Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Xukuumaddani Way Dhiiran Tahay’e Inaad Dhi-Dhibsataan-Baa Loo Baahan Yahay , Yuusuf Cabdi Gaboobe Waad Ogtihiin Oo Saaxiib Ayaanu Nahay, Weliba Saaxiib Qudha Ma Nihin Ee Walaalo Ayaanu Nahay, Laakiin Kuma Raacsanin Inuu Baashe Iska Maago”

Wasiirka Warfaafinta Mr Cukuse

 Hargeysa, April 9, 2014 (Haatuf) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta ka qayb-galay kulan saxaafadda Somaliland ay u qabatay dallada SONSAf, ayaa ka hadlay xayiraadda la saaray Wargeyska Madaxa-banaan ee HAATUF, waxaanu sheegay inuu ka xun yahay arrintaasi. Wasiirka Warfaafinta, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Saxaafaddu kama shaqeyn karto meel la isku xoog sheegto, qofna qof kale waxba kama sheegi karo meesha la isku muruq sheegto, marka sharciga iyo waxa inoo qoran shaqeeyo ayuun-bay saxaafaddu shaqeyn kartaa..” Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Ninka suxufiga ahi inuu halkaa soo fadhiisto oo uu qori gashado rasaas oo saddex toddobaad qof kaliya la dhaco rasaasta, qofkana la yidhaahdo yaanu jidhka is galin oo aanu sharciga u ashkatoon la yidhaahdo, qof kale yaanu xanaaqin la yidhaahdo, ilayn xoriyatul-qowl-baan haystaaye, maaha saxaafaddu taas, waxa xaq laguugu leeyahay inaan bani-aadamka xurmayso, Ilaahii Abuurbay karaameeyay, maxaa adiga oo qof ah kaaga ammaan waayayaa Bani-aadamku, sharaftooda iyo xaqa ay kaala midka yihiin ilaali, ma jiraan Aayad iyo Xadiis ku soo arooray in adigu (saxaafadda) ka wax maaga aad noqoto, adigana aan waxba lagu odhanin, aynu sharciga ixtiraamno, oo ah waxa kaliya ee inoo dhexeeya..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Saxaafadda Madaxa-banaani abbaal-bay u sheegataa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, barigii ayaanu soo saarnay ayay yidhaahdaan, imikana waakii Xasan Maxamed Yuusuf (Guddoomiyaha SOLJA) lahaa maanaan filayn inaad nagu durdurisaan oo barigaa ayaanu abbaal idinku lahayn, annaguna saxaafadda abbaal badan-baanu u sheeganaa oo qal-qaalinimo badan-baanu ka ogollaanay, inay durduriyaan ayaanu ka ogollaanay, weliba waanu sii jeedsanaa oo waxaanu is nidhaahnaa waydinkii berigii ka ogollaaye bal maantana ka yara daaya, laakiin waxaad doonaysaan inaan idiinka jawaabo maxay xukuumaddani ugu dhiirataa inay Meheraddaba xidho, waxaanu u marnaa dariiqa garsoorka, waxaanu ka horeysiinaa ergooyin saxaafaddiina ayaanu dirnaa oo aanu nidhaahno bal ergo gala, annigu meheradda Haatuf in la xidho kuma faraxsani, meheradda Haatuf inay 15 cisho oo isku xiga nin aan dalkaba uba shaqeyn, nin xukuumadda xil u haya inay subax walba Maagto’na kuma faraxsani, waayo masuuliyad iyo xil-baa inna saaran, Yuusuf Cabdi Gaboobe waad ogtihiin oo saaxiib ayaanu nahay, weliba saaxiib qudha ma nihin ee walaalo ayaanu nahay, laakiin kuma raacsanin inuu Baashe iska maago. Baashe ma dalkuu u shaqeeyaa, waa Muwaadin caadiya oo xaq u leh inuu noolaado, xil uu hayaa ma jiro, imika Haatuf waxay aaminsan tahay in Baashe loo xidhay, maba joogo dalka, laakiin Cali Waran-cadde iyo xubnaha kale ee Wasiirrada ah ee Jariiraddu Maageysay, ayaa dacwooday, xaqna way u leeyihiin”. Wasiir Cukuse, waxa uu ku dooday in aan Somaliland lagu cabudhin saxaafadda “Dalkeenna cid la cabudhiyaa ma jirto oo dhaqan-ba uma lihin, laakiin waxa Madaxiina ku jirta xukuumaddani way ka dhiiran tahay xukuumadihii hore, haa way ka dhiiran tahay waayo xukuumadihii hore kumay dhiiran inay ciidamada derajooyin siiyaan, markaa sida ay ugu dhiiratay inay ciidamada derajooyin siiso ayay ugu dhiiran tahay inay amarna siiso, idinkuna inaan dhi-dhibsataan-baa loo baahan yahay…”