Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo
Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga
Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday
Inay Joojiyaan
Wasiirka Maaliyada Oo
Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee
Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku
Hafiyay
Shirgudoonka Guurtida Oo
Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad
Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable
Xukuumada Oo Maxjar Labaad
Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman
Maanta, Shalay dhaantey!
Raysal Wasaaraha Dawladda
Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
|
Xasuuqa Xukuumada
Siilaanyo Ku Qaaday Xeerka Saxaafada S/land Waa Aafo Qaran
Cabdillaahi Budul
Shaki kuma jiro in xukuumadu weerar cad ku qaaday xeerkii madaxbanaanida
saxaafada jidaynayay, islamarkaana dhaqangalka ee Lr.27/2004 ee
madaxweyihii hore ee Somaliland qalinka ku duugay, islamarkaana
distoorka qaranku damaanad qaaday xoyiyatul qawlka iyo madaxbanaanida
saxaafada Somaliland.
Xukuumada hada talada haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo
ayaa tan iyo muddadii ay xilka haysay hagardaamooyin ba,an ku waday
suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxabanaan, lana xidhdhidhay suxufiyiin
tiro badan oo dhawaana albaanada loo laabay wargeyska Hubaal, iyadoo
todobaadkii tagayna irrirada ay xukuumadu u xidhay xayiraad saartay
wargeyska Haatuf ayaa ficiladaasi waxay tilmaamayaan sida xukuumadani
dagaalka ugu qaadayso saxaafadu inay ka turjumjayso in meeqaamkii
Somaliland ee dimoqraadiyada dhaawac weyn u gaystay, isla markaana
sumcadii dalkani ku lahaa beesha caalamka ee ay wadamo badan kaga
horumarsanayd heerka nabadgalyada iyo xasilnooda iyo saxaafada ay ka
gaadhay in talaabooyinkan weerara saxaafadu hoos u dhac weyn ka soo
gaadhayo dalka.
Waxaanay xukuumadu xasuuq ku qaaday marka ay ficiladaasi samaysay
xeerkii saxaafada xorta ah ee dhaqangalka ahaa in ku tumasho sharci oo
aan geedna loogu soo gaban ay ku burburinayso xeerka saxaafada iyo
distoorkii qarankan u yaalay,.
Xeerka saxaafadu waxa uu dhigayaa masuul ama cidkasta oo dhibsata wax
laga qoray in dariiqada sharci ay soo maraan, isla markaana maxkamada
dacwad laga soo furto hadii wax dambi ah lagu helo wargeys ama warbaahin
in lagu ciqaabo xeerkaaasi waxa uu ka yidhi, balse arrinkaasi xukuumadu
way ka gudubtay oo xayiraad ayay ku samaysay xarumo wargays oo
shaqaynaya si sharci ahna albaanada ugu xidhay meharadaasi, taas oo
shuruucda iyo xeerka saxaafada baalmarsan.
Waxaana arrimahaasi si weyn u soo cambaareeyay shakhsiyaad can ah oo
dunida uga ololeeya qadiyada Somaliland iyo ururo saxaafada u hadla,
iyadoo dhinaca kalena siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridka, aqoonyahano
iyo waxgarad reer Somaliland ahi falalkaasi xukuumadu albaabada ugu
xidhay Haatuf si weyn ugu dhaliilay xukuumada, kana dalbaday inay dib
uga noqoto arrimahaasi cabudhinta saxaafada.
Ta kale xukuumada Siilaanyo waxay ka baxday balanqaadyadii xilliyadii
mucaaridka kulmiye ee ku wajahnaa in saxaafada aan la cabudhin doonin ee
xoriyatul qawlka uu ku xardhan yahay distoorka oo ay ku eedayn jireen
xukuumadii Rayaale oo marka la eego xadgudubyada ka dhanka ah saxaafada
aanay xad isku lahayn waxyeelooyinka ay u gaystay xukuumada Siilaanyo.
Talaabooyinkan weerarka cad ee xukuumadani ku qaaday saxaafada
madaxabanaan ayaa noqonaysa xasuuq lagula kacay xeerkii iyo shuruucdii
saxaafada oo xukuumadu si badheedh ah ugu tumatay distoorkii qaranka ee
damaanad qaaday madaxbanaanida warbaahinta.
Hadaba waxa loo baahan yahay in xukuumadu si degdeg ah dib uga noqoto oo
xayiraad ka qaado Haatuf iyo Hubaal, hadii kale ficil.adaasi waxay sawir
xun ka bixinayaan sumacadii, karaamadii iyo hadafkii shacabka reer
Somaliland ee dib u xorayntii dalka, haddii kale oo sharciga sidaa loogu
tunto waxa iman doonta in shacbigu sida daadka u jiidho xukuumada.
Sidoo kale waxa loo baahan yahay in aafada qaran ee xasuuqa xeerka
saxaafada lagu xaliyo wadatashib qaran si loo badbaadiyo dalka iyo dadka.
|