Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 18 2014                                             Jamadi Al Thani 18,1435H     

 

 

 

 

Siiraanyo Sharci Darro Ku Heli Maayo Wixii Siyaad Barre Ku Waayey!!

Eng. Yousuf Ahmed

Siiraanyo hadduu jeclaystay inuu sharciga ka tallaabsado, oo dastuurka ku tunto, ha ogaado inaan Madaxtooyada la jiifi doonin, cagajuglayntana la eedi doono.

Waxa la yaab ah in Siiraanyo u qaato masuuliyadda loo dhiibay, mid uu iska leeyahay, waxaanu se ogayn in cid waliba ka dhawrsanayso in dalka dhibaato intaa ka badani ka dhacdo. Waxaan se marnaba la huraynin in runta laysugu iman doono, siiraanyona waxuu rabo iska fali doonin, ee ay noqon doonto in dalkan dadka lihii ilaashanayaan. Maaha markii koobaad ee siiraanyo u dhaqmo sidii taliskii awoodda millatariga adeegsan jiray, ee eeday qarankii uu nacasnimada ugu talaxtagay.

 Waa kasgaabnimo in siiraanyo isaga oo ogaa wixii ummadda ka soo maray inay xorriyad ku noolaadaan, uu maanta bilaabo inuu isku dayo inuu badheedh, iyo sharci darro u adeegsado awoodda qaranka somaliland. Ma dhici doonto in Yuusuf Cabdi Gaboobe oo u soo halgamay xorayntii dalka, kana mid ahaa dadka ugu waxqabadka badan, ee u hiiliya qaranka sharaftiisa, uu maanta Siiraanyo ugu hanjabo waan xidhi doonaa. Taasi waa ruux garaadkiisu aanu garanaynin, awoodda Siiraanyo u leeyahay inuu ruux iska xidho, isna rabo in la qaddariyo, oo sharafta calanka lagu xishmeeyo.

Waa garaadka Siiraanyo inuu si nacasnimo ah ugu talaxtago awoodda qaranka, oo u adeegsado, inuu hantida qaranka bililiqaysto, oo rabo inaan cidi juuq odhan. Waynu ognahay inuu hantidii qaranka ee maguuraanka ahayd, iyo guryihii dawladda xaraash kaga gaday, xawaaladda uu saamiga ku leeyahay ee Dahabshiil. Waynu ognahay inuu daarihii dawladda dadweynaha iyo shacbigii dagganaa ka saaray, uu qaar qabyaalad iyo qaraabonimo keentay, ugu tabarucay, oo aanu u haysan in la xisaabtami doono.

Waxuu Siiraanyo gaadhay heerkii ruuxa la garanjiray, inay haantiisu buux dhaaftay, oo daadinayso,ee uu isagu gacantiisa isku soo laba diblayn jiray. Waxaan marnaba ummaadda reer Somaliland qaadan doonin, in musuqa cidda ka hadasha, ee runta u sheegta Siiraanyo loogu hanjabo waanu ku xidhi.

Sharciga hadduu Siiraanyo garanwaayo, inuu isaga u fiicanyahay, waxuu garandoonaa marka uu baadil iyo badheedh uu awoodda qaranka u adeegsado, ee isku dayo in uu cabbudhiyo runta aan indha laga lalin karaynin, iyo musuqa uu aabbaha u yahay isagu.

Ummaddu waxay u baahan tahay in talo qaran ay isaga timaaddo, oo musuqa xad dhaafay, iyo bililiqada uu Siiraanyo kow ka yahay ee xaaraanta dhaafay, iyo dalkan Siiraanyo duminaayo ay isaga timaaddo ummadda reer Somaliland oo ay ka sabata bixiyaan falalkan foosha xun ee Siiraanyo, iyo xawaaladdiisu carriga gayaysiiyeen.

Siiraanyo hawlihii qaranka waxuu u beddelay in qandaraaslayaal lagu naasnuujiyo, oo hantida qaranka uu ugu bililiqeeyo, oo xataa waxaynu ku cibra qaadan karnaa, in laamiyada kabkabkoodii, iyo hagaajintii waddooyinka ay shaqo ka dhigatay  madaxtooyadu,  xafiisna u samaysatay inay dhisto.  Waa yaab iyo ammakaag in aqoonxumo intaa leeg uu ku dambeeyo qarankii haybadda lahaa, oo maanta dadku madaxtooyadii qaranka ay ku tilmaamaan wakaalad, hawlaha ay isu xilsaartay awgeed. Maynu arag dunida dawlad yeelata hay’ad samafal, waa qayb ka mid ah maamul xumada siiraanyo, inuu madaxtooyada ka samaysto hay’ad samafal. Iyada oo shaqada dawladeed aay tahay waajib inay gudato, oo aanay marnaba ku doodi karin, inay cid u samafalayso.

Somaliland meel xun ayay ku socotaa halaga samata bixiyo taliskaa siiraanyo ee garaadkii ka ambaday.

Waxaynu ognahay in xawaaladda dahabshiil ee siiraanyo  saamilaydeeda uu ka mid yahay , shaqaalaheedu  Xamar ay u dhoofaan aroor iyo habeen oo u shaqo tagaan, halka uu maanta dembiga uga dhigay xamar ayaad tagteen dhallinyaradii aan Siyaasad ku shaqada lahayn ee fannaaniinta ahayd, ee ay u bannaantay inay dunida meel kasta booqan karaan, maadaama aanay heesahoodu cid gaara u xidhnayn, ee ay u ehelyihiin afka soomaaliga cid kasta oo ku abtirsata, oon xuduud lahayn.

Siiraanyo qabyaaladdii kursiga lagu fuushiiyay, waxay keentay, inuu qaranka dumintiisa hawshiisu ku soo gororto, ummadduna waxay u baahantay inay talo qaran ka yeelato, intaan xeedho iyo fandhaal kala dhicin.

Rabbi ayaa guul iyo awoodba iska leh.

 

 Eng. Yousuf Ahmed

 

London U. K.

 

jicsin@hotmail.com