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
April 7 2014 Jamadi Al Thani 7,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Bulshadda Caasimada Oo Dareen Cadho Leh Ka Muujiyay Talaabada Ay Xukuumada Siilanyo Kula Wareegtay Xarunta Haatuf Hargeysa April 7, 2014 (Haatuf) – Shacbiga reer Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynaha Somaliland eek u dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka iyo waliba daafaha dunida ayaa dareemo cadho leh ka muujiyay talaabada ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo maanta galinkii dambe ay albaabada ugu laabtay xaruntii wargeyska madaxabanaan ee Haatuf ee magaalada Hargeyska, kaas oo ay ciidamo Bilays ah oo tiradoodu gaadhayso boqolaal ay la wareegeen xaruntii wargeska. Dadweynaha ayaa talaabadan ku tilmaamay mid gef iyo meel ka dhac ku xoriyatul qawlka iyo madaxbanaanida saxaafada madaxa banaan. Guuleed Kayse Axmed oo aragtiisa aan wax ka waydiinay dhacdadaasi ayaa waxa yidhi talaabo ay xukumadu kula kacday wergayska Madax banaan ee Haatuf waa Mid ka mid ah talaabooyinkii Rajiimkii Siyaad Barre ku kici jiray.waxaana loo arkaa in xukuumada Siilaanyo ay cagta saartay dhabihii nidaamkii taliskii fashaqa ku caanbaxday ee aakhirkii burburkii Somalia keenay” Cabdi cali Maxamuud oo isaguna ka mid ah waxgaradka reer Hargeysa ayaa waxa uu yidhi ”Dhacdadani waa mid shacbi shacbiga Somaliland iyo xoriyatul qawlka lagula kacay waana mid xukuumada siilaanyo cimrigeeda soo gaabinaysa, wixii imika ka dambeeyana shacbiga Somaliland waxa la gudboon kacdoon ay kaga horyimaadaan ficilada maamulkan Siilaanyo ku dhaqmayo oo burbur ku keeni kara jiritaanka Qaranka”. Cumar Axmed Cali ayaa isaguna waxa uu yidhi “Xukuumada Siilaanyo ceebteed maaha waa caadadeed, in xarumaha wargeyada madaxabanaan ay la wareegto xukuumadu oo siday doonaan u xayiraan. Wixii imika ka dambeeya madaxtooyada ayuu dabku gaadhi doonaa, wax soconayana maaha car juuq dheh iyo q2ori caaradii” Dhacdadan ayaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland ay dareemo sas leh iyo cadho weyn ka muujiyeen. |