Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Xukuumadda Siilaanyo Oo Qiraal Kaga Jawaabay Musuqmaasuqii Uu Haatuf Ka Baahiyey

Warbaahinta Somaliland Iyo Ta Dunida Iyo Ururo Caalami Ah Oo Si Kulul U Cambaareeyey Xayiraadda Wargeyska Haatuf

Hargeysa, April 9, 2014 (Haatuf) – Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ayaa maanta qirtay in wargeyska Haatuf ay xukuumadu ku xayirtay ka dib warar uu labadii todobaad ee u danbeeyey wargeysku baahinayey heshiisyada dhinaca shidaal qodista ay la gasho shirkadaha caalamka, kuwaas oo uu Haatuf iftiimiyey musuqmaasuq baahsan oo ay ku kaceen wasiirka macdanta iyo wiilka uu madaxwayne Siilaanyo sodoga u yahay ee Mr Baashe Cawil (Morgan). Wasiirka Macdanta waxa uu si cad u sheegay inuu Wargeyska Haatuf taageero badan bulshadda kaga helay Macluumaadka ku taxaluqa musuq-maasuqa ay xubno uu ka mid yahay ka sameeyeen heshiisyada shidaal qodista ee ay shirkadahaasi la galeen, kaas oo cadeeyey in qoraaladii sida joogtada ah uu wargeyska Haatuf u baahinayey inay u adeegsan kari waayeen, ka dibna ay Madaxtooyada Somaliland laga soo bixiyey amarka Xayiraada Wargeyska, kaas oo saddex maalmooda u xidhan dawladda isla markaana ay haystaan Ciidamo. Sidoo Kale bulshadda Somaliland ayaa aad u xiisanaysay qoraaladii sida taxanaha ahaa uu wargeyska Haatuf maalmihii u danbeeyey intaan la xayirin uu baahinayey, kuwaas oo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale uu Wargeysku ka qoray Faddeexado musuqmaasuq oo uu ku lunsaday lacago xaqul-qalin looga qaaday Sharaa’ig Shidaal iyo kuwa Macdan Baadhaya. Dhinaca kale Ilaa Affar Hay’addood oo Caalami ah ayaa cambaareeyay Xadhiga Xarunta Wargeyska Haatuf Media Network oo maalintii saddexaad saaxadda ka maqan ayaa War-Saxaafadeed uu Soo Saaray Ururka Caalamiga ah ee Committee to Protect Journalists(CBJ) Xafiiskiisa New York waxa lagu sheegay in Somaliland Albaabada isugu Laabtey Wargays Madax-banaan oo Haatuf iyo Mataankiisa SomalilandTimes. CBJ Waxay ku Xustay War-murtiyeed ay Qaybisay[April 8, 2014]in Somaliland looga Fadhiyo inay ilaaliso Madax-banaanida Warbaahinta isla markaana ay ka Run Sheegto in ay Taaba galiso Dimuqraadiyadda Dastuurka ku dhisan. Sidoo kale Ururka Caalamiga ah ee isna u dhaq dhaqaaqa Warbaahinta International Federation of Journalists(IFJ) beyaan uu soo saaray xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay degdeg u fasaxdo warbeehinta ay sida sharciga baalmarsan u xayirtay. waxa kaloo ay ku talisay IFJ in Somaliland Madaxdeedu ay ka Run sheegaan Qodobada ku Qoran Dastuurkooda ee dhigaya inay ilaaliyaan Xuquuqda Wariyaasha iyo Kuwa kale ee u Dhaq Dhaqaaqa Bini'adanimada. IFJ oo Xiganaysa NUSOJ Waxay Tibaaxday in Boolisku ay Gudaha u Galeen Xarunta wargayska Haatuf isla markaana ku Amreen dhamaan Shaqaalihii iyo Maamulkiiba inay shaqada gabi ahaanba joojiyaan dibadana uga baxaan Xafiiska Wargayska. Dhinaca kale Ururka isna lagu magacaabo REPORTERS WITHOUT BORDERS ee fadhigiisu yahay waddanka Faransiiska ayaa Taageeray Bayaanada ay soo saareen Ururadda Caalamiga ah ee Saxaafaddu. Marie en l'absence oo xubin ka ah Ururkan ayaa Somaliland u soo jeedisay inay si wanaagsan ula dhaqanto Wariyeyaasha, ixtiraamtana Xoriyatal-qowla iyo madaxbanaanida saxaafadda. Si kasta ha ahaatee Kulan-weyne oo ay maanta isugu yimaadeen in ku dhow boqol Suxufi oo ka hawl-gala Somaliland iyo xubno ka socda Bulshada rayidka ah ayaa laga soo jeediyay inay Xukuumadda Somaliland joojiso xad-gudubyada sii socda ee lagu hayo Warfidiyeenada iyo Xarumaha Warbaahinta. Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa hore u cambaareeyay talaabada lagu xidhay xarunta Wargeyska Haatuf. Qaar ka mida Ururrada u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha iyo siyaasiyiin qaarkood Xilal sar sare ka soo qabteen dalka ayaa sidoo kale cambaareeyay xadhiga wargeyska.