Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 14 2014                                             Jamadi Al Thani 14,1435H     

 

 

 

 

Xukuumada Siilaanyo Oo Xaalad Colaadeed Ka Dhex Hurinaysa Beelaha Ciise Muuse

Berbera, April 14, 2014 (Haatuf) –  Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa beelaha Ciise Muuse ee deegaanada gobolka Saaxil ka dhex wada xaalad colaad iyo iska horimaad gudahooda ah, taas oo todobaadkii hore dabayaaqadiisii ninkii toogashada la beegsaday dhawaan xildhibaan Maxamed Faarax Qabille uu wiil uu dhalay xildhibaan Qabille uu rasaas ku dhaawacay, isla markaana qof dumar ahina ku dhimatay magaalada Berbera.

Xukuumada Siilaanyo ayaa la sheegay in iska horkeenka beesha Ciise Muuse ay u adeegsanayso wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Cabdillaahi Abokor Cismaan, kaas oo horena loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay toogashadii lagula kacay xildhibaan Qabille, taas oo eedaysanaha dhacdadaasi dilka ah ee Berbera ka dhacday fuliyay la sheegay inuu watay gaadhiga wasiir ku xigeenka amiga Cabdillaahi Abokor.

Waxaana ilo u dhuun daloola xaaladaasi Berbera ka dhacday ay tibaaxeen in lagu doonayo falkaasi dilka ah iska horkeen iyo colaad laga dhex hurinayo beelaha gobolka Saaxil gaar ahaan beesha Ciise Muuse gudahooda.