Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 18 2014                                             Jamadi Al Thani 18,1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Ciidanka Madaxtooyadda Oo Loo Calaamadiyey Inaanay Soo Daynin 5 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Iyo Dareenada Ku Xeeran

Hargeysa, April 19, 2014 (Haatuf) - Shan Xildhibaan oo katirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, oo isugu jira Xisbiga Xaakimka Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa, la sheegay in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada loo Dhiibay qoraal ay ku qoran Magacyadooda iyo Amar lagu farayo in aanay kusoo gali karin kadinka Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

Xildhibaanadan Katirsan Golaha Wakiilada Somaliland ee qoraalka amarka ah loogu wargaliyay Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Somaliland, in aanay gali karin Xarunta Qasriga Madaxtooyada ayaa, waxa kamid ah Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo katirsan Xisbiga Kulmiye,Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), oo isaguna katirsan Xisbiga Kulmiye, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, oo hore uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye haseyeeshee, hada kamid ah Xildhibaanada ugu mayalka adag Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo isaguna kamid ah Xubnaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo isaguna kamid ah Xubnaha ugu mucaaridada adag ee katirsan Xubnaha Wakiilada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Xildhibaanadan oo intooda badani aanay horjoogsan kadin Madaxtooyada ayaa, lagu soo rogay amarkan ilaa iyo hadana lamana garanyo sababta Qoraalkan loogu dhiibay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, inkastoo ay Xubnaha Golaha Wakiilada ee katirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye had iyo jeer gaalaa baxaan Xarunta Qasriga Madaxtooyada hadana, majiraan sida ay wararku xaqiijiyaan wax istijaaha oo ay kala soo baxaan ama ay la galaan intooda ugu badani marka laga reebo balamo gaagaabab, iyo arimo aan dhaasnaeyn Xaal mastuur soke inkastoo ay jiraan Xubno miisaan badan ku leh oo ka qaata Xarunta Mashaariic Sida Xildhibaan Cali Mareexaan oo kale.

Dhinaca kale Xildhibaanada la tuhunsan yahey in qoraalkan joojinta Madaxtooyada loogu soo gabanayo ayaa, aad loo hadalhayaa in uu yahey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo la Sheegay in ay had iyo jeer meel adag iska taagaan Qodobada ay Xukuumadu wadato ee la horkeeno Golaha Wakiilada hortooda.

 

Sources: Hadhwanaagnws.