Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Jaaliyada Sheffeild Oo Shaacisay In Aanay Soo Gaadhin Lacag Xukuumadu Ugu Soo Dhiibtay Wasiirka Macdanta Xili Xuseen Wajixun Sheegay Inuu Gaadhsiiyey

Sheffeild, April 10, 2014 (Haatuf) – Jaaliyada Somaliland ee gobolka Sheffeild ee dalka UK ayaa sheegay in aanay arag wax lacag ah oo xukuumada Somaliland ugu soo dhiibtay wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale si loogu bixiyo kharashaadka xafladii loogu dabaal degayey aqoonsigii Sheffeild u fidisay Somaliland oo soo gaadhay jaaliyadooda.

Sida uu Shabakada Qarannews u xaqiijiyey madaxii qabanqaabada xafladaasi Sheffeild ka dhacay Mr Maxamed Cabdilaahi Ciise, kaas oo sheegay in haba yaraatee wax aduun ah oo ay ka heleen xukuumada aanu jirin oo aanay arag ama maqal wax Wasiirka Macdantu uu soo gaadhsiiyey qaban qaabadii xafladii Sheffeild.

Hase yeeshee Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu dafiray inuu jaxaastay lacagtaasi loogu dhiibay xafladii Sheffeild ayaa mar uu shalay u warameyey qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu tilmaamay in lacagtaasi markii ay ka bixiyeen kharashaadkii isaga iyo wasiirka arimaha dibada ku baxay intii ay ku sugnaayeen Sheffeild inuu baaqigii ku wareejiyey Jaaliyada.

“Warkii ugu dambeeyey ee layaabka lahaa waxa uu ahaa intii aniga iyo wasiirka khaarajigu aanu tagnay oo xukuumadu ay dhalinyaradii iyo jaaliyadii reer Sheffeild oo kharash badan galaysay oo casuumado badan samaynaysay ay xukuumadu iigu dhiibtay in aan 20,000 dollar u geeyo oo waliba ay ku jirto kharashkaygii aniga iyo wasiirka dibado oo hotelkii aanu galaynay oo laga goynayey oo markii aan labaatankii kun u geeyey shakhsiyan wixii kalena waxa ay ku fuliyeen hawlihii ay galayee”