Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 14 2014                                             Jamadi Al Thani 14,1435H     

 

 

 

 

Faadumo Siciid Oo Eedo Hor-Leh U Jeedisay Wasiirka Waxbarashadda, Kana Hadashay Dhaqamada Argagaxa Leh Ee Ciidamada RRU-Da Iyo SPU-Da

“Hablahan Maanta La Silcinayo Miyaanay Kuwaaga Oo Kale Ahayn Jidh Yar Oo Ku Damqanaya Miyaanu Kugu Oolin, Falkaa Xun Ee Maanta Dhacay Ee Aad Waliba Leedahay Iyagaa Mutaystay Oo Jeelka Ay Ku Jirayaan Waxaasi Wax Lagu Dhaqmo Maaha”Marwo Faadumo Siciid
Hargeysa, April 14, 2014 (Haatuf) – Xoghayaha maaliyadda ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Marwo Faadumo Siciid ayaa fashilaad ku eedaysay wasiirka wasaaradda Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, taas oo ay ku canaanatay inaanay ka run sheegin balan-qaadadeedii wakhtigii ay mucaaridka Kulmiye ka tirsanayd.
Faadumo Siciid waxay dhacdadii shalay ee mudaharaadadii ardayda Jaamacadda Hargeysa ku sifaysay inaanay istaahilin sida ay xukuumadu ula dhaqantay, taas oo ku dooday in wasiirka waxbarashada marwo Samsam inay wakhtiyadii hore ka shaqayn jirtay ilaalinta xuquuqal iinsaanka iyo sidii wax loola qaban lahaa dhalinyarada dalka, waxaanay xustay Faadumo Siciid inay taas badelkeeda ka shaqayso wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Xoghayaha maaliyadda UCID Faadumo waxay sidaasi ku sheegtay mar ay maanta warbaahinta kula hadlaysay xafiiskeeda magaaladda Hargeysa. Ugu horayna iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa, waxa ay hadalkeeda ku bilawday “Falkii foosha xumaa ee shalay dhacay ee dhalinyarada Somaliland ee muwaadiniinta sida xun loo galay ee jidh dilka aadka u foosha xun lagu sameeyey xabsiyadana lagu guray ee ciidanka RRU-da iyo SPU-da loo dalbaday, waa mid ay aad uga xumaadeen mujtamaca Somaliland dibad iyo gudaba, dhalinyaradu wax way diidi karaan, mudaharaadna way samayn karaan , waayo waa xaq uu qofku leeyahay inuu sameeyo marka uu wax ka dhiidhiyayo, boodhadhkoodii-bay siteen, waanu la yaabanahay sababta ciidanka SPU-da ah loogu daray”.
Marwo Faadumo Siciid, iyada oo hadalkeeda sii wadata, isla markaana farriin u diraysa Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, waxay tidhi ““Wasiirka waxbarashada waxaan u dirayaa fariin, wakhtigii aad mucaaridka ahayd waxaad ka shaqayn jirtay xuquuqal iinsaanka waxaanad u doodi jirtay dhalinyarada, haweenkana waad u doodi jirtay, markii aad kursiga ku fadhiisatay ayaad ilawday wixii aad u doodi jirtay oo aad xaga danbe ka xoortay, caruurtan yar yare ee aad sidan ku samaynaysaan maaha caruur cidla laga soo helay ama dukaan laga soo iibsaday hooyo ayaa u dhibaatooday, shalayna waxaanu xasuusay dhalinyaradii Ufo, Ufo-na waxay ahayd dhalinyaro dugsiyadii ka soo rawaxay oo mudaharaaday ayaa beerka xabad lagala dhacay taasna waad na xasuusiseen, jidhkii ayaa diiday inaanu dhagaysano oo aanu maqalno caruurta masaakiinta ah qayladooda, hablihii sida asluubta leh loo saari lahaa baabuurka oo si arxan daro ah loola dhaqmayo, caruurteenu may mutaysan falalka noocaas ah, waxaanan ku leeyahay wasiir Sam Sam ilaahay ayaa maanta wasiir kaa dhigay laakiin sharaftii,xurmadii,ixtiraamkii iyo raxmadii hooyanimo xagee ayey kaa tagtay, hablahan maanta la silcinayo miyaanay kuwaaga oo kale ahayn jidh yar oo ku damqanaya miyaanu kugu oolin, waxaanan leeyahay falkaa xun ee maanta dhacay ee aad waliba leedahay iyagaa mutaystay oo jeelka ay ku jirayaan waxaasi wax lagu dhaqmo maaha”.
Ugu danbayn marwo Faadumo Siciid waxay sheegtay in shacabka Somaliland ay khaatiyaan ka taagan yihiin ciidanka ay xukuumadda Siilaanyo u adeegsato mudaharaadada Salmiga ah, waxaanay tidhi “Anagu khaatiyaan ayaanu taaganahay mana ogolin in caruurtayada maalin kasta maydkooda ama dhaawacooda meel laga qaado, falkii shalay ee Berbera ayeynu ogayn, falkii caruurtii Xaqsoor meel walba lagu balan baliyey ayeynu ogayn, waxaynu arkay tii cusbitaalka dabadiisa ka dhacday, ma waxaynu ku jiraynaa shantaas sanadood ee uu Kulmiye dalka Haysto inaynu geeri uun u taagnaano,ma tacsi ayeynu u taagnaan, caruurtana ma xabad uun baa laga ilaalin, waxaan leeyahay xukuumada waxan dib ha looga noqdo, dadweynahana waxaan leeyahay askarta haw cadhoonina waayo amar ayey qabaan, askariguna danbi ma laha danbigana waxa iska leh cidii amarka soo siisay oo ah madaxweynaha, wasiirada iyo inta la hal maala”.