Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 8 2014                                             Jamadi Al Thani 8,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xisbiga Waddani Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Talaabadda Xukuumadda Siilaanyo Ku Xayirtay Wargeyska Haatuf, Kana Hadlay Laydh La’aanta Hargeysa

“Ciidankan Ay Sida Guracan U Isticmaalayso Xukuumaddu Ha Joojiso Haddii Intaas Laysla Dhaafo Wixii Soo Baxayana Waa Laysla Garanayaa”Xoghayaha Guud ee Waddani Uurcadde

Hargeysa, April 7,  2014 (Haatuf) - Xisbiga Mucaarika ah ee WADANI, ayaa si adag u naqdiyey talaabada xukuumadda Siilaanyo ay ku xayirtay xaruuntii guud ee Wargeyska Haatuf, isla markaana sharci daro ku tilmaamay qaabka ay xooga ah ee ay u adeegsatay joojinta wargeyska Haatuf.

Madaxda Waddani waxay xukuumada xisbiga Kulmiye ee talada dalka haysa ugu baaqeen inay joojiso dhaqdhaqaaqyada cabudhinta iyo cago-juglaynta ku taxaluqa ee ay xukuumadu ku cabudhinayso Xoriyatulka.

Sidoo kale Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxay ka hadleen hawlgabka wershada Laydhka dawladda ee magaaladda Hargaysa, waxaanay madaxda xisbigaasi sidaas ku sheegeen mar ay maanta shirjaraa’id ku qabteen xafiiskooda Magaaladda Hargeysa.

ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed C/laahi Uurcade, kaas oo sheegay in uu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay qaaday dhabihii burburka iyo guul-darada, isaga oo ku eedeeyey inay dhaqan ka dhigatay buburinta xoriyatul-qawlka iyo kala fogaynta bulshadda walaalaha ah ee Somaliland.

isagoo xukumada u soo jeediyey una baaqay in ay iska ilaaliso wixii waxa u dhimaya madax banaanida iyo Dimuqraadiyada. Sidoo Kale waxa halkaasi Ka hadlay Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Waddani Mustafe Maxamuud(Qodax) waxaana uu sheegay in ay somaliland ku faani jirtay nabada, madax banaanida saxaafada iyo xoriyatul-qowlka balse taasi ay noqotay mid lagu tuntay waxaana uu yidhi “Hadii aynu nahay reer Somaliland waxa aanu iibin jirnay amaanka  oo runtii tiirarka uu ku taaganyahay ay kamid tahay cadaaladu  cadaladuna yada laftigeeda waxaa laga dhex dheehan jiray xoriyatul-qawlka iy saxaafadeena arintaas wargeeska Haatuf  lagu xanibayna aad iyo aad baanu u canbaareynaynaa   waxanan u sheegaynaa umada reer somaliland gudo iyo dibad ba  xukuumadu waxay ku qarinaysaa ceebaheeda ayey runtii ku qarinaysaa cago juglaynta iyo cadaadiskan ay saarayso saxaafada oo aan qarsoomayn oo aanu runtii aanu aaminsanahay  in ay kala kulmi doonto kacdoon dad weyne iyo in dadku si furan uga jawaabo arintan”.

Dhinaca kale xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga Waddani oo ka hadlaya laydh la,aanta ka jirta caasimada hargaysa oo warshadii laydhku ay fadhiisatay waxaana uu ceeb iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkii xukumada soo doortay ay habeen oo dhan ku jiraan mugdi isagoo xukumada kuls taliyey inay ceebts dul hooganaysa iska dulqaado, kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabigii soo dooratay ay hada habeenkii mugdi iyo madow ku noolyahiin  waxana uu xukuumada ku taliyey in arintaas wax ka qabato waxan u yidhi”Caasimadii Somaliland ee murayadii dalka ahayd  ayaa laydh  la,aan ah ,biyo la,aan ah maxkamadaheeni bay warqado ka soo bixin oo computeradii ka fadhiyaan  madaxtooyada horteedii iyo dabadeedii baa bilaa laydh ah runtii qarsoomi mayaan ceebahaasi   wax kale oo lagu faano iyo dig dig kale iyo waaxaasi shaqayn maayaan ee xilkii aad umada u hayseen waad ku fashilanteen ee umada  xilkeedii u soo celiya aayaan idiin leeyahay“ayuu yidhi xogahaya arimaha gudaha ee xisbiga wadani mustafe qodax.