Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 8 2014                                             Jamadi Al Thani 8,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mujaahid Xasan Ciise Oo Dulmi Ku Tilmaamay Xayiraada Xukuumadda Siilaanyo Ku Galalaftay Xarunta Wargeyska Haatuf

"Go'aagga Hadii Lagugu Qabsado Waa Laga Gar-Baxaa Ee LagumaDagaalamo....Xukuumaddu Waa Inay....."Xasan Ciise Jaamac

Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedkii XAQSOOR,Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa waxa uu cambaareeyey talaabada ay xukuumaddu albaabada ugu soo xidhay xarunta Wargeyska HAATUF,isaga oo ku tilmaamay xadhiga Wargeyska arrin cadaalad-darro

ah, oo aan xaq ahayn, oo dulmiya oo lagu cabuXdhinayo xoriyatul-qawlkii, sumcad-xumana u soo jiideysa Somalilanad.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka ugu Waramayey Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Afyaalnews.com Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale). Mar la weydiiyey Guddoomiyaha Ururka Siyasadeedkii XAQSOOR Mujaahid

Xasan Ciise Jaamac sida uu u arko tallaabada ay xukuumadu albaabada ugu soo xidhay Wargeyska HAATUF,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi "Wargeysku maaha Malaa'ig ee wuu khaldami karaa,........ Weliba raali-gelin ayuu ka bixinayaa isaga oo odhanaya imika ayaanu ogaanay inaanu khaldanayn, oo sababta iyo sababta ayaanu u khaldanay waanad ku mahadsan tihiin inaad na saxdeen,ayuu odhanayaa Wargeysku oo waa arrin la yaqaano, oo dariiqa ayaa loo maraa, haddii aanu Wargeysu ku

qanacsanayn arrintii la yidhi waa khaladay ee waa la saxayaa,iyadana  wuu sheegaya oo waxa uu odhanayaa waxa na soo gaadhay sixitaankan,laakin kuma qanacsanin inay tani sax tahay, waxaanu

aaminsanay inay taayadii hore sax tahay, sababta iyo sababta awgood,marka ay halkaas mareyso ayey dadku ku kala fahmayaan wixii khalad ah. Haddii jawaab kale la soo celiyo, oo la yidhaahdo qodobkaas

maydaan fahmin, halkaas ayey ka soconaysa ilaa ay dadku ka fahmayaan"

"Laakin iyada oo aan marka horreba waxba la weydiin Wargeyska in la xidho maaha arrin Cadaalad ah, oo xaq maaha, oo waa dulmi, oo adduunkana arrimaha noocan oo kale ah dariiqan uma marro, oo waa

cabu-dhin, sidaa awgeed aad iyo aad ayaan uga xumahay oo aan u cambaareynayaa,".Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

Guddoomiye Xasan Ciise Jaamac ayaa waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hoga-tusaaleeyey maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda Go'aagga haddii lagugu qabsado waa laga gar-baxaa ee laguma dagaalamo, isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi"Haddii aanu dariiq

kale u furnayn oo wax lagu sixi karaa wuxuun-bay ahaan lahayd, laakin mar haddii dariiqii saxda ahaa uu cad yahay oo la wada yaqaano, oo dadka oo dhami wada-garanayaan in laga leexdo oo qab uun sidan oo kale lagaga siiyo waa khalad. Dawlada iyo qof kaleba dacwad uu furan karaa,

sida qofka loo ashkateyn karo ayaa shirkadaha loo ashkateyn karaa, oo loo ashkateyn karaa  Wargeyska oo dariiqa Cadaaladii waxa weeyaan inay Maxkamadu file furto,oo Wargeyskii ama ciddii kale ee la ashkateynayey fursad uu isku difaaco la siiyo oo uu Maxkamada la hor-yimaado oo uu

gar-naqsi sameeyo, oo haddii ay Maxkamadu arrintii cadaalad u gar-naqayso dadkii oo daawanaya ay go'aankii soo saarto, oo uu go'aankaasi noqdo mid Cadaalad ah ama Wargeyska ayaa helaya ama waa laga helayaa,......Soomaalidu waxay tidhaahda Go'aagga haddii lagugu qabsado waa laga gar-baxaa,laguma dagaalamo, xukuumaddu haddii ay dul-qaadanayso markii juuq la yidhaahdaba oo markii horena ay Wargeyskii HUBAAL xayirtey, imikana ay u soo dhigatay Wargeyska HAATUF, beritana waxay u soo dhiganaysaa kuwa kale, imika Wargeys ammaan dareemayaaba oo madax-banaaniba ma jirro".

"Sumcadeena aad ayey ugu xun tahay, oo Ictiraaf ayeynu raadinaynay oo waxaynu doonayey inaynu Somaliland adduunka kala mid dhigno, oo aynu nidhaahno waa waddan dimuqraadiya, oo Mandaqada ka tilmaaman, oo nabadgelyo heysta, oo ay xorriyatul-qawl ka jirro, oo xorriyadii qoraalku jiro oo xukuumaddani wixii oodhan ayey ku dhoobeysanayaan".Ayuu yidhi Xasan Ciise. Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku taliyey oo uu yidhi "Waxa loo baahan yahay in la canbaareeyo, oo ay dadku dareenkooda muujiyaan sida ay uga xun yihiin ay dawladu fahanto, oo dawlada laftigeedu waa

bini'aadmi oo way khaldami kartaa, oo ay qaladkeeda qaadato oo ay ka

noqoto, raali-gelina ka bixiso".