Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 18 2014                                             Jamadi Al Thani 18,1435H     

 

 

 

 

Somaliland Ma Isku Bixin Kartaa Sii Daawashada Xukunka Caa’ilada U Gacan Galay

Haatuf Staff Reporter

Muddo afar sanadood iyo dheeraad ah ayaa dadka reer Somaliland waxa ay maalinba maalinta ka dambaysa indhaha ku kala qaadayeen xaqiiqo jirta oo ah in madaxweynihii ay doorteen ee Axmed Maxamed Siilaanyo uu tahli waayey hogaamintii talada dalka oo uu u baneeyey xubno ka mid ah qoyskiisa gaar ahaan marwadiisa Aamina Waris iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil.

Caa’iladan taladii dalka la wareegtay ayaa waxay dadku ugu tudhayeen markay arkaan cadawyada iyo duruufaha ku xeeran dalka, laakiin dhibaatooyinkii arintan ka dhashay ayaa gaadhay heer aan laga indho qarsan karayn oo hadii hada laga badheedhi waayo ay noqonayso in Somaliland laga samro oo raaligalinta labadaas shakhsi darteed ay jar uga dhacdo meel aan laga dayoon karayna ay ina gaadhsiiyaan.  

Hadaba iyadoo aan umada lagu kala qaybin qabyaalad iyo xisbi-nimo ama mucaarid iyo muxaafid waxa waxgaradka ummadan la-gudboon inay u damqadaan dadkan tacabka badani ka galay oo ay u jeestaan wax ka qabashada xukunkan dalka ee ay caa’iladani la balan-balayso ee laba shakhsi oon la dooran ay awoodii dawlad-nimadu u gacan gashay.

Hadii kale cuqdada iyo daacad darada ka timaada qoyskan taladii dalka cidlada ka helay waxay gaadhi doontaa heer ay u kaashadaan cadawgii waligiiba laga horjoogay meel dagan oo uu dalkan uga soo dhaco.

Qofowna ha-u-fadhiyin in mucaaridnimo wax lagu dhaliilayo laakiin arintan aanu ka hadlaynaa waa masiirkii ummadan oo in la dhayalsadaa ay xaaraan tahay.