Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Tilmaamay Mid Ay Hogaaminayaan Caruur Yaryar Iyo Hadhaagii Basaasiintii Rajiimkii Siyaad Barre

“Dalka Sidan Ha Loo Dhaamo, Nimankii Basaasiinta Ahaa Ee Ka Shaqaynayey Xumaanta SNM Iyo Umada Inay Xukun Qabtaan May Ahayn In Liiska Madaw La Galiyo Ayey Ahayd  Oo Aan Lagu Sii Dayn Dadka Waayo Markii Aynu Ugu Liidanay Ayey Inaga Soo Hor Jeedsadeen”Eng Maxamed Xaashi

Hargeysa, April 10, 2014 (Haatuf) – Wasiirkii horre ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xukuumadda Siilaanyo ku tilmaamay mid ay hogaamiyaan caruur yaryar iyo hadhaagii Basaasiintii Rajiinkii Siyaad Barre, kuwaas oo ku eedeeyey inay  ku mashquulasan yihiin dhaqdhaqaaqyo lagu burburinayo dimuqraadiyada iyo kala danbaynta dalka, kaas oo xussay in madaxwayne Siilaanyo oo ka mid ah ragii mudada dheer ku doodi jiray inuu xaqdaradii Siyaad Barre ka dagaalamay oo uu SNM ugu biiray inuu isaga iyo xukuumadiisu samaynayaan dhamaan waxyaabihii uu samayn-jiray Rajiimkii Siyaad Barre.

Eng Maxamed Xaashi waxa uu ku naqdiyey xukuumadda Kulmiye in nidaamka ay dalka u maamulaysaa uu yahay mid uu ku burburi karo, kaas oo ku dhaliilay sharci jabin badan oo ay ku talaabsato markasta.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu ka hadlayey shirjaraa’id oo ay maanta magaaladda Hargeysa ku qabteen siyaasiyiinta madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo si wayn u cambaareeyey xadhigii xukuumadu ku xayirtay xarunta guud ee wargeyska madaxabanaan ee Haatuf, isla markaan ugu baaqay in degdeg xayiraada looga qaado Wargeyskaasi. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Inaga oo ictiraaf raadinayna, inaga oo ay ahayd inaynu sharciga ku dhaqano, inaga oo ay ahayd inaynu soomaalida kale kaga duwanaano oo aynu tusno  wanaageena iyo sidaynu halgankeena ku soo marnay, isaga oo madaxweynuhu ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa intii halganku socday, maanta lagama filayn xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay xaq daro xalaashadaan, waxay  ahayd haddii jariirad wax laga sheegayo in ninkii qoray maxkamada la geeyo oo uu ka dacwiyo wixi lagu helana lagu qaado jariiradana in marna la xidho may ahayn waayo jariirada dad ayaa ka shaqeeya, nin durbaan qaatay cilaaq dalbay ayaa la yidhi marka uu ninku madaxnimo u baxo oo uu xil umadeed qaado inuu yidhaa cidbaa wax I tidhi maaha waayo  la odhanayaa waana lala xisaabtamayaa, wixii ay xumeeyeen ayaa la sheegayaa, jaraa,id ayaa sheegaya oo dadka ayaa sheegaya, waa la xukumay oo ninkii arintan loo haystay maxkamadba lama marin maaha wax sharciya, mana aha wixii aynu maanta ku kici lahayn”.

Eng Maxamed Xaashi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu hadalkiisa sii raaciyey  “Umadani dhibaato badan ayey soo martay halgan ayey soo gashay wax walbana waa loo soo gaystay, sidii ay uga bixi lahayd ayey ku tala gashay oo ay ku soo ceshatay xoriyadeedii maanta in kuwii madaxda ka ahaa xoriyada inay ku tuntaan meesha ma taalo, waxa laga filayey inuu dadku nafiso oo uu dhibaatadii soo martay iyo cabudhintii lagu hayey ka baxo, laakiin kuwii halganka madaxda ka ahaa ayaa idinka xumaan meesha marna may soo dhigan, saxaafadu sharci ayey leedahay, shaqaduna waxba ma gaysan ee ninka wax qora ayaa maxkamad la gayn karaa haddii lagu helana waa lagu qaadi karaa haddii kalena banaanka ayuu marayaa, jaraa,idkan la xidhayo hala fasaxo oo ha shaqaysteen walibana kharashkii mudada ay xidhnaayeen waa inay bixisaa xukuumadu ileen iyada ayaa gaysatay danbigane”.

Mujaahid Maxamed Xaashi waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in wixii soo maray shacabka Somaliland tusaale fiican noqdaan,waxaanu dhaliilay talaabooyinka ay xukumadu qaado ee ay u adeegsanayso ciidamada kala duwan waxaanu yidhi “Maanta waxaynu u baahan nahay inaynu tusaale fiican noqono oo wixii ina soo maray aynu ka nasano mana ah inaynu mid kale galno  oo RRU-du kolba aqal jabiso oo dadka loo dhaco habeenkii, dadkana layska xidh xidho, waxaasina waa wax inaga fogaynaya aqoonsigii aynu raadinayey nasiib darada ugu waynina waxa weeye ragii  ina Siyaad Bare ku dhaliilayey inay xaq daro ku kaceen oo aynu ka dagaalanay oo aynu ku ridnay inay iyagii galaan waa nasiib daro wayn, waxaanan leeyahay madaxweynaha waa in si dhakhso ah loo sii daayo jariiradaha xidhan, wixii ka baaqdayna dawladu ha bixiso iyadaa gashay danbigaase.”

Ugu danbayntiina waxa uu sheegay  Eng Maxamed Xaashi Cilmi in madaxweynuhu umada ka qabto wax uu ku sheegay inamo yar yar oo aan taariikh ku  lahayn dalka hadana dhibaatooyn  u gaysanaya shacabka Somaliland waxaanu yidhi “Dalka sidan ha loo dhaamo, niman aanad garanayn meel ay ka yimaadeen oo aan foosto habeen u riixin halgankii dhamaa inay dadka ku tacadiyaan maaha, caruurtan yar yare e uu suuqa ku sii daayey(Madaxweyne Siilaanyo) isaga ayey tahay inuu dadka ka qabto oo uu ku yidhaahdo  bal miyir sada oo ka daaya dadka sidan, nimankii basaasiinta ahaa ee ka shaqaynayey xumaanta SNM iyo umada inay xukun qabtaan may ahayn in liiska madaw la galiyo ayey ahayd (Black List) oo aan lagu sii dayn dadka waayo markii aynu ugu liidanay ayey inaga soo hor jeedsadeen,markii aynu wax qabanayna inay iyagu madax inoo noqdaan meesha kuma jirto”.