Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mujaahid Dhagaweyne Oo Sheegay In Xukuumada Siilaanyo Ka Baxday Dawladnimadii Oo Dalka Ay Ku Xukumayso Reernimo

“Afar Inan Oo Isku Reer Ahi Umadd Xukumi Maayaan Noqona Mayso Ee Waa In Layska Celiyaa Oo Aan Dib Loogu Dul Qaadan Waxani Edeb Darro Way Dhaaftay”

Hargeysa, April 10, 2014 (Haatuf) - Afhayeenka madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhaga Wayne) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay falalka ay xukuumadu kula kacdo warbaahinta madaxa banaan iyo dadka shacabka ah ee kale.

Mujaahid Dhaga Wayne oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadu dhaaftay waxyaalo badan oo laga xishoon jiray, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in dalka laga badbaadiyo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Ugu horayn mujaahid Dhaga Wayne oo ka hadlaya falalka ay xukuumadu ku hayso warbaahinta madaxa banaan ayaa sheegay inaan loo dul qaadan Karin falalka noocan ah waxaanu yidhi “C.I.D-dan maalinta wax ku gudbisa iyo maxkamadan cidba aan loo eegayn, ilaa maantana waraaq umay gayn dadkii ay ka xidheen hay’addaha warbaahinta waxaanay u geeyeen waraaqihii madbacada iyo ciidan aniguna waan soo akhriyey, waxaasina waa wax bina’aadan ka xishoodo, dawlad , bina aadanimo iyo akhlaaqdii umada ayey ka baxsan tahay waxa uu samaynayaana (Madaxweyne Siilaanyo) wax loo dul qaadan karo maaha, umada dhan ee ay meesha ka soo dareeriyeena warqad sharci ah umay gayn oo may odhan waxaas ayaad danbi leedihiin, yaa dhagaystay dacwadooda yaase xukumay , inanka xukumayna waxba muu xukumin maxkamadna anigu uma arko waana wasakh kale.” Ayuu yidhi mujaahid Dhaga Wayne.

Sidoo kale mujaahid Dhagawayne waxa uu fariin u diray guud ahaanba shacabka Somaliland isaga oo u soo jeediyey inay ka tashadaan wixii laga yeeli lahaa xukuumada haatan talada dalka haysa waxaanu yidhi “Haday cay ka xanaaqayaan anaga ayaa ku odhanayna ee inanka wax xukumay waa bilaa akhlaaq, wax is dhaamaa meesha ma joogaan, waxani sidan ku socon maayaan ee waxaan leeyahay umadu ha ka tashato, akhlaaqdii bina aadanka iyo dawladnimadiiba way ka baxeen markaa dadka ma reernimo ayey ku xukumayaan, afar inan oo isku reer ahi umad xukumi maayaan noqona mayso ee waa in layska celiyaa oo aan dib loogu dul qaadan waxani edeb darro way dhaaftay, waxaan ku soo gaba gabaynayaa umada hoos haw eegto waxan socda.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Mujaahid Dhaga Wayne