Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
April 9 2014 Jamadi Al Thani 9,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Garsoorka Somalilandnow Wajigaagii Waa Kaa A / Kayse Cali Xukuumadii Axmed Siilaanyo intay kiis u macmalka Haatuf ku soo jeeday ayay garsoorkii dalka qiimo tirtay. Oo ay god madow ku riday. Garsoorku wuxuu qaadi jiray gar macno leh oo shardiga koowaad yahay cid wax laga galay iyo cid wax laga tirsanayaaba ay jirto. Dacwad sidaas ayaa loo yaqaanay waxaana loo mari jiray nidaam marag, markhaati iyo iska rogid-ba leh oo dood iyo daadafaynba wax la iskaga dhiciyo sidaasaana go’aan maxkamadeed lagu heli jiray. Laakiin guuldarada dhacday waxa weeyi afar nin oo isku dhinac ah oo kala ah Garsoore, Dambibaadhe, Xeer-ilaaliye iyo Markhaati ayuunbaa soo saaray go’aanka lagu xayirayo Haatuf iyadoon la ogaysiin cidina ka joogin, oo ilaa imikadaa aanay jirin dacwad la soo oogay oo nuqulkeedii Haatuf loo keenay. Way dhici jirtay in xukuumad iyo wargeys wax kala tirsadaan oo waxaan xeerba galin oo siyaasad ah isku seegaan. Laakiin nasiibdaro ka weyni ma jirto inuu garsoorkii dalku galo maalaayacni-nimada ilaa xadkan leh oo tiqadii iyo aaminkii kaga tago xukun qarqooshkan Haatuf lagu xidhay kiis aanay kaba war hayn oon la ogaysiin. Sumcad xumadaa garsoorka ku dhacday maaha mid xukuumada iyo wiilka la xididka ahi toona uu soo celin karayo ee waa mid cawaaqib xumadeeda la arki doono hadii aanu shacbigani ka dhiidhiyin oo intay goori goor tahay iska qaban xukunkan fashilmay ee garsoorkii iyo xukuumadii isku bahaysteen dulmiga muwaadinka. |