Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 14 2014                                             Jamadi Al Thani 14,1435H     

 

 

 

 

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada iyo Xoghayaha Warfaafinta Ee XIsbiga UCID Oo Ka Hadlay Musuqmaasuqa Wasiirka Macdanta Iyo Hagardaamada Lagu Hayo Ardayda Jaamacada Hargeysa

Hargeysa, April 14, 2014 (Haatuf) - Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo xoghayaha xidhiidhiyaha gobolada iyo degmooyinka ee xisbigaasi Cabdiqani Ibraahin Yuusuf Salaf ayaa si kulul uga hadlay falkii lagula kacay ardayda jaamacada Hargeysa iyo musuqmaasuq ay sheegeen inuu ku kacay wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland.

Ugu horayn xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo ka hadlay shir jaraa,id oo ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in wasiirka macdanta iyo tamarta looga fadhiyo inuu cadeeyo lacag uu sheegay inuu lunsaday.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo ka hadlaya lacagta uu wasiirku lunsaday ayaa waxa uu yidhi “Shirkii jaraa’id ee u danbeeyey aanu qabano waanagii ku shaacinay in wasiirka macdanta iyo tamartu uu cadeeyo  $1,800,000 (hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo doolar) taas oo jeebkiisa ku dhacay oo aanu soo gaadhsiin wasaarada maaliyada kuna darin miisaaniyada, baankana aanu ku shubin, shirkii jaraa,id ee uu dhawaan qabtay waxa uu sheegay inuu $1500,000( hal milyan iyo shan boqol oo kun) ku shubay baan Jabuuti ah oo macnaheedu yahay wasaarada maaliyada ayaan ku wareejiyey, waxaanan leenahay baaqiga kugu hadhay oo ah $300,000 (sadex boqol oo kun oo doolar ) lagaaga hadhi maayee ku soo celi wasaarada maaliyada.”

Sidoo kale xoghaha xidhiidhiyaha gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahin Yuusuf Salaf (Kabtanka) oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu ka waramay falkii lagula kacay  ardayda jaamacada Hargeysa ee maalintii shalay ka mudaharaaday lacagtii lagu kordhiyey waxaanu yidhi “Waxaanu halkan canbaaraynaynaa falkii shalay ku dhacay ardayda jaamacada Hargeysa ee ardayda lagu sigay laguna khatar galiyey, ilaahay ayaana mahad leh haddii aanay arday halkaas ku dhiman, waayo rasaas ayaa lala dhacay waxaan  loo adeegsaday ciidan tababaran, waxaanad moodaa in dawlada wakhtigan dalka ka talisaa inaanay naxariisba u ahayn ardayda iyo dadka shacabka toona, waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa xadhiga ardayda loo gaystay, waxaanan leenahay waa in xoriyadooda loo soo celiyaa.”

Cabdiqani Ibraahin Yuusuf oo  hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Marka loo soo noqdo musuq maasuqa aafeeyey hay’addaha dawlada, jaamacada Hargeysina musuq maasuqa way kala siman tahay  laakiin iyada waxa u dheer maamul xumo aafaysay jaamacadaas, wax la maal gashadana waxa ugu fiican dhalinyarada iyo in dadka wax la baro oo ay mustaqbalka dalka toosiyaan, marka la leeyahay jamaacadu way is bixin wayday  mar hadii dhismihii jaamacadu bilaash yahay,biyihiina bilaash yihiin, laydhkiina bilaash yahay lacagta ardaydana loogu tala galay barayaasha iyo dadka kale ee ka shaqeeya la siiyo siday isku bixin wayday, waxaanay ahayd inay dawladu hoos u eegto dadkan camal la,aantu hayso ee hadana dadkoodii ku tabcaya inay  wax baraan, waxaanan leenahay ardayda ha laga daayo lacagtaas.” Ayuu yidhi xoghaye Cabdiqani Ibraahin Yuusuf Salaf Kabtanka.

 

Hadhwanaagnews.com

.