Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 15 2014                                             Jamadi Al Thani 15,1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Xukuumadda Siilaanyo Oo Xubno Ay

 Isku Beel Yihiin Oo Degan Sheffield Ka Codsaday Inay Markhaati Been Ah U Furaan

 

Wasiir Waji-Xun Ayaa Ka Gubtay Shirkii Jaraa’id Ee Ay Jaaliyadda S/land Ee Sheffield Ay Ku Qaadaceen $20,000 Ee Uu Sheegay Inuu Gaadhsiiyey

Hargeysa, April 15, 2014 (Haatuf) – Wasiirka macdanta iyo tamarta xukuumadda Siilaanyo Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) ayaa maalmihii u danbeeyey olole u galay sidii uu markhaati been ah uga heli lahaa bulshadda Somaliland ee ku nool Sheffield ee dalka UK, kaas oo la xidhiidhay xubno ay isku beel yihiin oo ku degan magaaladaasi isla markaana ka codsaday inay qabtaan shirjaraa’id oo ay ku isku haf-rayaan ayna ku shaacinayaan inuu lacagta $20-ka kun ah gaadhsiiyey.

Xubnahan ay isku ardaaga yihiin wasiirka macdanta oo dhex-dabaalanaya musuq-maasuq ayey iyaga dhinacooda u cuntami wayday codsigaasi waji-gabaxna kala kulmay, kuwaas oo ku war-galiyey inaanay samayn karin arintaasi oo ay ku doodeen inay bulshadda kale ee Somaliland ee Sheffield inay tuke baal-cad ka dhex noqon doonaan hadii ay markhaati-beenaalahaa u furaan.

Sidoo kale wasiirka macdanta iyo tamarta Mr Xuseen Waji-xun ayaa isagu ka gubtay shirkii jaraa’id ee ay todobaadkan qabteen guddidii qaban-qaabinaysay xaflada lacagteedii la cunay ee loogu dabaal-degayey aqoonsigii ay golaha deegaanka magaaladda Sheffield, taas oo ay warbaahinta dalku si wayn  u baahisay isla markaana waji-gabax ku noqotay wasiirka macdanta xukuumadda Siilaanyo.

Dhinaca kale masuuliyiintii xukuumadda uga qayb-galay munaasibadaasi ee wasiirka macdanta la socday Ayaan iyagu ilaa imika ka hadlin kharashka diyaarada iyo Hurdada ah ee uu sheegay in laga jaray $ 20,000 ee loogu dhiibay  in lagu bixiyo kharashkii xafladii Sheffield.