Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 8 2014                                             Jamadi Al Thani 8,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Falalkii Argagixisada Xambaarsanaa Ee Hadhaagii NSS tii Siyaad Bare 7 Sano Kadib Mar Kale Ay Ku Ekeeyeen Wargeyska Haatuf

Cabdillaahi Budul

Falalkii Argagixisada xambaarsanaa ee ciidamo ka amar qaata Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka mid ahaa hadhaagii hay’addii lagu magacaabi jiray Nabad Sugida Somaliyeed ee NSS ay doraad ku galeen xarunta Wargeyska Haatuf ayaa dad badan soo xasuusisay dhacdadii argagaxa lahayd ee todoba sano ka hor sanadkii 2007 goor galab ay xukuumadii Rayaale ku galalaftay, kuna xidhay masuuliyiintii wargeyska Haatuf.

Ciidamadii la baxay Nabadsugida Soomaaliyeed oo ku dhaqmi jiray falal argagaxgalin iyo khaarajinba isugu jiray ayaa waxa ka mid ahaa hay’adaasi Cali Maxamed Warancade oo taagan ciidamo bileys ah ku soo hogaamiyey Wargeyska Haatuf, isla markaana si sharci daro ah oo ka baxsan xoriyatul qawlka ku qufushay xafiisyadii wargeyskaasi.

Xilligii maamulkii Rajiimkii Siyaad Barre ee Somaliyadii Burburtay kula kici jirtay shacabka xukunkaa digtaytarka ahaa ayuu afweyne u samaystay inay maamulkiisa si adag u ilaaliyaan, isla markaana dadka aqoonta leh, waxgaradka, cidkasta oo ay ka dareemaan nacaybka habdhaqanka maamulka inay xabisaan ama ay qool u maleegaan.

Hay’adii NSS ayaa nidaamkeeda waxa ka mid ahaa khaarajinta, cabudinta, bahdilida iyo xadhiga muwaadiniinta Somalida ee si dadban iyo si cadaan ah uga hortimaada xukunkii Siyaad Bare.

Hay’adaasi waxay sanadihii faraha badnaa, gaar ahaan gobolladii waqooyiga xilligii Somalia laysku odhan jiray ka fuliyeen falal argagixiso xambaarsan, isla markaana lagu khaarajinayo aqoonyahanada, saraakiisha , waxgaradka, dhalinyarada, kuwaas oo aakhirkii horseeday inay soo dadajiyaan burburkii maamulka Rajiimkaasi.

Waxa jeelasha buux dhaafiyeen dadka aan wax dambi ah galabsan, waxay ka taliyeen cawaaqib xumadii sahayatay maamulkaasi, waxay jidhdil, cabudhin, cagao juglayn, carjuuq dheh kula kaceen qofkasta oo ka horyimaada ama diida maamul xumada, waxay ummada ka dhaceen hantidii ay lahaayeen oo xoog kaga qaadan jireen.

Aakhirkii waatii la ogaa hay’adaasi inay masuul ka ahayd mucaaradadii ka bilaabantay falalkaasi inay ka dhasheen dabayshii UFFO, dhalinyaradii naftood hurayaasha ahaa ee duhur cad ka dhex toosay inay dad caasimada ka bilaabay hagaajinta iyo dibu habaynta cusbitaalka Hargeysa ee la xidhxidhay ee dilka iyo xadhiga dheer maxkamadii daallinka ee la odhan jiray badbaadu xukunka sharci darada ah ku riday.

 Waxa kale oo ka dhashay ururkii xoreeyay Somaliland ee SNM.

Wakhtigan xaadirka ah oo Somaliland 23 jirsatay oo uu gadhwadeen ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ahaa gudoomiyihii SNM ugu muddada dheeraa ayaa maamulkiisa waxa uu hadda dhabaha cagta saaray waddadii sahayatay Rajiimkii Siyaad bare kadib markii Madaxweyne Siilaanyo uu magacaabay Wasiir NSS tii ahaa, iyadoo hab dhaqanadii siyaad Barre maamulkiisa burburiyay ay ka socdaan hada dalka, maadaama xadhiga sharci darada ee muwaadiniinta, cabudhinta saxaafada, xariyaada warbaahinta madaxabanaan ay la soo baxday, waxa xayiraad ilaa hada saran tahay wargeyskii madaxabanaanaa ee Hubaal, maalintii doraad waxa  xayiraad lagula wareegay wargeyska madaxabanaan ee Haatuf oo boqol ciidanka bilayska ka tirsani iyadoo hawlwadeenadii wargeysku ku guda jiraan hawlmaamlmeedkii shaqo ka dareeriyeen.

Wargaysyadaasi waxay soo bandhigeen musuqmaasuqyo ragaadiyay dalka, waana sababta loo xayiray wargeysyadaasi oo xeerka saxaafada iyo distoorka qaranku damaanad qaadeen madaxbanaanida saxaafada, iyadoo xukuumadihii ka horeeyay xukuumadan aanay taariikhda Somaliland dhicin wargeys xayiraad la saaray.

Hadaba haddii aanay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ka noqonin talaabooyinkaasi jidkaasi qaldan ee ay cagta saartay oo aanay rumaynin wixii ummadani ka daagalnatay ee naf iyo maalba ay u hureen in ay soo dhawsaan dooto goorto shacbigu sida daad iyo mawjadaha badda u jiidhaan.

Ninka diirta koriye, ku dhex beeray doogee, dabar gooyay cuudkee, danyar way ku aragtaa, ma dadkaad indhaha qaban.

Tixdaasi waxay ku jirtay deelaydii Aadan Tarabi Jaamac.