Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 18 2014                                             Jamadi Al Thani 18,1435H     

 

 

 

 

Guddoomiyihii Ururkii  DALSAN Oo Digniin Iyo Hanjabaad Iskugu Daray Hogaanka Kulmiye Oo Uu Saluug Ka Muujiyey Siday Wax U Wadaan

“Aad ayaan Ugu Faraxsanahay Musharxnimada Xasan Gaafaadhi, Hadii Kulmiye Aanu Sidaas Wax Kaga Wayno-na Waxaanu Samaysan Doonaa Urur Layidhaa Dalrays” Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare)

Hargaysa, April 19, 2014 (Haatuf) – Wasiirkii daakhiliga cah-digii xukuumadda Daahir Rayaale isla markaana ah Guddoomiyihii ururkii ku hadhay doorshada golaha deegaanka ee DALSAN ee la midoobay xisbiga Kulmiye  Eng Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa maanta fariin kulul u diray hogaanka xisbul-xaakimka.

Ismaaciil yare waxa uu sheegay inuu sharciga u yaal xisbiga Kulmiye dhigayo in xisbiga dhexdiisa lagu tartami karo, waxaana uu sheegay in hadii uu cadaalada helo Xasan Gaafaadhi uu heli doono guddoomiye ku xigeenka xisbiga, kaas oo ku dooday inay urur cusub samaysan doonaan isaga iyo Xasan Gaafaadhi, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Dalrays, waxaanu ku baaqay in la taageero musharaxa guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mr Xasan Gaafadadhi.

Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey munaasibad lagu shaacinayey mushraxnimadda Xasan Gaafaadhi. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ”Aad ayaa maanta usoo dhawaynayaa uguna faraxsanahay saaxiibkay Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo ahaa guddoomiyihii ururkii hore Raysa isku soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye waan ku farax sanahay ismaaciil ahaan waan soo dhawaynayaa,Xeerka iyon sharciga uu kulmiye dhigtayna ee yaalana waxa u fasaxayaa inuu isa soo sharaxo waxa uu diidayaana ma jiro sida jirtay iyo mararka qaarkoodba waxa jira in la yidhaa waxa xal loo arkaa in sidaas iyo sidaas la yeelo iyo qoladaas sidaas loo daayo lakiin waxaasi waa qaboojin uune sharciga waxba kamay badalin.

sharciga marka waxa laga badalaa waa marka la iskugu yimaado shirwayne markaas ayuunbaa waxna laga badalaa waxna lagu kordhiyaa lakiin muuse biixiba waxa la tartamayey cabdi casiis maxamed samaale cabdi casiisna waxa lagu yidhi uga hadh muuse biixi sidaasna waa uu ugu hadhay lakiin way dhici kartaa rag kale oo aan ahayn cabdi casiis oo qarsoon ay soo baxaan talow ma sidii anag barigii udub qoorta nalooga xidhay ayaa maanta kulmiye nalooga xidhi doonaa maya ayaan leeyahay”.

Guddoomiyihii ururkii Dalsan Ismaaciil Yare isaga oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Waxaan filayaa xisbiga kulmiye inuu ka dimuq-raadiyada badan yahay Markii aanu udub ahayn ayaa qoorta la iska qaban jiree lakiin sidaas uu maanta isku cadeeyey xasan gaafaadhi ayaa qofka han musharaxnimo ku jiro looga baahan yahay,sida uu madaxwaynaha somaliland sharcigu u dhigayo waxa uu xaq u leeyahay inuu isku soo sharaxo laba teeram lakiin haduu iska daayo isga ayey jirtaa.

lakiin  haduu isku soo sharaxo qof kale waa hankiisa siyaasi Ma filayo hadii xasan cadaalada helo marka uu isa soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad waayayo waayo waxa uu sigay inuu ka mid noqdo saddexdii xisbi qaran markaas guddoomiyaha ku xigeenka xisbiga macno uguma fadhiyo”.

Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay in ay xisbiga kulmiye dan u tahaya inuu isa soo sharaxo xasan gaadhafaai waxaana uu yidhi”Marka aynu ka hadlayo xaq ee laga soo gudbo mala awaalka Xisbiga kulmiye ayey dan u tahay oo ay dan wayni ugu jirtaa inuu xasan ka mid noqdo gudoomiyaha ku xigeenka koobaad ee xisbiga.

waa mide waxa u wax tarayaa xisbiga waxaana uu wax badan ka badalayaa inuu xasan ka mid noqdo xisbiga kulmiye hadii aan aniga iyo xasan xisbiga kulmiye wax ka wayno waxaanu samayn doonaa Urur La yidhaa dalsan and raysa waana dal barwaaqo ah oo waxa weeyaan dalsan iyo raysa oo la isku daray Markaas taas ayaa iman doonta waxaana leeyahay xisbiga kulmiye dag-dag xasan gaafaadhi codkiina u siiya”.