Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
April 9 2014 Jamadi Al Thani 9,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
“Mulkiilaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe Wuxuu Ka Mid Yahay Raga Waddankan Xasaanada Ku Leh, Xidigaha Dalkan Ayuu Ka Mid Yahay, Taariikhdiisa Iyo Halgankiisa Markaynu Goconay In Lagu Deg Dego Marnaba May Ahayn” Madaxwayne Ku Xigeenkii Ugu Horeeyey Ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise
“Barigii Hore Ee Aanu KULMIYE Wada Ahayn Xaajiga Ee Yuusuf Cabdi Gabboobe Ay Dawladdii Rayaale Xidhay Aad Buu Madaxweynuhu Ugu Ololeeyey Sharci Darranu U Tilmaamay”Guddoomiyaha Madasha Wadda-tashiga Xasan Guurre Hargeysa, April 10, 2014 (Haatuf) - Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaamay xadhiga iyo ciidanka ay xukuumadu dul-dhigtay xarunta guud ee Wargeyska Haatuf, kuwaas oo xussay inay sharciga baal-mareen masuuliyiintii iska lahaa marka xayiraadda Wargeysku. Siyaasiyiinta madasha oo ah rag dhamaantood si wayn looga ciseeyo Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana u badan aas-aasayaashii ururkii xaq u dirirka SNM ayaa waxay sidaasi ku sheegeen shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaaladda Hargeysa, taas oo ay kaga hadleen tacadiyada iyo cabudhinta ay xukuumadda Siilaanyo ku hayso warbaahinta madaxabanaan. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Muj. Xasan Guure, kaas oo xadhiga wargeyska Haatuf xaruntiisa lagula kacay ku tilmamay in la cabudhiyey xorriyatul-qawlka shacabka, xukuumaddana ku eedeeyey in waqtigii ay mucaaridka ahaayeen ku doodi jireen in saxaafadda la cabudhinaayo. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aannu leenahay barigii hore ee aanu KULMIYE wada ahayn Xaajigu ((Madaxweyna) Yuusuf Cabdi Gabboobe bari dawladdii Rayaale xidhay aad buu madaxweynuhu ugu ololeeyey sharci darranu u tilmaamay, run ahaantiina iminka sharcigan halkuu ka keenay baa su’aal ah, waxaanannu leenahay ha la ixtiraamo codka ummadda iyo hantida ummadda, waxaanan ku soo koobaya dadkaas xaqooda iyo hantidooda ha loo celiyo, shaqadoodana ha loo soo celiyo oo ilaa 10 qof baa Haatuf ka shaqaynaayey, shaqo la’aana waa laga cabanaya ilaa madbaca ilaa inankii yara ee iibinaayey, intaas oo dhan dawladdu shaqadoodii way joojisay, shaqo la’aana waynu ka cabanayna”. Sidoo kale guddoomiyihii ururkii Xaqsoor Muj Xasan Ciise Jaamac oo ka mid ah Madasha Wadatashiga, ayaa sheegay in xukuumaddu dayacyday caddaaladdii ay shacabka gaadhsiin lahayn, taasina ay muujinayso tallaabada ay u martay xadhiga wargeyska Haatuf oo aanay maxkamad kaga oogin dambigeeda, waxaannu yidhi; “Hora loo sheegay oo xukuumaddu laba shay uun bay shicibka gaadhsiin karta, lacag ma gaadhsiin karto oo Ilaahay baa dadka risiqa oo risiq gaadhsiin kara, xukuumadda adduunka ugu taajirsan baan dadkeeda lacag gaadhsiin Karin, laba shay uun bay xukuumaddu dadkeeda gaadhsiin karta waxaana weeyaan, caddaaladda iyo akhlaaqda amma macaamilka wanaagsan, labadaas shay uun baa laga rabaa inay dawladdu gaadhsiiso shicibka. Labadii ay waajibka ku ahayd in ay xukuumaddu dadka gaadhsiiso dhinacoodiiba looma dhaqaaqin. “Arrinta Haatuf waa ta ugu dambaysay ee muujinaysa, caddaynaysana in labadaas xukuumaddan ka aradan tahay. Nin xil qaaday oo durbaan qaatay ilaaq dalbay, waxbaa laga sheegaya, ninku haddii uu u adkaysanayn inuu marka horeba xilka doonto oo ummadda lugooyo may ahayn, iminkana mid baan halkan ka sheegaya ahaan hore xukuumadihii hore ugu idhi, saxaafaddu qolyahaneenan Afrikanka ah waanay garanayn ee laba jeer ba waxbay xukuumadda u taraan, warbaahintu markay saxda tahay ee ay ammaanayso ee ay xukuumadda wax fiican ka sheegayso way u hiilisay, markay dhaliil ka sheegtana way u hiilisay, hadday sax tahay dhaliishaasi way u hiilisay oo khaladkeeday sheegtay.Warbaahintu waa bani’aadam oo iyaga laftoodu way khaldami karaan oo malaa’ig maaha, arrintan Haatuf lagu haysto kamaannu garnaqin oo tafaasiisheeda ma hayno oo midna gar siin mayno, laakiin dariiqii khaldana ayaa loo maray asalkeedaba oo alif ba’dii caddaaladda laga tallaabsaday,” ayuu yidhi Muj. Xasan Ciise Jaamac Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Muj. Xasan Ciise waxa uu intaa ku daray;“Xorriyada saxaafaddu waxay ka mid tahay xorriyatul-qawlka bani’aadamku leeyahay, wax lagu safaadana maaha, ta kale Haatuf waxay ka mid tahay wargeysyada waddankan ugu mudan, Yuusuf Cabdi Gaboobe mulkiilaheeda iyo aasaasaheedu wuxuu ka mid yahay raga waddankan xasaanada ku leh, xidigaha waddankan ayuu ka mid yahay, taariikhdiisa iyo halgankiisa markaynu goconay in lagu deg dego marnaba may ahayn, haddii ay dawladdu u adkaysan kari waydo waxay ahayd in maxkamada dacwad la geeyo, fursad ay isku difacaana la siiyo, dadkiina ay daawadaan, caddaaladdana lama sugo haddii aan dadka loo bandhigin oo aanay ka markhaati noqon.” Eng. Maxamed Xaashi, waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay ku kacday tallaabooyin waxyeelo u gaysan kara ictiraaf-raadinta Somaliland, waxaannu yidhi; “Innaga oo ictiraaf raadinayna, innaga oo ay ahayd inaynu sharciga ku dhaqano, innaga oo ay ahayd inaynu somalida kale kaga duwanaano oo aynu tusno wanaageena iyo sidaynu halgankeena ku soo marnay, isagoo Madaxweynuhu ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeraa intii halganku socday, maanta lagama filayn xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay xaq darro xalaashadaan, waxay ahayd haddii wargeyska wax laga sheegayo in ninkii qoray maxkamada la geeyo oo uu ka dacwiyo wixi lagu helana lagu qaado, jariiradana in marna la xidho may ahayn, waayo jariirada dad ayaa ka shaqeeya, nin durbaan qaatay ilaaq dalbay ayaa la yidhi, mark uu ninku madaxnimo u baxo oo uu xil ummadeed qaado inuu yidhaa cidbaa wax i tidhi maaha,waa la odhanayaa, waana lala xisaabtamayaa, wixii ay xumeeyeen ayaa la sheegayaa, jaraa’id ayaa sheegaya oo dadka ayaa sheegaya, waa la xukumay oo ninkii arrintan loo haystay maxkamadba lama marin, maaha wax sharciya, mana aha wixii aynu maanta ku kici lahayn,” Eng. Maxamed Xaashi waxa uu xukuumadda ku eedeeyey amarka ay ku bixiso in ciidammada khaaska ah ee RRU-du u daataan guryaha habeenkii, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu masuuliyiinta xukuumaddiisa ka qabto shacabka, waxaannu yidhi; “Maanta waxaynu u baahan nahay inaynu tusaale fiican noqono oo wixii ina soo maray aynu ka nasano, mana ah inaynu mid kale galno oo RRU-du kolba aqal jabiso oo dadka loo dhaco habeenkii, dadkana layska xidh-xidho, waxaasina waa wax inaga fogaynaya aqoonsigii aynu raadinayey nasiib darrada ugu waynina waxa weeye ragii ina Siyaad Bare ku dhaliilayey inay xaq darro ku kaceen oo aynu ka dagaalanay oo aynu ku ridnay inay iyagii galaan waa nasiib darro wayn, waxaanan leeyahay madaxweynaha waa in si dhakhso ah loo sii daayo jariiradaha xidhan, wixii ka baaqdayna dawladu ha bixiso, iyadaa gashay danbigaase. Dalka sidan ha loo dhaamo, niman aanad garanayn meel ay ka yimaadeen oo aan foosto habeen u riixin halgankii dhamaa inay dadka ku tacadiyaan maaha, carruurtan yar yare e uu suuqa ku sii daayey(Madaxweyne Siilaanyo) isaga ayey tahay inuu dadka ka qabto oo uu ku yidhaahdo bal miyir sada oo ka daaya dadka sidan, nimankii basaasiinta ahaa ee ka shaqaynayey xumaanta SNM iyo ummadda inay xukun qabtaan may ahayn in liiska madaw la galiyo ayey ahayd (Black List) oo aan lagu sii dayn dadka, waayo markii aynu ugu liidanay ayey inaga soo hor jeedsadeen, markii aynu wax qabanayna inay iyagu madax inoo noqdaan meesha kuma jirto.” Dhinaca kale Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen Dhego –weyne, ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay dawladnimada meel kaga dhacday, shacabkana xad-gudubyo kula kacdo, waxaannu ydihi “C.I.D-dan maalinta wax ku gudbisa iyo maxkamaddan cidba aan loo eegayn, ilaa maantana waraaq may gayn dadkii ay ka xidheen hay’adaha warbaahinta , waxaanay u geeyeen waraaqihii madbacada iyo ciidan, aniguna waan soo akhriyey, waxaasina waa wax bani’aadamka ka xishoodo. Dawladnimada, bani’aadaminimada iyo akhlaaqda ummadda ayey ka baxsan tahay waxa uu samaynayaana(Madaxweyne Siilaanyo) wax loo dul qaadan karo maaha, ummadda dhan ee ay meesha ka soo dareeriyeena warqad sharci ah umay gayn oo may odhan waxaas ayaad danbi leedihiin, yaa dhagaystay dacwadooda, yaase xukumay , inanka xukumayna waxba muu xukumin, maxkamadna anigu uma arko waana wasakh kale”.. |