Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 13 2014                                             Jamadi Al Thani 13,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Moorgan Oo Siyaad Barre Sodog U Ahaa Ayaa Ka Xishoon Jiray In La Xidho Qof Isaga Wax Ka Sheega, Wargeyska Haatufna Waxa Albaabada Loo Laabay Markuu Soo Bandhigay Awoodaha Baashe Oon Meelna Xukuumada Kaga Jirin

Cabdirisaaq Suudi Nuur

Mugdi kuma jiro sidii ay saxaafadda madaxa banaani ay door muhiima ka qaadatay sidii uu siilaanyo ugu fadhiisan lahaa kursiga madaxwaynenimo sideedii sanadood ee uu siilaanyo ahaa gudoomiyaha KULMIYE talada dalka uu hayay madaxwaynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo jeeday xisbiga UDUB may dhici jirin in la xidho hay’ad warbaahineed, waxase dhici jirtay in mararka qaar la xidhxidhi jirey wariyayaal.

Haddaba sxbayaal taariikhdaa aan idiinka soo waramay waxaan uga dan leeyahay inaan dib idiin xasuusiyo marka ay dhacaan arrimahan aan idiin soo sheegay hadalkii uu siilaanyo odhan jirey ee muftaaxa u ahaan jirey marka uu qabto shirsharaa’id ee uu warbaahinta la hadlo, kalmadda uu siilaanyo isticmaali jirey ee hal ku dhigga u ahayd “dimuqraadiyaddii gabal baa u dhacay” maantana waxaa dhacday in mudadii uu siilaanyo xilka hayay xaaladdu ay soo dhaaftay wariye la xidho oo qaybaha kala duwan ee warbaahinta kolba tii la doono si fudud albaabada la isugu dhufto.

Caalamkan aynu ka midka nahay ee dimuqraadiyadda sheegta haddii hay’ad warbaahineed ay cid wax ka tabato ma jiro sharci markiiba albaabada isugu laabaya ilaa maxkamadi dhagaysato dacwadda loo haysto hay’addaa warbaahineed oo ay maxkamadaasina xukun ka soo saarto ogolaanaya in la xidho hay’addaa warbaahineed.

Akhristoow ma ogtahay in dawladnimada aynu maqalnaa udub dhexaadkeedu yahay nidaamka iyo kala dambaynta ee aanu ahayn anigaa mindida daabkeeda haya, dhaqaalihii dalkana gacanta ku haysta, ciidamadiina haysta, garsoorkiina haysta oo warbaahinta iyo qofka aan doonaba waxaan ku xidhi karaa saacado gudahood, maah maah soomaaliyeed baa jirta oo tidhaahda “wixii umusha u dan ah ayaa ilamahana u dantiisa ah” waxana hubaal ah haddii la waayo sharci lagu kala sareeyo madaxwaynaha iyo qofka suuqa jooga si siman u wada qaban kara in dawladnimadu ay meesha ka baxayso, nin kasta oo madaxnimo jecelna uu reerkoodii dib ugu noqon doono. Beeshiisa ama caaqilnimo ama suldaanimo ha ka helee uu beeshiisa ku koobnaado.

 Tusaale kale aan idin siiyo oo ku saabsan dawladnimadu inaanay ahayn ismuquunin iyo anaa kaa xoog way nee ay tahay fulinta wixii umadi ku heshiiso oo keliya. 11st September 2001 waxay ahayd markii la qarxiyey daarihii ganacsiga addunka iyo xaruntii gaashaan-dhigga ee maraykanka. Madaxwaynihii maraykanka ee wakhtigaasi waxa uu ahaa Goerge W. Bush waxana uu isla markaana soo jeediyay hindise ah qaabka ugu fudud ee wax lagaga ogaan karo mashaqadii markaa dhacday oo kale in ay tahay in dawladda maraykanku ogolaansho u hesho inay dhagaysan karto taleefanada ay isu diraan dadka caadiga ahi, ogoow shakhsiyaadka muhiimka ah ee caalamka dawladda maraykanka muu jirin sharci ka mamnuucayay inay dhagaysato taleefanadooda ay isticmaalaan, laakiin waxa mamnuuc ahayd in dawladda maraykanku ay dhagaysan karto taleefanada ay dadwaynuhu isu diraan.

Waxaanu madaxwayne gorge w. Bush maxkamada u gudbiyey codsi u ogolaanaya dawladdu inay dhagaysato taleefanada dad waynaha hase yeeshee haweenay ahayd gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ayaa diidey oo gaashaanka ku dhufatay hindihii madaxwayne Bush, waxay dawladda maraykanka xukunkaa ka qaadatay racfaan, waxana ay dawladda maraynkanka ku qaadatay muddo 5 sanadood ka dib ah oo ku beegnayd 2006 dii in ay ogolaansho u hesho hindiseheedii. Waxyaabaha aan xasuusto waxa ka  mid ah markaan arrimaha Somaliland dib ugu soo nqodo 14th Jan. 2012 kii Madaxwayne siilaanyo waxa uu khudbad ka hor jeediyay laba aqal ee baarlamaanka waxana hadaladisii ka mid ahaaa “in HCTV oo noqday qaran dumis iridahana loo laabi doono” waxaan eegay saacadda markii uu hadalkaa jeediyay iyo markii la xidhey TV-ga HCTV waxa u dhaxaysey sided saacadood oo keliya.

Wargayska madaxa banana ee HAATUF na markii uu wax ka qoray ninka uu sodogga u yahay Madaxwayne Siilaanyo ee layidhaahdo baashe cawil iyo markii wargayska haatuf ay qabsadeen ciidamo hubaysani waxa u dhaxaysey sided saacadood oo keliya, sidoo kale markii warbaahinta looga hanjabay wargayska hubaal iyo markii albaabada la isu dhuftayna waxa u dhaxeysey sided saacadadood oo kaliya, waxana xaq loogu caddaynta wixii ay qoreen ama baahiyeen oo keliya haddii ay soo caddayn waayana waxa xaq loogu lahaa in lagu xukumo xeerka saxaafadda Somaliland ee xeer No. 27.

Hadaba alla ha u naxariistee abwaankii c/qaadir xirsi yamyam markii u arkay boobkii hantida umadda oo ku keliyaystay cid gaar ah iyo sida ay u kala fogaadeen maxamed siyaad barre iyo umaddii soomaaliyeed  iyo warbixintii khaldanayd ee ay siyaad barre u gudbin jireen guul-wadayaashii ku xeernaa iyo heesihii ay ku maaweelin jireen ee ay ka mid ahaayeen.

1)Guul-wade siyaad aabihii garashada geyigayagoow

2) Waddaii cadayd cagta saarayoo ku caraabisee, cimrigii jiryoow caynaanka hay

3) bariga afrika isku filnaanta aayihiisa damboow, aabihii umaddoow ifka noo jog

4) geesiga dhulkiisa guusha u hor seeda geeridaa dishaay; geedkaa ha go’o

Iyo qaar kaloo badan.

Hadaba marka siyaad barre guul-wadayaashii ku xeernaa heesahaa ku maaweelin jireen dareenkii rasmiga ahaa ee ay umaddii soomaalidu ka qabtay ama u arkaysey siyaad barre iyo xukunkiisii, boobkii hantida umadda iyo cadaalad-daradii markaa jirtay oo aynu manta barbar dhigi karno halka kala taagan yihiin xukuumadda siilanyo iyo dadwaynaha Somaliland gaar ahaana kuwa reer hargaysa oo cadaalad-daradii ay ugu darsantay laydh la’aan iyo biyo la’aan oo iyaga oo aan haysan biyo ay cabaan lagu maaweelinayo shidaal loo soo saarayo.

Waxa arrintaas oo kale waxa hab suugaaneed ku cabirey markii ay siyaad barre iyo shacabkii soomaalidu kala fogaadeen alla ha u naxarisitee abwaankii c/qaadir xirsi yamyam

Maansadiisii qaran ee uu yidhi:

Qab qab dhaafay iyo waxaan arkaa qaadan kari waa

Dadwaynahan qamaamay ee fardaha qoobabka leh fuushan

Ee sugaya qaynuunada sare in loo qaado

Qarqarsigu hadduu xadhigga adag qoofalada goosto

Qiyaamaha masuul yaa ka noqon qaan dad baan hadhin

Miyaanse qaranka loo wada sinayn nin iyo qaybtii

Hadaba isku soo wada duuboo Moorgan oo uu Siyaad Barre sodog ayaa ka xishoon jirey in la xidho qof isaga wax ka sheegay, wargayska HAATUF na waxa albaabada la iskugu dhuftay markii uu wax ka qoray awoodaha uu isticmaalo Baashe Cawil oo aan xukuumadda meela kaga jirin oo uu Siilaanyo sodog u yahay.

 

c/risaaq suudi Nuur

Tel:0634425243

 e-mail: suudi88@gmail.com